December 15, 2009

Faalo: Kulankii Faysal Iyo Kulmiye ee London Waxa Uu Niyad Jab Ku Riday Tageerayaasha UCID/UK

London (Qarannews) - Waxa habayn hore soo gaadhay magaalada London gudoomiyaha xisbiga UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe, taasi oo socdaalka uu ku yimid xiligan ay ahayd in uu ka qayb galo shir balaadhan oo ay xisbiga UCID/UK isugu iman doonaan magaalada Bristol ee dalka Ingriiska shirkaasi oo lagu wado in uu qabsoomo todobaadka soo socda. Hadaba isla markii uu Faysal Cali Warabe uu ka soo degay magaalada London ay xubno mihiim ah oo xisbiga UCID/UK iyo Ucid Yurub ay ku wargaliyeen in ay soo qaban qaabiyeen kulan uu la qaato qaar ka mid ah xisbiga Kulmiye oo iyagu xiligan ku sugan dalka Ingriiska kuwaasi oo ay ugu waaweyn yihiin Dr Abdi Aw Daahir iyo C/raxmaan C/qaadir iyo xubno kaleba.

Xubnahan ka soo jeeda xisbiga UCID/UK/Yurub ayaa iyagu baryahnba lagu tirinaayay in ay u jan jeedhaan xaga xisbiga Kulmiye, taasi oo ay mudooyinkii danbeba ay ku dhex jireen isku soo dhawayn iyo midaynta fikradaha labada xisbi, garabkani oo si toos ah xidhiidh ula leh gudoomiyaha wakiilada oo isagu ku adkaystay in uu la fikrad noqdo xisbiga Kulmiye isla markaasina ay hada u eegtahay in uu ku guulaysnaayo in uu helo xubno ka tirsan xibiga UCID/UK iyo Yurub, kuwaasi oo uu u adeegsanaayo isu soo dhawaynta isga iyo gudoomiyaha xisbiga UCID.

Talaabadaasi ayaa u eeg mid najaxday madaama oo gudoomiyihii xisbiga UCID isaga oo aan la kulmin tageerayaashiisii uu kulan deg deg ah uu la qaatay madaxdaasi Kulmiye ee loo soo qorsheeyay in uu kulan deg deg ah la qaato.

Sida ay doontaba ha noqotee kulankani aan xiligan haboonayni ee uu Faysal Cali Waraabe uu la qaatay xisbiga Kulmiye ayaa  waxa ay tageerayaal badan oo ka soo jeeda xisbiga UCID/UK ay u arkeen mid uu gudoomiyahoodu ku deg degay madaama ayna tageerayaasha UCID ayna ahayn uun inta madaarka ama Lonodn ku soo dhawaysay.

Hadaba kulankii xalay ayaa Faysal Cali Waraabe ay madaxda Kulmiye iyo kuwa Ucid/uk iyo Yurub ay ku war galiyeen in ay hore dhowr jeer u kulmeen isla markaasina ay isku mawqif ka taaganyihiin siyaasada Somaliland isla markaasna ay haboontahay in xisbiga UDUB dalka laga qaado oo ayna hogaamin taasi oo uu Cabdi Aw Daahir sheegay in ayna haboonayn in uu Rayaale mar labaad soo noqdo, xaga ina C/qaadir uu sheegay in ay haboontahay in uu doorasho ku tago oo lagaga adkaado, hadaba Faysal waxa ku xeeran munaafaqad iyo is xulafaysi aan jihaysnayn oo la doonaayo in xisbiga ucid lagu mija xaabiyo.

Sida ay doontoba ha ahaatee, talaabadan waa mid kale oo qalad ah oo uu gudoomiyaha UCID, uu qaaday isga oo aan ka fiirsana uu xisbigii afka hadan u saaray jiho qaldan, iyada oo qaar ka mid ah tageerayaasha UCID/UK ay noo sheegeen in ay ka xanaaqsanyihiin  shirkaasi iyo kulankaasi uu la yeeshay xisbi kale iyada oo aanu la kulmin ama aanu qabanin shirkii ay ka filayeen.

Source: Qaran News

Login