November 29, 2009
Taariikh Nololeedkii iyo Tacsi Marxuum Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa
Hargeysa (Ramaas) - Waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa Marxuum C/Raxmaan Sheekh Bashiir oo ahaa shakhsi karaamo iyo xushmad fara badan ku lahaa bulshada dhexdeeda. Marxuumku wuxu ka soo jeeday qoys lagu majeerto aqoonta qotada dheer ee ay u leeyihiin diinta Islaamka, isla markaana saameyn weyn ku lahaa ka hortagii gumeysiga iyo xornimo doonkii.
Haddaba, shabakada ramasnews waxay wax ka weydiisay shakhsiyadii marxuumka Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde oo ay marxuumka saaxiib ahaayeen, marna ay ku wada jireen jeelkii labaatan jirow. Abwaanku isaga oo ka waramaya waayihii marxuunka wuxu ku bilaabay:
Marxuum Cabdiraxmaan wuxu ku dhashay magaalada Burco 1937, waxbarashada hoose, dhexe iyo sareba wuxu ku qaatay isla magaaladaas. Waxbarashadiisa jaamacadeedna wuxu ku soo qaatay dalka Masar, halkaa oo uu ka bartay shareecada iyo qaanuunka.
Abwaanku isaga oo ka sheekaynaya xilalkii ka duwanaa ee uu ka soo qabtay xukuumadii milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre wuxu yidhi wuxu soo qabtay xilalka Guddoomiyaha maxkamada gobolka iyo racfaanka ee Hargeysa, Burco, Gaalkacyo iyo Kismaayo. Xilligii dawladii marxuum Cigaalna wuxu ka noqday guddoomiyaha maxkamada sare. waxa kale uu marxuumku ka soo qeyb qaatay shirarkii dib u heshiineed ee lagaga soo doogay colaadihii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Marxuumku waxyaabaha uu mucjisada ku ahaa waxa ka mid ah markii uu shahiiday halgamaagii aabihii alle ha u naxariistee isaga oo toban jir ah ayuu Ingiriisku maxkamad soo taagay.
Gabagabadii dhamaan dadka hoos ku qorani waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacbi weynaha Somaliland iyo gaar ahaan axsaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku. Waxaanay kala yihiin:
1. Maxamed Sugaal Geelle.
2. Cabdillaahi Saleebaan Bidde.
3. Axmed Cawad Ismaaciil.
4. Cabdirisaaq Cismaan Fadal.
5. Maxamed Cabdi Ismaaciil.
6. Maxamuud Cabdi Hindi.
7. Faarax Xusseen Axmed.
8. Maxamed Nuur Axmed.
9. Aadan Jaamac Dhiif.
10.Khadar Ayaanle Dayax Weerar.
11.Maxamed Jaamac Dhiif.
12.Maxamed Caga Cadde.
Dhamaanteen samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo, isagana naxariistii janno alle ha ka waraabiyo.
Aamiin…………………Aamiin………….Aamiin.
