November 29, 2009
Booliska Ceerigaabo Oo Qabqabtay Kooxo Tahriibayaal Ajnabi ah
Ceerigaabo (Harowo) - Kooxo Tahriibayaal ah oo sida la sheegay u dhashay dalka Ethiopia ayaa laga qab qabtay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, sida uu ku waramay wargeyska Maalmaha ee magaaladda Hargeysa ka soo baxa waxa kooxahani doonayeen inay si tahriib ah dalka uga baxaan kuna tagaan dalalka Yeman iyo Sucuudi Arabiya.
Hadaba warkaas oo dhamaystiran waxa uu wargeysku u qoray sidan, Tahriibayaashan oo dhammaantood u dhashay waddanka Itoobiya, ayaa ahaa rag iyo haween dhallinyaro ah oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof ayaa sida uu kusoo warramay weriyaha Wargeyska Maalmaha ee gobolka Sanaag Mr- Darwiish waxay gelinkii danbe ee maalintii sabtida gaadheen magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxana tahriibayaalkan sidey baabuur xammuul ah oo sida ay sheegeen tahriibayaashan kazoo qaaday magaalada Burco, heshiisna kula galay in uu tahriibayaalkan geyn doono magaalada Boosaaso ee maammul-goboleeda untland oo ay caadi tahay in laga dhoofiyo tahriibayaalka.
Taliyaha boliiska gobolka Sanaag C/risaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) ayaa isla galabnimadii tahriibayaalkaasi halkaas gaadheen wuxu amar ku bixiyey in la xidho baabuurka sidey tahriibayaalkan, iyadoo sidoo kalena boliisku tahriibayaalka ku wargeliyeen in berrito(shalay) dib loogu qaadi doono halkii ay kazoo kicitimeen, waxana baabuurkii tahriibayaalka sidey iyo wadihiisiiba lagu xidhay saldhigga boliiska (Daallo) ee magaalada Ceerigaabo.
Subaxnimadii Axadda ayaa taliyaha boliiska gobolka Sabnaag wuxu amray tahriibayaalka in dib loo saaro baabuurkii sidey, laguna celiyo halkii ay ka yimaaddeen, taas oo baabuurkaas iyo tahriibayaalkii saarnaaba iyadoo lagu daray hal baabuur iyo askar ka tirsan boliiska sidaas lagaga masaafuriyey magaalada Ceerigaabo.
Dhinaca kalena maaddaama arrintani tahay mid ku cusub gobolka Sanaag ayaa muddadii koobnayd ee tahriibayaalkaasi gudaha magaalada Ceerigaabo ku sugnaayeen waxa dadweynaha reer Ceerigaabo ka muujiyeen dareen aad u weyn oo ay ku diiddan yihiin arrintani in sida gobollada kale qaarkood ay noqoto wax sii socda ama ka dhaqan gasho gobolka Sanaag, iyadoo markii tahriibayaalkan halkaas laga masaafuriyeyna dadweynuhu si weyn taas ugu qanceen.

Harowo Desk Hargeysa Somaliland
