November 27, 2009
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, oo Sida La Sheegay u Ololaynaya Inuu Sucuudigu Joojiyo Dhoofka Xoolaha Somaliland Inta Ka Hadhay Doorashada!!!
Waxaanu ka helnay xog sugan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Boqortooyada Sucuudi Arabiya, xogtan oo ah mid miisaanka khatarteedu aad u culusyahay, kuna wajahan talaabo aad uga nixinaysa shacabka Somaliland xaga dhaqaalaha maadaama ay dhamaan tayo (GUDI AHAAN) naga afariirisay. Nuxurku waa kan: ka dib wada hadal telephone-ah oo nooga yimi masuuliyiinta ku nool wadankaa sucuudiga kana soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland, ayaa noo sheegay in ay kusoo jeedaan wafti laba geesood ah oo ka kala socda Axsaabta mucaaridka, ujeedada socdaalkana ay tahay, waa siday hadalka noogu dhufteen, inay joojinayaan xoolaha laynoo furay inta doorashada ka hor.
Safarkani waa mid ka dhashay farxadii shacabka Somaliland khaasatan kuwa ku nool dalka gudihiisa oo ay mucaaridku xaqiiqsadeen in shacabkuba u codaynayo XISBIGA UMADA U DHEXDA AH EE UDUB isla markaana xukumada Daahir Rayaale sii hayndoonto Hogaanka Dalka Somaliland.
Marka la isticmaalo caqli saliima, waa mid suuro gal ah inay MUCAARIDKU ku dhaqaaqaan talaabadan hunguri qabadka ah marka loo eego dhawaaqa kasoo baxayay Afka mucaaridka khaasatan UCID MADAXEEDA U SAREEYA “madaxa meel ka saraysa oo la taabtaa majirtee” ee ku wajahnaa furitaanka iyo ka shaqaysiinta maxjarka xoolaha iyadoo guushii ay siiyeen cid aanay neefteenu isu dhawayn iskuna dayeen inay ka maroojiyaan Libintaas Xukumadeena Somaliland u soo dhafartay si ay u soo furto xoolaheena.
Layaabka kasii darani waxa weeye, cida ka dambaysa abaabulka safarkan oo ah nin dadkii ku dhiiri galinaya inaanay bixin cashuurta dhawaan Wasaarada Maaliyadu soo rogtay taasoo ah mid muwaadinkastaa soo dhaweeyay oo bixinteediina ay socoto.
Waxaad adeer ogaataa in dadkani ay dawladan kusoo wadeen cashuurtooda mudo 10 sano ka badan dalkoodana ay siinayaan cashuurta daayin abad. Aan soo afjaro, Waar waa CIIDAL XAJ oo waa ayaamii khayrka ee iska ilaaliya isha umada.
Waar ilmaadeerayaal kurisiga wanaag ku doona oo taageerayaasha aan cimrigoodu dheerayn ha soo farina cay afka ka wayn sida yarkii DIRIDHABA ee maalintii dhawayd kulahaa Wasiir Cabdi Haybe DAMEER WAA DAMEERUUN!! Ilaahay ayaan idinku dhaaryee ma waxaasaa u dhaqan ah Somaliland dadkeeda. Umadii akhristayaasha ahayd way la yaabeen, dhinacna lama yaabin oo waxa loo arkay inay tahay hadal kasoo yeedhay DHALAAN..
Ilaahayna mahadi haka gaadhee, indheer garadkii reer Somaliland way u hiiliyeen Wasiirka waanay ku mahadsan yihiin.
Yarkaasna waxaan leeyay yaan laguu bixin DAMEER CIYAY ee iska jir waxyaabahaas. Haw qaadanina hadalkayga weerar iyo waxyeelo, waxay iga tahay toosin iyo wax u kordhin. ADHIGAA HADAY DHACDO INAA SOO XIDHAAN, IMINKABA IDINKAA KA MASUULA.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo,Afxumana umada uma horseedo,taasaynu isku ognay Akhristayaal.
SANWAA CUMAR YARE
GUDOOMIYAHA GUDIDA , SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

