December 13, 2009
Wasaarada Maaliyada Si Kulul u Beenisay Eedaymo Maxamed Xaashi Madaxweynaha U jeediyay
“Waxaan Maxamed Xaashi ka Codsanaynaa Inuu Ka Waantoobo Kana Xishoodo Hadalada aan jirin ee uu Ummadda la hortaagan yahay.” Wasiir ku xigeenka Maaliyada
Hargeysa (Harowo) - Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa si kulul u beenisay war uu wasiirkii hore ee Ganacsiga Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ku qoray wargeyska Jamhuuriya, kaas oo uu ku sheegay in lacagta cashuurta ee ka soo xeroota, xoolaha iyo shidaalka uu madaxweynuhu qaato, qasnada dowladana aanay ku dhicin, waa sida uu Maxamed Xaashi ku andacoodaye.
Hadaba jawaab wasaarada maaliyadu ka bixisay qoraalkaa Maxamed Xaashi ayaa lagu iftiimiyay sida lacagahaasi ugu dhacaan qasnada dowlada, waxaanay wasaaradu uga digtay in Eng. Maxamed Xaashi ka waantoobo hadalada aan jirin ee uu umada la hor taagan yahay. jawaabta wasaarada maaliyada oo ahayd warsaxafadeed Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyada Md. Axmed/Nuur Aw-Cabdi Shaacir, uu caawa xafiiskiisa ka soo saaray oo u qornaa sidan
“Waxa jirtay in Eng. Maxamed Xaashi uu siiyay Wargeyska Jamhuuriya Khamiistii oo bishu ahayd 10/12/2009, taasi oo uu Madaxweynaha ku dhaleecaynayo inuu cashuurta Xoolaha oo sida uu sheegay sanadkii noqota $2,000,000 iyo cashuurta Shiidaalka oo sanadkii noqota $3,000,000 uu madaxweynuhu gaar u qaato miisaaniyada Somaliland-na aanay ku jirin.
Haddaba Haddii aanu Nahad Wasaarada Maaliyada ee dawlada dhexe u xilsaaran xaraynta cashuurta iyo samaynta Miisaaniyada waxaanu ummadda reer Somaliland u caddaynaynaa inaan haba yaraatee warkaasi sal iyo raadtoona lahayn,cashuurta Xooluhuna illaa sanadkii 1997-2009 waxay si toos ah ugu dhacdaa qasnada dawlada waxaana lagu daraayay Miisaaniyada qaranka iyadoo dakhliga kaga xaroota Madax Xigeenada.
Sidoo kale lacagta cashuurta shiidaalku iyaduna waxay ku xarootaa qasnada dawlada dhexe iyadoo shirkada Total tobankii cishaba mar ku shubta, iyadoo lacag adag ah taasna waxa markhaati ka ah juwanadii iyo Enteriyadii lacagtaasi lagu jaray,taasi oo lagu xereeyo madax xigayaasheeda.
Sidaas awgeed waxaanu ka codsanaynaa Maxamed Xaashi ka waantoobo kana xishoodo Hadalada aan jirin ee uu Ummadda la hortaagan yahay.”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Somaliland
