November 28, 2009
Boogta uu Cismaan Hindi Damqay Xanuun Kululaaaaaaaa……!!!
Waxa beryahan danbe isasoo tarayay hadallo ka dhashay warsaxaafadeed uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Udub, Mudane Cismaan C/laahi Cigaal(Hindi). Warsaxaafadeed kan oo xanbaarsanaa macluumaad muhima oo kala gedisan ayaa waxa uu damqay boog ay rag badan oo mucaaradka gaar ahaan xisbiga Kulmiye ka tirsani lahaayeen, kadib markii uu mr. Hindi taataabtay waxna ka sheegay hagardaamooyin ay ragaasi ku hayeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo intii uu xornimadiisa lasoo noqday, waxana uu sheegay warar xaqiiq ah oo ku saabsan jallaafooyinka ragaasi ku doonayeen inay ragaadiyaan dalka laga soo bilaabo dawladii ugu horeysay Somaliland ee uu madaxda ka ahaa Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (tuur).
Hadaba, soomaalida ayaa waxay tidhaahdaa ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa, waxa markiiba cirka isku shareeray buuq iyo sawaxan ay isku dareen raggii uu boogaha ka damqay Mudane Cismaan Hindi. Dadka reer Somaliland waxba kama qarsoona waana ay uhayaan nin walba wixii dalka uu gashaday abaal iyo dibindaabyo.
Hindi waxa uu warkiisa ku xusay in ay nimanka uu carabaabay lugta jiidayaan citiraaf raadinta Somaliland, taasoo ay si cad u beeniyeen, “fallaadhi gilgilasho kaagama hadho” ayay dadku ku maahmaah maahaan, waxan leenahay waxa hadalkaasi uu sheegay Cismaan Hindi u maraga qodobadan iyo qaar kale:
1. Waxa aynu wada ognahay inay inta badan madaxda Kulmiye marka ay dan ay leeyihiin fuli waydo ruxaan geedka nabad gelyada ee aynu hadhsanayno, nabad gelyaduna waa waxa koowaad ee aan dunida uga iibsanayno aqoonsi, suaasha iswaydiinta leh ayaa waxay tahay ninka nabad gelyada dalka meelkaga dhacaya ee dhibta ugaysanaya aqoonsi raadintii dalka mabaabiinayaa mise wax buu tarayaa.
2. Arrinta kale ee iyana cadaynaysa nimankaasi inay aqoonsiga wadanka cunaha hayaan lugtana ay jiidayaan waxa weeye in markastaba dunida ay gaadhsiiyaan hadallo dhiillo leh oo ah waanu is haynaa, waanu kala tegaynaa, hanaloo soo gurmado iyo madaxtooyada waanu soo xidhaynaynaa, ulbaan kaga soo saaraynaa ninkan meesha fadhiya(Madaxweynaha).
3. Waxa kale oo u caado ah inay shacabka khalkhal geliyaan oo ugu baaqaan inay isu soo baxaan isla markaan ciidamada shiidaan taasoo keentay dhawr goor khasaare nafeed iyo mid maalba isla markaana sawir foolxun ka bixisay dalka.
4. Waxa iyana aynu ognahay inay wax qabadka dawladda hor istaagaan oo shacabka ku kiciyaan, waa yaabe maxaa shacabka nabada ku fadhiya belaayo loogu yeedhayaa, arrinta waxa qabadka ay ka horyimaadeen waxa ugu danbeyey dhisitaankii maxjarka oo ay shacabkii u fahamsiiyeen in xoolihii dalka nin carabi kooto ku qabsaday, laakiin shacabku waxa uu manta markhaati ka yahay inay tahay guul usoo hoyatay dhisida maxjarku, waxa kale oo uu shacabku markhaati ka yahay nimankani inay yihiin niman danayste yaala, xukuumadun danta shacabka wado.
5. Sidoo kale inbadan oo ka tirsan madaxda Kulmiye ayaa ah kuwii ay xukuumadihii hore ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaqaaqi waayeen, isla markaana hor taagnaa guusha dalka.
Inkastoo ragani ay kamid ahaayeen urukii SNM, hadana waxa uunbay ahaayeen qaar dhib la dhexjoogay ururkaasi, ma jecli inaan wax yaabo badan faadho, hadana waxa hadalka iga keenay kadib markii ragii waxay sameeyeen la ogaa laga soo bilaabo ururkii SNM ilaa xukuumadii hore iy tan maantabana dhib uun wada iyo dano iyaga u gaara, ay hadana dhaheen waxaan maxakamad soo taagaynaa nin uun wax ka tilmaamay ficladoodii, mid kamida madaxweynayaashii dalka ayaa laga hayaa raggii dalka xoreeyey baan ka xoreynaynaa, waxan leeyahay waabu idin faaniyey markuu ninkaasi intaa lahaa ee SNM-na waxaad ka dhexwadeen waa la ogaan halkanna waa la ogyahay.
Ugu danbayn waxaan leeyahay Cismaan waxa uunbuu tilmaamay calancastu dhibta ay leeyihiin cidna wax umuu gaysan, waxa la yidhi ninbaa waxa u dhalaysay hal dib la, sida lagu yaqaan geelu markuu dhalayo ama rimanyahay waa goojiyaa oo dibkuu kor utaagaa, hashii way gooji wayday ilay dibba ma lahee, markaasuu yidhi dib laay ama gooji ama ha goojin aniga geela sanadka dhalaya uun baad iigu jirtaa, imika waxan leeyahay ragaa Cismaan Hindi tilmaamayoow ama dafira ama ha dafirina rag danbiilayaala uun baad tihiine.
Rashiid Muuse
Email: Rashiid100@hotmail.com

