November 8, 2009
Saylac: Jawharadii Luntay, Xadaarad iyo Tariikh Inay Dabar Go’do Ku Dhow
Saylac (Harowo Desk) - Magaaladda Saylac waa magaalo taariikh iyo xadaarad wayn leh, waxay magaalada Saylac ka mid tahay meelihii ugu horeeyay ee la dego guud ahaan gobolka Geeska Africa. Magaaladda Saylac sida taariikho badan oo laga hayaa tilmaamayaan ma jirto meel ka horaysay oo dadka afka Somaliga ku hadlaa, lahaayeen oo magaalo ah, taariikhda Saylac kuma soo koobi karno qormo iyo bogag kooban, hasa yeeshee waxaan la dafiri Karin in magaalo xeebeeda Saylac ay tahay meel taariikh iyo xadaarad fac wayn leh, waxaana taariikhda Saylac amaan ugu filan inay tahay magaaladii Diinta Islaamku dhidibadda dhigatay ka hor intaanay gaadhin Magaaladda Madiinatu minawara iyo meelo badan oo xaramaynku ku jiraan.
Saylac waxay ahayd qarniyaal badan meel looga taliyo dhul waynaha geeska Africa, gaar ahaan Abaasiniya iyo ardu xabash, waxa in badan deganaa amiiradii muslimiinta iyo abaanduulayaashii xoreeyay dhulkii Abaasiinay ee uu kow ka ahaa abaanduule Axmed Guray.
Magaaladda Saylac iyadaa dhamaan taariikhdaa aan soo sheegnay ka markhaati furaysa, mid kasta iyo casri walbana ku siinaysa warkiisi oo dhan, waxa ku yaala gudaha magaaladda Saylac, Masaajidka Qiblatayn, oo sida magaciisa ka muuqata leh labadii qiblo ee diinta islaamku soo martay, kuwaas oo kala ah, qibladii hore ee Qudus iyo baytal maqdis ku jihaysan iyo qibladda aynu ilaa wali dhinaceeda u tukano oo magaaladda barakaysan ee Makka almukarama ku jihaysan.
Masaajidkan qiblatayn waa markhaatiga ugu adag ee aan cidina kula murmi Karin magaaladda Saylac in Diinta Islaamku soo gaadhay wakhti aanay Madiina iyo meelah ugu dhow Makka gaadhin, waxa sida taariikhda lagu hayo, dadka reer Saylac ay ahaayeen, mushtamacaadkii ugu horeeyay ee diinta Islaamka Qaata, taas oo sida taariikhda lagu hayo ahayd markii asxaabta Nabigu (NNKHA) ay u hijroonayeen dalka Ethiopia oo wakhtigaa uu xukumi jiray Boqor Najaashi.
Xadaarado iyo taariikho kala duwan oo jiilba jiil uga danbeeyay ayaa soo maray magaaladda Saylac, kuwaas oo mid walba kaga tagtay raad muujinaya joogitaankeedi Saylac, waxanaa xadaaradaha ka mid ah Turkigi, Cumaaniyiintii, Masaaridii, Ingiriiskii iyo qaar kaloo badan.
Xaga juqraafiga Saylac waxay ku taal xeebta Badda Cas, waxaanay kulaalaysaa albaabka Baabul Mandab oo ah goob doonyihii iyo weelashii ganacsiga loo adeegsan jiray xiligaasi ku nasan karaan marka ay ka soo baxaan, baaxa dega mawjadaha babul mandab, dhinaca kale waxay si toos ah ugu jihaysan tahay gacanka cadmeed, taas oo sahashay in doonyo badan oo ganacsi oo xiliyaddaa ka iman jiray, Hindiya gaar ahaan magaaladda Bunbay, ay Saylac u ahayd xudun.
Dhinaca bariga waxay Saylac ahayd meel waraabisa dhulkii hore loo odhan jiray ardu xabash, waxaanay safarka awrta iyo rukuubkii xiligaasi si fudud uga soo daabulan karayeen ganacsigooda gaar ahaan kuwii reer Herer oo wakhtigaa ahayd magaalo xarun diimeen, dhaqan iyo ganacsi.
Magaaladda Saylac, waxa degan dadyow kala duwan, hayb ahaan iyo sinji ahaan, laakiin dhamaantood waa reer Saylac, mana yaqaanaan qabyaaladda, waa dad xadaariyiin ah, wax walbana awooda inay gacantooda ku samaystaan, sida dharka iyo agab kale ee aasaasiga ah.
Magaaladda Saylac xadaaradahaas iyo ilbaxnimooyinkaa kala duwan ee ay soo martay, waxa muuqda in gabi ahaanba ooda loo rogay wakhtiyadii Somalidu dawladnimadda heshay, dhamaan maamuladii kala danbeeyay ee dalka soo marayna ay ka sinaayeen, aasidda iyo sidii loo dabooli lahaa taariikhdda Magaaladda Saylac.
Magaaladda Saylac wakhtigan waa caasimadda gobolka Selel, waxaana muuqda in maamulka cusub ee gobolkaasi cusubi isku dayayo in wax laga qabto arimo badan iyo dhibaatooyin badan oo yaala meesha, hasa yeeshee malaha awoodeedi, mana hayaan taageero buuxda oo lala garab taagan yahay, taasina waxay ka dhigaysaa Saylac, ceelna uma qodna cidna uma maqna.
Waxyaabaha layaabka leh ee ay Saylac kaga duwan tahay dhulka Somalida waxa ka mid ah, waa magaaladda kaliya ee aan Dameer iyo Ey midna ku noolaan Karin, taas oo keentay in dad badani aaminsan yihiin in Saylac tahay halka uu ku aasan yahay Nabi Muuse ama ay ushiisi taalo, waxa kale oo jira ruwaado badan oo sheegaya in Saylac dad karaamo lihii ku aasan yihiin.
Si kasta ha ahaatee waxa layaab ku noqonaysa qof kasta oo Saylac taga in aanu arki Karin dameer iyo Ey ku nool magaaladdaas, taas oo la sheegay in marar badan oo la keenay magaaladaa in ay dhinteen 24sacadood gudahood.
Saylac waa meesha kaliya ee aad ku arki karto 70-jir aan dhinacna u dhaafin waligii, hadii aan si kale u dhigno qof aynigaas ah, oo aan Saylac duleedkeeda gaadhin waligii.
Hadii aynu soo gaba gabayno maqaalkeenan Saylac waa Jawhadii Luntay oo aan si yar oo dul xaadin ah ugu soo qaadanay taariikhda faca wayn iyo ilbaxnimadda balaadhan ee Saylac, waxa xiligan kaga muuqanaya magaaladaas duruufo wer wer iyo naxdin leh, oo hadheeyay, goobo badan oo taariikhda Islaamka iyo caalamka ku leh raad, kuwaas oo gabi ahaanba u dhow burbur iyo dabar go’, hadii aan la daba qabatayna ay bari dhow noqon doonaan qaar muran ka dhasho jiritaankooda.
Waxaan ka cudur daaranayaa hadii aan wax badan ka tagay oo taariikhda Saylac ah, ama aan sidii ugu haboonayd u wada sheegi waayay, waa aqoon iyo garasho la I dheer yahay, hasa yeeshe waxa aanu maqaalkan uga dan leenahay oo kaliya xasuusin cidii danaynaysa ama ka damqanaysa taariikhda Saylac inaan ugu soo gudbino, xusuus wax ugu filan, wixii kale ee aad ku soo darsanaysaana way idiin furan tahay.






Faysal Maxamed Xassan
Reporter Harowo.com Hargeysa Somaliland
Email: daralla06@yahoo.com

