November 28, 2009
Aadan Xaaji Muxumed Aye (Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Kulme ee G/Awdal), oo Cabdiraxmaan Saylici Ku Eedeeyey Inuu Tegay Anshaxii Siyaasadda
Boorama (Harowo) - Aadan Xaaji Muxumed Aye, Wakiilkii hore ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal, dhawaanna u digorogtay xisbiga UDUB, ayaa C/raxmaan Saylci musharax madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, ku eedeeyey inuu lumiyey anshaxa siyaasadda, isla markaana u muuqdo nin maalinba maalinta ka dambaysa iska luminaya wejigii siyaasadeed ee uu dadkan gobolkan kusoo jiidan lahaa. Aadan Xaaji muxumed Aye, oo jawaab ka bixinayey war uu C/raxmaan siiyey, warbaahinta dalka qaar ka mid ah, isla markaana madaxweynaha ku eedeeyey arrimo anu u qalmin ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakadda Wararka ee Harowo.com u qornaa Sida:
“Maaha markii ugu horreysay ee C/raxmaan Saylici hadallo an meel loo raaco lahayn oo dheegxumo usoo jiidaya siyaasiyiiynta gobolkan kasoo jeeda uu warbaahinta siiyo. Waxa uu Cabdiraxmaan Saylci ku hadlayana maaha wax dhib usoo jiidaya reer Awdal, Reer Soomaaliland iyo xisbiga Kulmiye oo keliya, balse waa mid ah shakhsi ahaan waxyeelo ah ku ah, siina luminaysa sumcaddisa siyaasadeed.
Haddaba, markaad eegto sida taageerada xisbiag kulmiye ku yahay Boorama, lana wada ogyahay inuu yahay kan ugu liita marlka lo eego xisbiyada qaraanka, waxad ogaanaysaa in Cbadiraxmaan Saylci yahay nin an laba soconba taagederada xisbgiisa ee aadka u liidata, maadaama uu Hargeysa uun fadhiyo wakhti kasta, gobolkana ad mooddo inuu marti ku yahay ama anu kaba tirsanayn dadwqeynaha reer Awdal.
Maxaad u malaysanaasaan ninka dadkiisa taageero ka waayey, halkuu taagero siyaasadeed ka heleyaa? Waa inaad marka hore kalsooni ka haysataa shacbigaaga ad ka dhalatay.
C/raxmaan Saylici, ayaan sidoo kalena u sheegeyaa inuu isagu talo u baahanyahay, ee anay reer Awdal talo uga baahnayn, waayo reer Awdal way tashadeen, halka nabadgelyada iyo midnimadu ku jirto ayey weligoodba go’aankoodu ahaa, sidaa darteedna cid maanta kaa dhegeyssaanaysaayi ma jirto xisbi an taageero haysani kaama soconayso.
Waxay reer Awdal doortaan uunaby reer Soomaalilandna dooranayaan, sababtoo ah waa la ogyahay halka nabadgelyada iyo midnimada reer Soomaaliland ku jirto, reer Soomaalilandna way kasoo dhergeen dagaallo iyo barakac dambena diyaar uma aha.
Dib iskugu noqo ayaan ku leeahay, oo dadkaaga haka tegin, cidlana ha is dhigin.”
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland
