November 2009

November 27, 2009

November 26, 2009

Jawaab: Warsaxaafdeedkii ay Shalay Soo Saareen Xisbiga UCID

Hargaysa (Qarannews) - Salaan dhamaan shacabka Soomaaliland meel kasta oo aad joogtaanba. War dhowaan kusoo baxay ama lagu soo daabacay shabakadda caanka ah ee Qarannews kana hadlayey is-xulufeysiga iyo kala qaybsanka ka dhex bilaabmay xisbiga uu mulkiilaha ka yahay mudane Faysal Cali Waraabe ayaa waxa jawaab uu ku beeninayo warkaas shalay soo gaadhsiiey guud ahaan saxaafadda Soomaaliland gaar ahaana shabakadda Qarannews gudoomiye ku xigeenka xisbiga Ucid Aadan Mire Waqaf.

More

Xildhibaano Iyo Xog-Hayihii Guud ee Golaha Wakiilada Somaliland oo La Sheegay Inay Iska Dhiibeen Dalka Ingiriiska

Hargeysa - (Haatuf) - Kalfadhigii 10-aad ee golaha wakiilada Somaliland ayaa si rasmiya u furmi doona maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda oo ku began  30 November 2009, kaddib markii uu soo gunaanadmay fasaxii labada bilood ahaa ee kalfadhigii 9-aad ee goluhu  guda galay dabayaaqadii bishii September 2009. Waxana sidaasi lagu sheegay qoraal wargelin ah o uu shalay soo saaray ku xigeenka xoghayaha guud ee wakiilada islamarkaana muddooyinkan dambe ahaa ku simaha xoghayaha guud ee wakiilada C/risaaq Siciid Ayaanle oo soo gaadhsiiay xarunta wargeyska Haatuf,……

More

Weraarpress.com Waxay Maanta Fursad U Heshay In Ay La Kulanto Qaar Kamida Odayaal iyo Caaqilo Kasoo Jeeda Dagaanka DibiraWayn, oo Shir Uga Socday

Qaar Ka Mid Ah Odayaasha iyo Aqilada Dagaanka Dibirawayn Ayaa Shir Ay Maanta Yeesheen Ku Muujiyay Taageerada Ay U hayaan Xisbiga UDUB iyo Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin. Shirkaasi oo ay odayaashu kaga arinsanayeen arimaha degaanka iyo waliba shaqaaqa yar oo dhawaan ka dhcday degaanka, oo ku saabsanayd laba nin oo gacan ka hadal dhexmaray, kana mida reeraha degaanka halkaasi, oo mid ka mida labada nin uu dhaawac xuni kasoo gaadhay isfara saarkaa, iyada oo fadhigaana lagu gorfaynaayay sidii loo kala furdaamin lahaa qosaska ay labadaa nin kasoo kala jeedaan.

More

Inta Aanad Garaneyn Garaadkeygu Wuxuu Rabo, Ayaa baanad Garaneyn Guushaadu Waxey Tahay

Bari baa waxaan jirey nin la odhan jirey Waayo-Arag, ninkaasi aad uu u hadal badnaa hase yeeshee tusmada hadalkiisa iyo tiraab hawraareedka uu ku hadaaqi jirey uma badneyn tawaawuc iyo tufid weedh xun, wuxuu ahaa nin wanaag badan weheliyo duhnigiisa, dabcan hoga tusaaleynta hadalkana u adeegsan jirey murti aad u macaan badan misana ku dhisan wada tashi, waano, wada jir, wacyi galin, wax isu sheeg, wadar, wada noolaansho, wanaag, wax ka fiirshado, wehel iyo weerar loo dhan yahay.

More

November 25, 2009

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Sciid Cadaani, oo Tafasaasiil Ka Bixiyey Kulan Dhexmaray Madaxweyne Rayaale Iyo Sarkaal Ka Tirsan Hay’adda Inter-Peace

Get Flash to see this player.

