December 11, 2009

Waa Gaf Hadalkaa Foosha Xun Leh ee ay Saylac.com Kula Dul Kufeen Badhasaabka Gobolka Awdal.

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh iyo website kasta oo jecel isku soo dhawaanshiyaha bulshada reer Awdal ee u ooman harumar ay ku liibaanaan, intaas ka dib waxaan maanta qalinka u qaatey oo igu kaliiftey markii aan salyac.com ku arkey war aan sal iyo raad toona ku laheyn maamulka ka jira gobolka Awdal, oo ay ku sheegeen in uu la mid yahay kuu jirey wakhtigii siyaad Bare, kaas oo uu hogaamiye ka ahaa nin lagu magacaabi jirey subeer. Horta subeer wuxuu ahaa nin ajanabi ah oo xukun milatari oo aan laga raali aheyn ku joogey gobolka Awdal, kan maanta jooga waa Maxamuud C/laahi Cige (Cirro oo), waa nin muwaadin ah oo ka taliya dhulkiisa hooyo, wuxuuna ku jooga xukun damuquraadiyadeed oo xalaal ah, badhasaabka Maxamuud Ciro waa aqoonyahan iyo macalin ku takhasusey xukunka wanaagsan iyo nidaam loo siman yahay iyo wada noolaansho xoriyad ku dhisan.

Saylac.com lama yaabayo maanta, waayo mar walbe waxa ay doonaan bey iska qoraan, maahana markii ugu horeysey ee ay wax ka qoraan ama aflagaadeeyaan masuul sare oo ka mid ah masuuliyiinta reer Awdal. Sida aan warar sugan ku hayo saylac.com waxaa iska leh oo maamula nin haya xawaalad ku taala dalka mareykanka.

Marka aan arkey warar badan oo runta ka fog oo ay soo daabacayaan waxaan is idhi malaha ninkan webka tifatiraha ka ah marka uu waayo lacag uu xawilo ayuu saylac.com ku soo xawilaa warar mala awaal ah sida qoraalkan uu ku canbaareynayo badhasaabka sharafta leh ee gobolka Awdal, oo sida runta ah masuul daacada ah, dadkiisana si siman oo cadaalad ah ugu adeegaya, waligey maan arag ruux gobolka gudihiisa jooga oo ka cabanaya gudoomiyaha intii uu xilka hayey, laakiin waxaan arkey dhowr jeer niman qurbaha bisaaradi ku dishey oo marba xajiin iyo mafiiq xaar leh la daba socda masuulkaa sare (qof kasta wuxuu yahay baa qaban). Markase qofku hadalayo waa in uu si nin weyn u hadlo, isla hadal uun maaha marka aad wax qoreysana waa in aad qorto wax xaqiiqda u dhow.

Waxaa wax lala yaabo ah salyac.com oo badhasaabka gobolka Awdal ku tilmaamey in uu ka amar qaato marwada koowaad ee dalka hooyo, Hudo Barkhad Aadan. Waa yaab oo ma yara, maan gaab sayla.com iyo xulafada uu la safan yahay waa koox mugdi gudeysa, waxaanan leeyahay waar diida ama doona dalku wuxuu leeyahay madaxweyne sharaf iyo karaamo Ilaahey siiyey. Waa Mudane Dahir Rayaale Kaahin (noolow Daahir). Madaxweynahaas amarkiisa ayey ku shaqeeyaan gudoomiyayaasha gobolada dalka iyo mayarada degmooyinka Soomaaliland.

Jaahil murakab waa ninka qoraya hadba wax aan jirin, kaas oo bulshada ku abuuraya shaki iyo kala qeybsanaan ay qaarkood isu arkaan in la xukumo. Waar Ilaahey ha laga baqo oo wararka beenta ah ee aad qoreysaan xisaab baa ka dambeysee ha laga digtoonaado, oo aakhiradiina u tudha. Haddii cid lagu qabsanayo in ay gabtey masuuliyadii ay qaadey bulshada reer Awdal ee maskiinta ah waxey qabsan lahaayeen ururkii isku magacaabey Gurmad oo lacag gaadheysa $30.000 oo dolaar ka ururiyey dadka reer Awdal meel kasta ha kala joogaanee, lacagtaas oo ilaa maanta aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigtey.

Maadaama warkan been abuurka ah ee badhasaabka lagu bar bar dhiagyo subeer uu yahay mid been abuur ah, kaas oo uu tifatiraha saylac.com masuuliyadeeda leedahay, waxaan leeyahay tani waxey la mid tahay aniga oo qora gudoomiye ku xigeenkii ururka gurmad oo lacagtii garoonka Biroole lagu dhisi lahaa ee ay bulshada reer Awdal ka ururiyeen sheer ahaan ku darsadey shirkada Dahabshiil.

Markaa walaalayaal ha lais ixtiraamo oo ragan waa weyn ee qurbaha ku yara kululaadey Ilaahey ha ka baqaan, oo ha ka waantoobaan xumaanta aad qoreysaan iyo bulshada aad kala fogeyneysaan, amaankana ha loogu dadaalo masuuliyiinta la daalaa dhacaya duruufaha qalafsan ee wadanka gudihiisa ka jira.

Walalayaal in wax la isu sheegaa ma xuma, laakiin been abuurka ha la joojiyo. Maxaa Subeer iyo Maxamuud C/laahi Cige is garab dhigey? Sidey aniga ila tahay waxey isku yihiin jaahil qoxooti ahaa iyo jaamici dhulkiisii jooga.

Mida kale hadii ay run tahay in jeelka Boorama ay ku jiraan caruur 13 jir mudo sadex sanadood ah sow meynu aragneen waalidiintii caruurtaas dhaley oo cabasho muujinaya, mise kuwan la xidh xidhey ee cid soo damiinata la waayey saylac.com baa dhashey oo waalidkii u dacwoon lahaa baa qurbaha dacaayad ka soo afuufya?

Jawaabtaas waxaan u dhaafayaa saylac.com, oo tidhi jeelka Boorama waxaa ku jira caruur 13 jir ah oo u xidhan badhasaabka Boorama (subxaana laah).

Beeni raad ma leh, balse badhasaabka gobolka Awdal waanka raali galineynaa hadalkaas deel qaafka ah ee uu qorey nin iska ciyey sida ay eydu u cido oo kale (af noolina wuu hadlaa eyna wuu ciyaa). Ninkaas oo ah nin badhasaabka xigto yihiin, oo markii meel kale oo loo soo maro la waayey isaga la adeegsanayo.

Waxaan arkey ee ay saylac.com qortey maaha wax fiican, kii qoreyna qiyaamaha wa la weydiin, aduunka hadii la isga tagana mid aakhiro la isaga tagayo maaha, taasi waa xasuusin. Waxaanse hadalka ku soo gabagabeynayaa dur duro geel baa ku jaba, beenta aad daabaceysaana walalayaal ka digtoonada.

Nabad iyo caano

Jeylani Habib

Email: jeyhabib@hotmail.co.uk

Login