December 13, 2009

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Axsaabta Mucaaridka Ku Eedeeyey Inay Dhaqan Ka Dhigteen Inay Dafiraan Waxyaalaha Qaranka U Qabsoomay

“Maxjarka Berbera Wuxuu ku Hirgalay Dedaalka Xukuumadda, Wax Lacag ah oo Laga Cunayna Ma Jirto. ”Axsaabta Mucaaridku Waxay Dhaqan Ka Dhigteen Inay Dafiraan Wixi U Qabsoomay Qaranka” Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Idiris Ibraahin Cabdi.

wasiirka-xananada-xoolaha1 Hargeysa - Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane Dr Idiris Ibraahim Cabdi, ayaa maanta  jawaab kulul ka bixiyey hadal dhawaan  ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,  axmed maxamed maxamud siilanyo oo sheegay in dhaqaale badan oo kasoo baxay maxjarka caafimaadka ee berbera la lunsaday taas oo uu wasiirku sheegay inanay jirin waxa dhaqaale ah oo lagu tagri falay balse uu sheegay dadaal badan oo ay xukuumadu samaysay lagu hirgaliyey dhismaha maxjarka iyo sidii xoolaha Somaliland loogu furi lahaa dakadaha dalka sucudi Arabia. sheegayay  in la lunsaday dhaqaalihii Maxjarka Berbera ka soo baxay.

Waxa kale oo uu wasiirka xanaanada xooluhu axsaabta mucaaridka si wayn ugu eedeeyey inay dhaqan ka dhigteen in waxyaalaha ay xukuumad ahaan dalka u qabtaan ay dafiraan isla markaana aanay ka run sheegin.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo shalay saxaafada la hadllay , ayaa gaashaanka ku dhuftay hadallada ka soo yeedhay Guddoomiyaha Kulmiye axmed maxamed maxamud siilaanyo oo uu ku tilmaamay qaar aan macno lahayn oo aanay waxba ka jirin, wasiirka wasaarada xanaanada xooluhu isagoo ka hadlaya arimahaasina waxa uu yidhi “Maxjarka Berbera Ilaahay baa mahad leh’e wuxuu ku hirgalay dedaalka xukuumadda Somaliland waxaana jiray in aynu la kaashanay shirkada Al-jaabiri ee maalgelisay, maxjarkaasi oo fure u noqday in xayiraada laga qaado xoolaha nool ee loo dhoofiyo dalka Sucuudiga,  wax lacag ah oo maxjarkaasi laga cunayna ma jirto, mana aha wax u qalma Guddoomiye Xisbi inuu dacaayado aanu xaqiijin karin uu ku cambaareeyo xukuumadda, hadalka Guddoomiyaha Kulmiye ka soo yeedhay ee ku saabsan in lacagtii ka soo baxday maxjarka Berbera la cunay waa mid been abuur ah.”

Dr. Idiris Ibraahim oo daba socday hadallada Guddoomiyaha Kulmiye, wuxuu yidhi “Guddoomiyuhu wuxuu ku gafay shacbiga  magaalada Berbera oo xilligan xarakaadkeeda ganacsi iyo dhaqdhaqaaqeedu  marayo halkii ugu sareysay, waxaana leeyahay Axmed Siilaanyo xukuumaddu waxay ku guulaysatay in ay magaalada Berbera u soo celiso dhoofkii xoolaha ee ay caanka ku ahayd.”

Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa kale oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay Guddoomiyaha Kulmiye oo sheegay in muddo 18 sanadood ah aanay xukuumaddu waxba ka qaban siyaasadda dibedda, waxaanu yidhi “Axsaabta mucaaridku waxa ay dhaqan ka dhigteen inay dafiraan wixii qaran ahaan dalka u qabsoomay, waxaan leeyahay xukuumaddu ay ka hawlgashay qaddiyada ictiraaf raadinta iyada oo xoogga saartay sidii aynu xidhiidh iyo iskaashi ula yeelan lahayn dalalka deriska iyo beesha caalamkaba hase yeeshee, waa indho la’aan in la yidhaahdo Somaliland waxba umay qabsoomin.”

Source: Haatuf News

Login