November 28, 2009
Bal Dayaaaaaay Mucaaridkii Somaliland Wakaaaaaaaa…….!!!!!
Marka hore waxa aan Salaan iyo hambalyo ku xusan Ciida Carafo u gudbinyaa dhamaan ummada reer sommaliland Gudo iyo debedba meel kastoo ay joogaan. Waxaanan Leeyahay Ciid wanaagsan ku ciida, Ilaahayna nabadgab iyo caafimmad ha inagu gaadhsiiyo bisha bisheed. Waxaanan ummada reer Somaliland EEBE uga baryayaa, inuu quluubteena isu soo jeediyo Macaarid iyo muxaafidba, sidii klhayr ku kujiro ina garansiiyo “AAAMIIIN!!!!!!!!!!!!!!!”
Hadii aan usoo dago ujeedada qoraalkayga- Waxa maalmahan danbe maqlaayey, kuna arkaayey warbahinta S/Land Laba dareen oo kala duwan, isuna kayqaban waayey. Mid waxa uu ahaa FARXAD iyo RAYRAYN dadka badidiisa ka muuqatay kana soo yeedhaysay ana aan lawadaagay. Ka kalena waxa uu ahaa mid kaa ka soo horjeeda oo kala garan la’ guulaha ay Dawlada JSL gaadhaa cida ka faa’idaysa ,dadka badidiisuna ka biyo diideen kana muraara dilaaceen ilaa iminkana la isweydiinayo sida aywax u jiraan.
Hadaba, labadan arimmod ee aan kor ku xusay ayaa dhacay ka dib markii ay Xukuumada S/Land si hagar la’aan ah shaaca uga qaaday in Xoolaheenii u dhoofi jiray Gasiirada Carbta siiba Saudi Arabia ee sagaalka sanadood (9) cunaqabatayntu saarayd in laga qaaday xayiraadii. Weynu wada ognahay sidii ay wax u dhaceen iyo ujeedadii laga lahaa cunaqabatayntu in ay ahayd mid siyaasadi ka danbaysay. Taasu waa history oo dib ugu noqon maayo, laakiin waxa aan jecelahay in aan waxyar ka taabto jidkii adkaa ee loomaray hawshan.
Hadaba, mudadan sagalka sano ah labdii dawladood ee kala danbeeyey, tii ALLA ha u naxariistee Marxuum Mohmaed H.Ibrahim Cigal iyo tan Mudane Dahir Riyale Kahin ba dadaal aan xad lahyn iyo dublamaasiyad heer walba leh ayey ugu jireen, geed dheer iyo geed gaabanba way u koreen sidii ay arrintaa wax uga qaban lahaayeen. Hadii aynaan is diidsiinayn waynu lawada soconaa taariihkda tacabka iyo dadaalka loo soo maray arrintan ee ma aha mid isk timid.
Marxuum Cigaal, Dhakhtaro ayuu ilaa S Africa ka keenay si uu u xaqiijiyo in cudurkan lasheegayo aanay waxba ka jirin. Madexweyne Riyaale markii uu wax walba sameeyey waakii ugu danbayntii Al-Jabiri Kula Heshiiyey in maxjarkan maanta loo ayey uu dhiso si xoolaha Berbera loogu baadho, Waatii se loo wada taagnaa tii ka dhacday ee ay lahaayeen Mucaaridku Riyaale ayaa Dhulkii nin Carbeed siiyey.
Hadaba, wax aan liqi kariwaayey, anfariir iyo layaabna igu noqotay, markii aan arkay xisbiyadii muxcaaridka oo libintii (Credit) u diidan dadkooda, dawladooda iyo madaxdooda, si toosana guushii luqunta u sudhay Cadawga S/Land iyo Sheikh Sherif oo iskadaa Xamar oo aan xitaa qasriga madaxtooyada ( Villa Somalia) wada xukumin.
