December 11, 2009
Somaliland Oo Laga Wada Xusay Maalinta Xuquuqda Aadamaha Iyo Cidhibtirka Musuqmaasuqa
Hargeysa (Harowo) - Wasiiradda Wasaarada Qoyska iyo arimaha bulshadda iyo Cadaalada Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe) iyo Marwo Faadumo Suudi Xasan, ayaa maanta ka qeyb galay laba munaasibadood oo is huwan oo ku saabsan xuska caalamiga ah ee maalinta xuquuqul insaanka iyo dhamaystirka tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Wasiirka Qoyska Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo xafladaasi ka hadshay ayaa sheegtay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay dhawrista xuquuqul insaanka iyo sidii loo xakamayn lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo qeybaha nugul ee bulshada.
Marwo Faadumo Suudi, waxay Hambalyo u dirtay Haween weynaha caalamka gaar ahaan kuwa Somaliland, oo ay ugu baaqday inay wax bartaan si ay u noqdaan dad ilaashanaya xuquuqdooda aasaasiga ah.
Wasiirka Cadaalada Md. Axmed Xasan Cali, oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland tahay dal uu sharcigu ka shaqeeyo oo nabdoon ah waxaanu soo jeediyay in dadweyne iyo dawladba la iska kaashado xakamaynta gabood faladda kala duwan ee soo kala gaadha bulshada.
Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka xuquuqul insaanka qaranka Axmed Yuusuf iyo qaar ka mid ah ururada xuquuqul insaanka ee maxaliga ah, kuwaasi oo bulshada ku baraarujiyay inay sifo sharci ah u maraan wixii xad gudub ah ee kaga yimaada bulshada hase yeeshee aan loo baahnayn in sharciga gacanta lagu fushado.
Dhinaca kale, waxa xaflado noocan oo kale ah lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Berbera, Boorame, Ceerigaabo iyo Burco.
Geesta kale isla maalintii shalay waxa magaaladda Hargeysa lagu qabtay xaflado la mid ah taa hore oo lagu xusayay maalinta xuquuqda insaanka adduunka iyo maalinta la dagaalanka musuq maasuqa xafladaas oo ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Ururada xuquuqul insaanka ee Suhuura net iyo dalada ururada saxaafada ee USJ waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay asxaabta mucaaridka, xildhibaano, siyaasiyiin, suxufiyiin, iyo masuuliyiinta dalada Suhuura net.
Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan xuquuq) oo ku hadlayay magaca dalada ururada xuquuqul insaanka ee suhuura net, ayaa ka waramay xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ay ka galaan masuuliyiinta xukuumada, waxaanu sheegay inay jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda oo xadgudubyo u gaysatay hablo dhalin yaro ah oo reer Somaliland ah kuwaas oo lagu qasbay inay ogolaadaan talaabooyin dhaqan xumo ah si ay fursado shaqo ama dhaqaale u helaan.

Mudane Saleebaan xuquuq waxa kale oo uu sheegay inay xukuummadda Somaliland sharci daro ku xukunto muwaadiniin aan maxkamad la gayn oo loo adeegsado xukun deg deg ah oo ay ku guddiyada nabad galyadu. Xafaladaasi oo lagu xusayay laba munaasibadood oo kala ah maalinta la dagaalanka musuq maasuqa iyo xuquuqda insaanka ayaa saleebaan xuquuq oo ka hadlayay heerka musuq maasuq Somaliland waxa uu sheegay in warbixintii ugu dambaysay ee caalamiga ah lagu sheegay inay Somaliland tahay dalka caalamka ugu musuq maasuqa badan waxaanu u soo jeediyay masuuliyiinta xukuumadda inay ka waantoobaan falalka musuq maasuqa ah, isla markaana ay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ah.
Guddoomiyaha dallada midawga suxufiyiinta Somaliland ee USJ C/laahi Maxamed Daahir (cakuse) oo ka hadlayay munaasibadaasi ayaa ka waramay sida xukuumada SL ula dhaqanto warbaahinta Madaxa banaan, waxaanu xusay in tacadiyo iyo xad gudubyo farabadan ku hayso suxufiyiinta madaxa banaan oo markii la doono layska xidhayo wariye aan wax dambiya gaysan. Xasan Siciid Yuusuf oo ka tirsan dalada USJ iyo dalada ururka xuquuqul insaanka ayaa isna hadal uu halkaa ka jeediyay waxa uu ka waramay heerka Somaliland ka marayso dhinaca, xuquuqul insaanka iyo musuq maasuqa waxaanu xusay in daraasad uu sameeyay ku ogaaday xad gudubyo ka dhana xuquuqda insaanka oo ay masuuliyiinta ka tirsan xukuumada iyo hay’adaha samo falka ah u gaystaan hablo dhalinyara oo reer Somaliland ah.
Kuwaasi oo looga faa’iidaystay helitaanka fursado shaqo iyo dhaqaale la siiyay waxa kale oo uu sheegay in masuuliyiinta dawlada Somaliland ku faanaan musuq maasuqa iyo boobka hantida qaranka waxaanu u soo jeediyay Madaxwaynaha inuu xilka ka qaado wasiirada Maaliyada, arrimaha gudaha, hawlaha guud kuwaasi oo uu ku tilmaamay inay si fool xumo ah ugu takrifalaan awoodii dawladnimo iyo hantida ummada.
Waxaa iyaguna xafladaasi lagu xusayay labada munaasibadood ee kala ah maalinta xuquuqul insaanka iyo maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa hadalo ka soo jeediyay xoog hayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Kayse Xasan Cige, Guddoomiyaha gobolka Hargaysa ee xisbiga UCID Shiine iyo xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan golaha Wakiilada SL waxaanay ka warameen xaalada uu haatan dalku marayo iyo sida loogu baahan yahay isbadal maamul oo si dimuqraadiya dalka uga dhaca taasi oo ay xuseen inay tahay talaabada kaliya ee dalku ku bad baadi karo.
Harowo Desk Hargeysa Somaliland

