December 13, 2009

Madaxweyne Rayaale oo u Magacaabay Mudane Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha

cisman Madaxweynaha JSL  Mudane Daahir Rayaale Kaahin isagoo tixraacaya qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana tixgalinaaya ahmiyada weyn ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ay u leedahay dhismaha Qaranka, waxa uu u magacaabay Mudane Cismaan Sh. Cabdi Sh. Maxamed in uu noqdo wasiirka cusub ee wasaaraddaasi.

Madaxweynuhu isagoo isla markaana tixgalinaaya kartida shaqo iyo hufnaanta uu leeyahay mudane Cismaan Sh Cabdi, waxa uu ku amray in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 13/12/2009 uu  la wareego xilkii wasaaradda Macdanta iyo Biyaha isaga oo bedeli doona wasiirkii hore ee geeriyooday Marxuum Qaasim Sh Yuusuf ( AHN).

Allaa Mahad Leh

Siciid Canaadi Mooge  - Afhayeenka Madax-weynaha JSL

Login