December 18, 2009
Wasiirka Cadaaladda Oo Soryo Qado Ku Soo Dhaweeyay Dhalinyaro Madaxweynuhu Cafiyay Oo Xabsiga Mandheera Laga Soo Daayay
Hargeysa (Harowo) - Wasiirka Cadaaladda Somaliland Axmed Xassan Cali (Casoowe) ayaa sooryo qado ku soo dhaweeyay dhalinyaro, Danbiyo ay galeen iyo waalidiintood oo xidhay awgeed ugu jiray xabsiga Mandheera, hasa yeeshee uu dhawaan madaxweynaha Somaliland cafis u fidiyay. Dhalinyaradan oo Edbin iyo danbiyo ay galeen awgeed loo xidhay, waxa cafiskooda madaxweynaha ka dalbaday Wasaarada cadaalada iyo hay’adda SCF Denmark waxaana Wasiirka iyo masuuliyiinta Save the Children Denmark ay kaga hortageen xabsiga Mandheera, ka dibna casuumad loogu diyaariyay Hudheelka Kaah.
Get Flash to see this player.