Miyaanay wax laga xishooda ahayn qof aan Jiritaankaagaba ogolayn in aad tidhaahdo wax buu ii qabtay. Hadaba weynu ogeyn oo mucaaridku ma ogola in dawlada taayir u rogmo hadana waxa ay leeyihiin dawladu waxba may qaban. Dawlada wax badan bay qabatay, laakiin indhaha xusbiyda mucaaridku ma arkaan, oo S/Land iyo UDUB ayey kala garan la’ yihiin
Mucaaridku waxa ay had iyo gooraale ku andacoon jireen: a) Dawladu maxay xuduudka S/Land u wada gaadhi weydey, markii ay gaadhayna tii ay dhigeen iyo sidii ay uga hadleen waa la ogaa, meel baanay u taalaa. b) Dawladu ictriraaf ma rabto oo debedaba way ka soo baqataa, marka ay xubno iyo wufuud dawlada ka tirsani debedaha u baxaan si ay shaqadii loo igmaday u soo qabtaana, intoy sida Dacawga ka daba qayliyaan ayey waliba isku dayaan in Mudahraado ku sameeyaan, si uu sawir qaldan aduunku inooga qaato, waxaana ka mid ahaa banaanbixii dhicisobay ee la rabay in lagu sameeyo mar uu Madaxweynuhu booqashu ku joogay London.
Hadii aynu isnidhaahno wax walba ka sheekeeya dhamayn karimayno ee waxaan uga jeedaa, in ay had jeer Xusbiyada Mucaariku wixii wanaagsan ee ay dawladu qabto ay ka soo qaadaan ina waxba kamajiraan libintana kala masuugaan, had iyo gooralena ku canbaareeyaan in aanay dawladu waxbaqaban. Waa run oo wax yaabo badan ayaa qabyo ah sababahooda ayaanay leeyihiin, hore ayey reer yurub u yidhaaheen, (Rome wasn’t built in a day) Rooma maalin qudha laguma disin, markaa wixii aan ilaa hada qabsoomin ku dheeraan mayo oo halhayska aan sare ku qoran ayaa igaga filan.
Hadaba, waxa aan xisbiyada mucaaridka ah leeyahay, waa loo baahanyahay in mucaarid jiro oo uu dawlada ilaaliyo, laakiin waa in uu dariiqeedii maraa oo marka ay dawladu qaldanto waa in ay qabtaan, tusaana qaladadka ay gashay isla markaana ay wixii xalmoodaan ama daaweyntiina soo barbardhigaan, ama halaga yeelo ama halga diido ee adigu “MA I TIDHI “ ayaa meesha taala.
Waxa iyana xusid mudun in la isweydiiyo, Sheikh Sharif iyo xusbiyada mucaaridku waxa ay ku heshiiyeen markii ay Nairobi Ku kulmeen dabayaaqadii bishhii July markii interpeace dalka laga saaray ee Nairobi laysugu wada tegey? Hadii ay doorashada ku guulaystaan soo arrinkoodu maaha Somaliweyn, sida inooga muqata? Mucaarika ma waxay kala garanwaayeen S/Land iyo Xusbul xaakimka ( UDUB/ Xukuumada)?
Waxa aan dawladana odhan lahaa, in kastoo dibu dhicii doorashada ku yimi dhawrka goor la wadalahaa mucaarid iyo muxaafidba, hadana idinka ayaa midida daabkeedii haya oo eeda la idinsaarayaa ee doorasho xor oo xalaal ah sida ugu dhakhsaha badan dadka ugu qabta oo is baraxa waxay sheegataba ha weydee.
Waxa aan hadalkaygii ku soo gunaanadayaa, waa in aynu eegnaa waxa aynu ka midaysanahay ee danteenu ku jirto, wadankeena iyo dhismihiisa, mustaqbalka dakiisana siiba dhalinta soo koraysa, nabada iyo degenaanshaha iyo barwaaqo, u horseedi kara.
Waa in aynu meel uga soo wada jeedsanaa Cadawga S/land ee aan ogolayn horomarkeena iyo in aynu aqoonsi ka helo beesha caalimka. Hadii aynu Kursiga uun eegno oo aynu isqadarin weynu meel dheer ayaa arrinkeena laga dooni meelna gaadhimayno. Maalmihii khayrka lahaa ee Bisha Carafo ee ay ducadu kacaysey ayeynu ku Jirna ee si niyad sami ah anynu u udcaysano gacmahana is qabsano isna wada saamaxno.
………..Sii Darjiidhee !!!!!!
S/Land Ha Guulaysato….. ALLAH Mahad leh
Khalid Ahmed
Email: Khalidyare_1969@yahoo.com

