November 30, 2009
Hoggaamiyaha SOLJA Maanta Kama uu Mid Noqon Soomaali-weyn ee Hore Ayuu Ugu Biiray
Magaca Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maanta kama uu mid noqon Ururada Somaliya ee uu Magacooda ku shaqaysto ururka NUSOJ ee waxa uu ku biiray waqti hore oo ay Suxufiyiinta Somaliland qaarkood si cad daaha uga rogeen heshiiskii lagu kal saxeexday dalka gudihiisa. Waxa Maanta ayaan darro ah in Ururka SOLJA oo hadda ay ku soo hadheen ilaa Saddex Wargeys oo Madaxbannaan iyo kuwa Xukuumadda, kuwaasoo un abaabula Suxufiyiinta…..
Somaliland sidii ay u raaci lahaayeen dariiqa uu jeexay Maska SOLJA eek u hawlan sidii Cod mideysan oo Jamhuuriyaddii hoogtay ee Soomaaliya loogu soo nooleyn lahaa, si loo soo celiyo midnimadii galbatay Labaatankii Sanno ee la soo dhaafay.
Belaayo minjo la qabto ma laha ee madax la qabto ayay leedahay baa hore loo yidhi, waana mid Maanta taagan oo ay shalay ka digayeen Suxufiyiinta qaarkood oo ay Xukuumadda ugu soo bandhigeen heshiisyadii midnimo ee Ururka SOLJA Guddoomiyahaeedu la galay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ee uu hoggaamiyo Cumar Faaruuq, iyadoo ay qoraalladii la kala saxeexday lagu soo bandhigay waqtigaa Wargeyska Jamhuuriya.
Arrinta kale ee xusida mudan waxa ay tahay oo la yaab-na leh in idaacad la leeyahay Af-soomaali ayey ku hadli doontaa oo laga furayo dalka Holland oo aanay habayaratee waxba kala socon Xukuumaddu, gaar ahaan ujeeddada loo furayo iyo halak ay ku jihaysan tahay Siyaasadeeda Warbaahineed.
Waxan shaki lahayn in idaacaddaa la sheegayaa tahay mid ku hadli doonta Codkii Jamhuuriyadda Somaliya, hawlaha ugu mihiimsan ee loo furayna ay Kow ka yihiin soo celinta midnimadii dhabarka lagaga jabay iyo inay hannuunin ku wajahan midnimadaa ka buuxiso bulshadeena, waxana caddayn u ah dalka laga furayo oo ah kuwa ka soo hor jeeda madaxbannaanida Somaliland iyo sida loo xulay Suxufiyiinta oo laga soo kala ururiyey dhammaan Gobolladii Somaliya, si cid walba uga dhex muuqato.
Waxaan qabaa in waajibka saaran Xukuumadda uu yahay, isla markaana xaq u leedahay inay wax ka oggaato ujeeddada furitaan ee idaacaddaasi, maddaama xubno ka mid ah Muwaadiniinteeda ku lug leh Saxaafadda ogaal la’aan loogu diray tababarro si ay uga hawlgaan idaacada lagu sheegaya ianay Af-soomaali ku hadli doonto.
Haddii arrintaa lagu guul-darreysto waxa waajib labaad ee saran Xukuumadda uu yahay inay caddeyso mawqifkeeda ku aaddan idaacadaasi iyo Muwaadiniita kaga qayb gelya magaca Somaliland, iyadoo aanay waxa war ah ka hayn Xukuumad ahaan.
Tallaabadan lidka ku ah awoodda Maamulka Xukuumada iyo Jiritaanka Qaranimoba, waxa loo tirinayaa in dhaqdhaqaajinteeda iyo raad-cadii maal-gelinteedaba ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga KULMIYE oo idaacadda HORYAAL ee af-kooda ku hadashaa uu Agaasimaheedii yahay Ninka Labaad ee hormoodka ka ahaa Abaabulka Mashruuca Aasaasidda Codka dib u soo nooleynta Midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, iyagoo intay xusheena u arkayey taageerayaashooda.
Source Wargayska Yool