Dr. Maxamad Rashid iyo Abdirahman Saylici Midna Kama Yeelayno Inay Faquuqaan Gobol Ka Mid ah Somaliland.

dumb Ma jeclayn ayaamahan in aan wax qoro, hase yeeshee way igu kalliftay, waxana ii geeyey hadallada shabakadaha ku qoran ee ka soo yeedhay Dr. Maxamad Rashiid iyo Abdiraxmaan Saylici, oo u kala sharraxan UCID iyo KULMIYE. Waxanan ka biyo diiday in ay si gaar u faquuqaan, dadka walaalahood ah ee ka sugaya in ay daadihiyaan. Taariikhduna waxa ay qoraysaa erey kasta iyo falkasta oo aad ummadda la hortimaaddaan. Dantiina gaarna fuli mayso haddaydaan u dhaqmin si sharaf leh, oo aydaan dadka la horboodin colaad iyo xaal abuur. Uma jeedo in aan eed badan idiin hayo, laakiin ereyada ku qoran shabakaduhu imay cajabin.

More

Hambalyo Iyo Bogaadin Dhalashada Suhab Qaasim Xaaji Saciid

congratulations Dhamaan Qoyska Reer Xaaji Saciid Xaaji Maxamuud,  Reer Cumar Xaji Maxamuud (Cumar Cade ), Reer Yuusuf Xaaji Maxamuud , Reer Xasan Xaaji Maxamuud, Reer Cabdi Xaaji Maxamuud Iyo Guud ahaan Tafiirta Xaaji Maxamuud Waaberi Waxay Hambalyo dhalasho U dirayaan Eng Qaasim Xaaji Saciid Xaaji Maxamuud iyo Sucaad Salaan Cali Oo uu Wiil Ugu dhashay Dalka Ingiriiska Gaar, ahaan Magaalada London. Wiilkaas oo magaciisa loogu wanqaley Suhab Qaasim Xaaji Saciid. Hambalyada iyo tahniyada kasakow Waxaan dhamaantayo Wiilka Suhayb ilaahay uga baryaynaa inuu noqdo Kii Dadkiisa dalkiisa iyo diintiiba anfaca.

What Makes a Nation Rich? One Economist’s Big Answer

Say you’re a world leader and you want your country’s economy to prosper. According to this Clark Medal winner from MIT, there’s a simple solution: start with free elections.

We are the rich, the haves, the developed. And most of the rest — in Africa, South Asia, and South America, the Somalias and Bolivias and Bangladeshes of the world — are the nots. It’s always been this way, a globe divided by wealth and poverty, health and sickness, food and famine, though the extent of inequality across nations today is unprecedented: The average citizen of the United States is ten times as prosperous as the average Guatemalan, more than twenty times as prosperous as the average North Korean, and more than forty times as prosperous as those living in Mali, Ethiopia, Congo, or Sierra Leone.

More

Waraysi: Maxamed Xasan Mataan, oo Ka Hadalaya Wax Qabadkii Iyo Dhaxalkii uu Ka Tegay Alla u Naxariiste Qaasim Sh. Yuusuf, Wasiirkii Hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland.

maxamed-xasanjpg1

Maxamed xasan

Qaasim Sh. Yusuf

Qaasim Sh. Yusuf

Washington DC (Harowo) - Muxuu Ka Tegay Allaha U Naxariistee Marxuum Qaasim Sh. Yuusuf, Wasiirkii Hore ee Macdan iyo Biyaha? Su’aashaa waxa si fiican uga jawaabaya Siyaasi Maxamed Xasan Mataan oo Mudo labaatan sano ah ay ka soo wada shaqeeyeen dhismaha iyo Horumanta Somaliland. Waraysigan ayuu Maxamed Xasan Mataan Kaga Waramayaa waxayaabaha la taaban karo ee dhaxal galka ee uu marxuumku uga tagey shacabka Somaliland, taasi oo ay maanta cidkastaaba ka markhaati kacayso. Maxamed wuxuu ka mid yahay dadka aad ugu dhadhawaa Qaasim inuu uu noolaa, isla markaana xog ogaalka u ahaa fikirka iyo wax qabadka wasiirka. Hadaba hoor ka dhegayso Waraysii oo Tifaftiran.

Get Flash to see this player.

November 24, 2009

Waraysi Ay weraarpress.com La Yeelatay Mid kamida Waxgaradka Beesha Reer Maxamed oo Ku Saabsan Waraysigii Saylici Siiyay Haatuf Ee Uu Ku Weeray Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir

Mr. Saylic

Mr. Saylic

“Sayliciyoow Ina Xaaji Daahir Kulo Qolo Maaha Waana Nin Qaran Dhan Xil u Hayee Xagaa Libaaxlay Cod Ka Raadso Oo dadka Reer Awdal Ha Isku Dirin CVga aad had iyo jeer sheegtana adaa u bukee waanad gashay mar hadaad mar isku sharaxday jago kaa misaan wayne bal naga fadhiiso.” Sidaa waxa yidhi Cabdilaahi Aadan Nuur, oo ka mida waxgaradka beesha reer Maxamed, oo jooga magaalada Borama oo maanta ay weraarpress wax ka waydiisay sida uu u arko waraysiga uu Saylici siiyay wergayska Haatuf, taasi oo uu saylici si qabyaaladaysan u weeraray wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Daahir. Hadaba, waraysigii ay weraarpress la yeelatay Cabdilaahi Aadan Sidan ayuu  u dhacay.

S: Cabdilaahi sideed u araktaa waraysiga uu Saylici Siiyay Haatuf? More

War-Saxaafadeed: Xisbiga Ummadaha Bahoobay ee UDUB

Wax kasta oo ku madax maraa ha ahaato jacayl , nacayb, cadho, farxad, siyaasad iwm waxay kaa talaabiyaan xuduudaha caadiga ah, waxaana ay dadkaasi ama qofkaasi ku dhaqmaan waxyaabo sida badan aanay bulshada caadiga ahi ku dhaqaaqin. Haddaba Xisbiga KULMIYE tan iyo intii uu ku hungoobay doorashadii Madaxtooyada ee sanadkii 2003-dii waxa ka soo if baxayay dhaqamo aan caadi ahayn mar allaale markay soo dhawaato wakhtigii la qaban lahaa doorashada Maaxtooyada, sida iyagoo yidhaa “maalin loogu dari mayo Madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenkiisa.

More

Warsaxaafadeed: Madaxtooya Somaliland oo Beenisay War Lagu Daabacay Wargeyska Geeska Africa

Wargeyska Geeska Africa waxa indhawayd uu caadaystay in bogiisa hore uu ku soo qoro warar been ah oo dhaawac iyo dhibaato weynba u geysan kara Qaranimada Somaliland. Waxana ka mid ah maqaaladaasi kii maanta oo taariikhdu tahay 24/11/09 cadadkiisa 813 uu ku baahiyey bogiisa hore kaasi oo uu ku tilmaamay kaalmada dawlada Masaaridu ay u soo dirayso shacbiga Somaliland caawimo cad-quudheed ah, taasi oo meel ka dhac ku ah xidhiidhka fiican ee u dhexeeya labada shacbi ee Somaliland iyo Masaarida.

More

Madaxweyne Rayaale oo Maanta Xilkii Ka Qaaday Agaasimihii Hore Wasaarada Dalxiiska Hidaha iyo Dhaqanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu xilkii ka qaaday Agaasimihii hore Wasaarada Dalxiiska Hidaha iyo Dhaqanka Mudane Xasan Ismaaciil Xassan, isla markaana waxa uu u magacaabay Agaasime cusub.

