November 7, 2009

“Faysal Waxaan Leeyahay Dadka Laguma Kasbado Cay iyo Af-xumo.” Cismaan Hindi

hindi Hargeysa - Madaxa ololaha doorashada Xisbiga UDUB Md. Cismaan C/laahi Cigaal, ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha UCID, oo shacbiga ugu baaqay in aanay u codayn xisbiga UDUB. Cismaan Hindi oo maanta  khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shabakada Ramaas News, waxa kale oo uu ka hadlay war shalay ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya, oo sheegayay in ay xisbiga UDUB carruur aan qaan gaadhin ay sheegeen in ay ka soo baxeen KULMIYE, kuna biireen UDUB, waxaanu yidhi:

“Horta waa nasiib darro in la dacaayadeeyo dadka muwaadiniinta ah ee fahmay khaladkii hore ee KULMIYE ku khalday kana soo noqday ee ku biiray xisbiga UDUB, waxay ahaayeen dhalin yaro badan oo wiilal iyo hablaba iskugu jira oo magac leh isla markaana ay ku jireen ciyaartoy caan ah oo laga yaqaano xaafada 26 June iyo xisbiga Kulmiye gudihiisa ayaa ku soo biiray UDUB. Warka ku saabsan in xisbigayagu uu carruur aan qaangaadhin urursanayo waa dacaayad aanay waxba ka jirin.”

Md. Cismaan Hindi, oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay gudoomiyaha UCID oo dadweynaha Somaliland khamiistii ugu baaqay inay u codeeyaan labada xisbi Mucaarid oo aanay u codayn xisbiga UDUB, waxanu yidhi “Faysal waxaad moodaa inuu had iyo jeer ku mashquulo cayda xisbul xaakimka UDUB, halkii uu ummadda wixii uu qabanayo iyo barnaamijkiisa u bandhigi lahaa. Markii kowaad ma aha waxa hore u dhacday barigii dhawayd inuu odhan jiray hala shiido haddii UDUB olole ka bilaabo degmada Maxamuud Haybe ee caasimada Hargeysa.

Waxaan leeyahay waa hadal macno darro ah oo aan munaasib ahayn.”

“Faysal waxaan leeyahay saaxiib dadka laguma kasbado cay iyo af xumo. Anagu kuma mashquulo wax ka sheegay axsaabta mucaaridka ah,” ayuu yidhi madaxa ololaha doorashada xisbiga UDUB. Cismaan Hindi, oo aanu weydiinay in ay dadweynaha u gudbiyeen barnaamijkooda siyaasadeed, wuxuu yidhi “Haa anagu waan u gudbinaa shacbiga Somaliland barnaamijkayaga oo ah mid dhinac walba ka dhisan sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada bulshada oo dhan. Tusaale ahaan oo waxa waxqabadkayaga muraayad u ah heerka waxbarashada dalka aanu ka soo bilawnay 1991-kii iyo halka imika ay waxbarashadu marayso.

Source: Ramaas News

Login