November 29, 2009
Faallo: Maxa Lagu Tilmaami Karaa Dawlad Masuuliinteedii Iska Dhibayaa Dalalka Shisheeyaha?
Asalkaba marka laga hadlayo dawlad, waxa qof kastaa xusuusanayaa nidaam sharci, kala dambayn, nabadgelyo, dhaqaale, shaqaale, xorriyad, cashuuro, mushaar iyo sifooyin kale oo cadowga ama saaxiibka dawladdaasi ugu yeedho dadka dawladda samaysta. Sifooyinka kale oo dalalka dunida qaarkood ugu yeedhaan dawladaha qaar, ayaa indhawaaleba iyaduna siia badatay, kuwaasoo u kala baxaya dawlad islamaai ah, mid cilmaani ah, mid dimuqraadi ah ama mid diktaytar ah.
Haddaba, markaad eegto sida dadka dunida ku nooli u aamnisanyihiin dawladnimadooda, ayaa iyaduna ah mid wakhtigan shucuubtu dhaqdhaqaq farabadan ku keenta. Dawladaha ku xun shicibkooda, isla markaana ka xaaraantinnimeeya wax kasta oo ay xaq u leeyihiin, dhinaca kalena xoog miltarai iyo mid boolis u adeegsada hadii dadkaasi dawladdooda ka dareemaan daryeel la’aan, shaqo la’aan, dhaqale darro iyo diktaytarnimo, waxay shacbigaasi isku dayaan inuu ka baxsado dalkaasi isla markaana uu dalalka debedda ka magan galo sharka kaga iman kara madaxda dawladdaha ay kasoo jeedaaan asal ahaan.
Dhinaca kale muwaadinka dhabta ahi waa kii aamniswan dalkiisa, dadkiisa iyo dawladnimadiisa waxa uu had iyo jeerna isku arkaa inuu yahay muwaadin leh dawlad wanaagsan iyo dal wanaagsan. Sidaa darteedna waxa uu aaminaa dalkiisa, isagoo dawladdaasi u arkaya inay tahay mid wax ka qaban karta dhibaatadiisa, oo hadii belaayo ku dhacdo ugasoo gurmata, haddii uu barwaaqo leeyahayna cashuurta si fiican u bixiya .
Soomaaliland, kana mid ah dalalka Geeska Afrika kusoo biiray, balse weli caalamku dafirsanyahay dawladnimadeeda, ayaa leh dawlad la doortay, oo leh baarlamaan lasoo doortay iyo gole odayaal oo iyaga ad mooddo inay rigli ku yihiin kuraastooda. Dawladdaasi lasoo doortay, welina xukunka dalka, ayaa dastuurkeeda iyo sharcigeeduba dhigayaa inay muwaadiniiteedu la xuquu yihiin muwaadiniinta dalalka hore u maray ama lagu sheego dimuqraadiga.
Sidoo kale ayaa muwaadiniinta Soomaaliland dawladda ku leeyihiin xuquuda ay muwaadiniinta dalalka dimuqraadiga ahi ku leeyihiin dawladdooda, balse markaad eegto waxa dastuurka Soomaliland u banneeyey muwaadiniitiisa iyo dhaqanka dawladdooda, ayaa su’aalo badan la iska weydiin karayaa dawladnimada maanta an haysanno. Dadweynaha Soomaaliland oo badi aamnisan soomaaliland-nimadooda, balse ad mooddo in sannadba sannadka ka dambeeya hoos usii dhacayso marka ay arkaan nidaam anay ka helin waxay ka filayeen.
Sidoo kale ayaa muwaadiniinta Soomaaliland dareemayaan in dawladnimadii, goosashadii iyo hagankiiba ay ku dhaceen meel cidlo ah kaddib labaatansano ku dhawaad anay dadweynaha Soomaaliland badi helin xuquuqdii ay ka filayeen dawladnimadan ay usoo halgamayeen, isla markaana anay filayn inay degdeg uga baxayaan duruufaha haysta, taasina waxay keentay inay muwaadiniinta reer Soomaaliland maanta debedda u yaacayaan, isla markaana ay geleyaan safar ka khatar badan safaradii lagu tegi jiray debedaha si ay uga raadsadsaan nolol dhaanta tan soomaaliland.
Waxayna maanta barteen nidaamka tahriibta oo anay 1 7 sano lasooa dhaafay anay aqoon u lahayn, taasina ay keentay in bqollaal reer soomaaliland oo an dagaal ka baxsanayn ,balse baahi iyo macaluul ka cabsanayaayi badaha ugu dhinteen doonyo la qaraqmay. Taa waa lagasoo gudbay intii tegtay tegtay, intii dhimatayna allaha u naxariisto, waxa maanta ku xiga in masuulyiintii dawladda Soomaailand debedaha qaxootinnimo u raadsanayaan.
