November 29, 2009

Kulmiye Waxa Gilgilay, Goldalooladiisa Cismaan-Hindi Qaawiyey.

Waxa aan beryahan saxaafadda ku arkayay weeraro qaawan oo loo tegayo Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga UDUB Mudane Cismaan Cabdilaahi Cigaal ‘Hindi”, oo ka dhashay kadib markii uu Guddoomiyuhu muujiyay dhaliilo dhab ah oo uu leeyahay Xisbiga Kulmiye, oo awalba ahaa xisbi uu Cismaan-Hindi uga tegay ku dhaqanka qabyaaladdii laga guuray. Cismaan-Hindi waxa aan leeyayay, “Xaal ayaan Guddoomiye kaa siinnay xagxagashada xisbiga daalaadhaca ah, hadaladooduna ma ha qaar wax ku yeelaya, ee waa afxumadii iyo ku jiqsii-dii lagu yaqaanay kooxda Kulmiye”.

Kulmiye waxa gilgilayaa waa runta iyo xaqiiqadiisa la soo bandhigay, Cismaan-Hindina ma aha nin maxkamad la soo hor istaajinayo, waxaanu mudan yahay in billad-sharaf lagu siiyo, run-sheegga, hadal-caddaanta, iyo geesinimadiisa, waxaana mudan in maxkamad la soo istaajiyo madaxda Xisbiga Kulmiye ee illaa xilligii SNM, Xilligii Dawladii Tuur, Xilligii Dawladii Cigaal iyo illaa Xilligan Dawladda Rayaaleba  lagu yaqaano qaska, fawdada, iyo iska horkeenka ummada Somaliland, ee horena u huriyay colaadaha lagu hoobtay, dawladahii Somaliland qaar ka mid ah curyaamiyay.

Adduunka marka musharax doorasho lagaga guuleysto, wuu dhuuntaa, waxaanu ka gabaddda fadeexada iyo guuldarrada uu xisbigiisa u soo hooyay, waxaana taas ka marag ah sidii ay fagaaraha siyaasadda uga baxeen Algoor iyo John Cerry oo uu ka guuleystay Bush, waxase la yaab ah in madaxdii Kulm iye ee laga guuleystay doorashadii 2003 ay wali la soo indhocad yihiin musharaxnimadii ay awalba ku guuldarreysteen,. Iyaga oo la tartamaya madaxweynihii awalba afka ciidda u daray, iyada oo ay ku andacoonayaan, “imakana waa markii reerka, kolkii horena markii xisbiga ayay ahayd”.

Waxaan u soo jeedin lahaa hoggaamiyaha talaxgabka ah ee Kulmiye Mr Siilaanyo in uu iska casilo jagada Musharaxnimada Xisbigiisa, fagaaraha loolankana uu u banneeyo siyiisyiin cusub, da’yar, leh maskax iyo aqoon daray, dalkana ku maamula siyaasad cad, ummaduna ay u soo istaagi karto, aamini karto, wax ka dhegaysan karto, godob iyo gashi toona aan lahayn,  illeen dadku way barteen hoggaaminta Siilaanyo ee madhalayska ah e.

Cabdiqani Maxamed Nuur

Email: cabdiqani42@yahoo.com

Login