More

Munaasabad Lagu Xusyey Sanad Guuradii 20aad ee Xauquuqda Carruurta oo Maanta Boorama Lagu Qabatay

Boorama (Harowo) – Munaasabad lagu xusayey sannadguurada 20 aad  ee kazoo wareegtay  maalinta caalamka u aqoonsaday xuquuda carruurta, kuna began 24 Noofambar, ayaa manta lagu qabtay Boorama Munaasabaddan oo ay kasoo qaybgaleen  masuulyiinta G/awdal, kuwa degmada Boorama ,masuulyiinta waxbarashada ,martisharaf iyo kudhawaad laba boqol oo carruur  ah kana kala socotay dugsiyada Boorama  ee dhegeha qaba ,dugsiga dhegoolayaasha iyo carruur ka mid ah kuwa derbiifka ah.

More

November 23, 2009

Khilaaf Hadheeyay Xisbiga UCID Iyo Burbur Ku Soo Waajahan Xisbigaasi

Hargaysa (Qarannews) - Xisbiga UCID, oo in mudo ahba ay sumacdiisu ay maalinba maalinta ka danbaysa ay kor u soo kacaysay ayaad moodaa in uu gaadhay meel uu dhaafi laayahay oo ku dhow in uu xisbigaasi bur buro oo uu dhaafi waayo shuuruudaha iyo hanaanka u yaala xisbiyada qaranka. Dhibka ugu culus ee hada la soo gudboonaaday xisbiga UCID, waxa ugu weyn khilaaf iyo kala shaki siyaasadeed oo hadheeyay xisbigaasi, khilaafkaasi oo u dhaxeeya madaxda xisbigaasi, siiba kuwa ugu sareeya.

More

U.S. Says Men Ran Terror Network

(Washington Post) - Federal authorities unsealed terrorism-related charges against eight men Monday, accusing them of recruiting at least 20 young Somali Americans from Minnesota to join an extremist Islamic insurgency in Somalia. The newly named suspects make up one of the largest alleged terrorist networks in the United States since the Sept. 11, 2001, attacks, analysts said. Assistant Attorney General David S. Kris said the government continues to investigate the alleged recruitment, and sources indicated that FBI and grand jury inquiries are active in San Diego, Boston and Columbus, Ohio, into the disappearance abroad of dozens of Muslim Americans since 2007.

More

US Congressman Criticizes Puntland For Abusive Behavior

donald-payne The government of the semi-autonomous Somali region of Puntland has been sharply criticized by a U.S. lawmaker, who says Puntland authorities are routinely arresting, harassing, torturing, and handing over men from the neighboring Ogaden region to Ethiopian security. Congressman Donald Payne, who chairs the U.S. House Subcommittee on Africa and Global Health, issued a statement in which he denounces what he calls “abusive and dictatorial behavior” by authorities in Puntland. The lawmaker says late last month, the Puntland government arrested five men, who had traveled to Puntland using Somali travel documents provided by Somali authorities in Yemen.

More

Djibouti Generates Grain on 3,000ht of Ethiopian Farmland

kadra_guelle_abadula-small The government of Djibouti is harvesting 60,000ql of wheat from its farm in Western Arsi around Serofta, in the Oromia Regional State. The tiny nation, which is Ethiopia’s gateway to the sea, had been granted 3,000ht of prime land in June 2009, where it started growing wheat immediately. This land used to be part of the Bale Agricultural Development Enterprise, a state enterprise supervised by the Privatisation and Public Enterprises Supervisory Agency (PPESA).

More

Much Have Been Achieved in The last 19 Years But Not International Recognition

Last nineteen years is long time of period during this time Somaliland has achieved domestic policy but not external apart from view activities.  If we look at the internal policy, Somaliland has been passing many obstacles into different dimensions. Starting from the public conference of bureo on May 18 1991, Somaliland reasserted its independently with in the boundaries of Somaliland protectorate The republic of Somaliland was declared, and A/Rahman Mohamed Ali was appointed the first president of Somaliland. The president chose Hassan Essa Jama as his vise president.

More

Login