December 11, 2009

Tororogta mucaaridku waxay ina faraysaa war aan jirin, laakiin xaqiiqdu waxay tahay su’aasha ah: Miyaanay ogayn labdan (2) madaxweyne ee hore C/raxmaan iyo Cigaal waxaydin ku sheegaysaan Rayaale?

Sida inta badan looga bartay nolosha bini’aadmiga waxuu qofku ku sifoobaa hadba raadka uu ku leeyay Bulshada uu ku dhex nool yahay ama xil ha hayo ama yaanu haynin. Waxa qofka qiimaha u  yeelaa waa xarakaatkiisa iyo ficilkiisa uu la wadaago bulshada uu lanoolyahay. intaas hadaan ka gudb, aan idiinsoo tabiyo xog u baahan inaan idin xasuusiyo dhamaan Akhristayaasha muwaadiniinta ah, Xogtan oo ah mid aad ka duuli karto wakhtiga doorashada hadii ilaahay yidhaa.

Waxay ahayd dhamaadkii 1992, Amarkii Illaahay haw naxariistee Madaxweynii u horeeyay Craxman Axmed Cali uu la xidhiidhay Daahir Rayaale si uu ugala sheqeeyo Somaliland xiligaas oo ahaa wakhti Tamarta Dawladeed iska liidatay oo Dayday Government ayay iska ahayd. Wakhtigan waxuu Rayaale ku mashquul ahaa dan u gaara mana ay suuroobin inuu la shaqeeyo Tuur. Wakhtigii Cigaal ayay soo gaadhay, waxa Cigaal uu maray isla wadadii Saaxiibkii Tuur oo waxuu la xidhiidhay Daahir Rayaale kaahin si uu u qabsado mansabka madaxweyne ku xigeenka.

Hirgalinta arintan ayaa ka suurawday dhanka Rayaale waanuu aqbalay sidii ayuu ku noqday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Dawladii Maxamed Ibraahin Cigaal. Waxa is waydiin leh waa maxay sababta ay labadan Ruugcadaa ,Marxuum Tuur iyo Cigaal ilaahay haw naxariistee, ay u doorbideen Mudane Daahir Rayaale Kaahin inuu kusoo dhawaado Kursiga Madaxtooyada? Waxa jirtay inuu abaal badan u galay umada reer somaliland wakhtigii Faqashtu ina gumaadaysay.

Tororogta mucaaridku waxay ina faraysaa war aan jirin, laakiin xaqiiqdu waxay tahay su’aasha ah: Miyaanay ogayn labdan (2) madaxweyne ee hore C/raxmaan iyo Cigaal waxaydin ku sheegaysaan Rayaale?

Isku soo kooboo, ka dib geeridii Cigaal ilaahay haw naxariistee ayaa Craxmaan tuur ilaahay haw naxariistee yimi dalka isagoo la yimi ujeedo qudha oo ah badbaadinta dalka iyo Hogaankiisa Siyaasadeed waxaanu isla markiiba ka dhexbilaabay Olole dalka Somaliland isagoo u gol lahaa inuu soo baxo Daahir Rayaale Kaahin oo ah madaxweyneha hada talada haya.

Ilaaha wayni wuu u rumeeyay Craxmaantuur ujeedadiisii iyo halgalkiisii Rayaalena soo bax. Waxa mahadgaara leh ilaaha ina siiyay nabada iyo Shacbiga uu ilaahay waafajiyay inay doortaan Madaxweyne Rayaale doorashadii hore April, 2003. Hadaba ha moogaanina Madaxweyne Daahir Rayaale anigoon xil iyo mansab toona ka rabin aniga iyo shacbiguba waxaanu qirsannahay inuu yahay:

MADAXWEYNE AY SOO DOORTEEN LABADII MADAXWEYNE EE GEERIYOODAY ILAAHAY HAW NAXARIISTEE CIGAAL IYO TUUR IYO SHACBIGA SOMALILAND.

Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA

SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.

E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Login