November 27, 2009

Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadda Ciidal Odxa kumanaan Shacbiga Reer Hargeysa ah Kala Qayb Galay

madaweyne-rayaale-small Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa salaadii ciida odxa kala qayb galay kumanaan shacbiga reer Hargeysa ah oo salaadda ciida ku gudanayay masjid jaamaca way nee magaaladda Hargeysa.Markii salaada ciidu dhamaatay ayaa madaxweynaha Somaliland uu halkaa shacabka Somaliland iyo dhamaan shucuubta caalamka Islaamka uga diray salaam iyo duco uu sanadka sanadkiisa inay nabad qab iyo barwaaqo ku gaadhaan uu ugu rajeeyay.

Waxaana Hadalkii koobnaa ee Madaxweynuhu ahaa “Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu, waxaan Illaahay ciida fadligeeda ha ina siiyo, muwaafaqana Allaha ha ina siiyo, khilaaf oo dhana Alla ha inaga saaro, waxaan halkan dhamaan umadda Somaliland iyo dhamaan umada muslimiinta uga gudbinayaa salaam, Illaahayna ciida odxada ha inaga aqbalo, wasaalamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu.” Intaasi waxay ka mid ahaayeen hambalyadii iyo ducadii Madaxweynaha Somaliland Shucuubta Islaamka iyo Umadda Somaliland maanta u diray munaasibadda ciida Odxa.

Guud ahaan jawiga ayaa ahaa saaka mid aad u qurxoon waxaana dhamaan jidadka magaaladda Hargeysa ay ku waabariisteen subaxnimadii hore kalahaada kumanaan bulshadda ku dhaqan Hargeysi ay ugu dareereen goobaha fagaarayaasha iyo masaajidada si ay u gutaan salaada ciida Odxa, oo ay ku xigtay salaadii jimce oo ay isku beegmeen sanadkan.

Geesta kale boqolaal dhalaan yar yar ah oo iyagoo faraxsan dhar aad u qurxoona xidhani ay gaaf wareegayeen jidadka iyagoo inta badan la socda waalidkood, waxaana si wayn loo dareemayay farxadda cida Odxa ee sanadkan oo ku soo beegantay wakhti xoolaha geeska Africana sucuudigu ka qaaday xayiraadii isla markaana la dareemayay kor u kac dhaqaale.

madaxweynaha-iyo-ku-xigeenka

madaxweynaha-1

madaweyne-rayaale-1

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

Login