Isdhiibista masuulyiinta dawladda soomaaliland ,ayaa sidoo kale loo nisbayn karayaa dhawr arrimood .waa tan koowaade waxay qaar isku dhiibayaan si ay helaan meel a kula dhuuntaan ,kuna cunaan hanti laga dhacay umadda oo si tuugo ah ugu dhacday jeebadahooda ,qaarna waxay isku dhiibayaan baahi ay ubadkooda iyo naftoodaba ku haysta dalka iyagoo weliba masuulyiin dawladeed ,halka kuwa kalena ay isku dhiibayaan inay ka baxsadaan gobodo ay galeen in lagu qaado dembigeeda,kana cabsi ay ka qaabaan in looga aargoosto gaboodfalyo ay sameeyeen .
Inkastoo ay masuulyiita Soomaaliland badankoodu yihiin qurabjoog haysta laba jinsiyadood, loona baahnaa inay dalka xoog, xoolo iyo maskax fayoprw kusoo kordhiyaan, baqsle waxa badani ka dhimanyihiin, isla markaana ay ku jiraan rag soomaaliland shaqooyin fiican ka helay oo markii dambe lasooa baxaya maamulxumo iyo musumaasuq markii dambena ku laabtaya dalalka ay maganta u yihiin iyagoo jeebadaha ka buuxsaday lacago shicibka iyo dawladdaba laga xaday, halka qaarna soomaaliland u keeneen caddaladda caalamka lagaga dhaqmo iyo maalgelin ay ku bixiiyeen malaayiin Doolar.
Haddaba, markaad miisaanto isdhiibistaa masuulyiinta dawladda ee wakhtigan, ayaa loo nisbayn wejigabax ku yimi xukuumadda Soomaaliland iyo ceeb usoo hoyatay dalka sumcaddiisii. Waxa nasiibdarro ah in masuul dawladeed oo safar hawleed debedda ugu baxay soo noqon waayo, iskana dhiibo dalalka Soomaaliland u haystay dal dadkiisu xornimo iyo barwaaqo haystaan, balse baahi iyo cadaadis lagu hayo ay masuulyiintaasi sabab uga dhigtaan isdhiibiddoodaasi, waxayna taasina keeni kartaa ictiraaf la’aan iyo masuulyiinta soomaaliland oo caalamku u joogsan waayo ama qaddarin waayo, adiga iyo kan dagaalada muqdishana si iskumid ah uun loo arko.
Waxa kale oo isdhiibista masuulyiinta Soomaaliland dalkan ku keeni kartaa in gebi ahaanba laga yaaco maadaama masuulyiintii xilka iyo barwaaqada ku haystayba ka yaacayaan dalka ,waa ayo cidd joogaysayi ,ama aamini karta Soomaaliland .
Ishdiibistan an masuulyiinta dawladda iska dhiibayaan dalalka debedda, ayaa la rumaysanyahay inay u meelmartay tiro aad u badan, oo ka tirsan golayaasha xukuumadda, sida wakiilada, ururada samafalka gudaha, xisbiyada qaraanka iyo siyaasiyiin kaleba ,kuwaasoo safaroo debedda laga casuumay ku tegey, balse aakhirataankii iska dhiibay dalalkii casumay ama kuwa kaleba.
Dhibta iyo sumcadxumada isdhiibistaasi usoo jiidayso soomaaliland ayaa waxa ugu yar iyadoo dalalka deqda bixiyaayi anay cidba ka casumi soomaaliland, balse Soomaaliya uun lagu casumo, haddii kale ay masuulyiinta soomaaliya damaanad qaadaan soomaaliland inay ka mid tahay gobolada Soomaaliya ,cid laga casumi karaana anay jirin.
Ugu dambayntiina, isdhiibista masuulyiinta soomaaliland, ayaa kolleyba loo baahanyahay inay joogsato, si ay u joogsato magacxumada soomaaliland u gashay durba caalamkii aqoonsan lahaa, iyadoo dhinaca kalena xukuumadda iyo madaxweynaha looga fadhiyo inay doortaan cidda Soomaaliland magacxumo an usoo jiidayn ee an iska dhiibayn dalalka debedda, hadii kale madaxweynha iyo xukuumaddiisa, ayaa dusha loo saari karayaa dhibaatada masuulyiinta dawladdu u keenaan Soomaaliland ictiraafkeeda iyo dawladnimadeeda. Hadii ay sii socoto isdhiibistaasina waxa dalku ku hadhayaa wuu yaraan doonaa, cadow kastaana wuu qabsana karayaa mustaqbalka marka laga dareero
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland

