December 13, 2009

Xagay Isaga Egyihiin Kulmiye iyo Al-shabaab.

Xisbiga Kulmiye: Hadii aad nala jirto waxaad tahay mujaahid,  haddii aad naga jirtona waxaad tahay Faqash xitaa haddii aad tahay Cali Gurey, Cabdiraxmaan Aw Cali, Ibraahim Dhagaweyne iyo Axmed Mire.

Alshabaab: Haddii aad nala jirto waxaad tahay Mujaahid haddii aad naga jirtona waxaad tahay Murtad.

Kulmiye: Haddii aan xukunka hayno Ictiraaf Haa, haddii kale Ictiraaf maya.

Al-shabaab: Haddii aan xukunka hayno diin la isku xukumo Haa, haddii cid kale hayso Maya.

Kulmiye: Cismaan Hindi markuu nala jiro Mujaahid, markuu naga jiro Faqash.

Kulmiye: Sool iyo Sanaag haddii ay nala jiraan waa Soomaaliland haddii kale looma baahna.

Al-shabaab: Kismaayo haddii aan xukunno Waa wilaayad Islaam haddii kale Wilaayad shaydaan.

Naaleeye Nuur

Naaleeye111@hotmail.com

Login