November 7, 2009

Bodhasaabka Gobolka Selal Oo Ka Digay Dhibaatadda Tahriibayaal Gobolka Hafiyay.

lowyo-cado-small Saylac (Harowo) - Badhasaabka Gobolka Selal Mudane Cawaale Ismaaciil Xassan, ayaa sheegay in Magaalada Lowyacaddo ay la tiicayso kumanaan kun qof oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo culays iyo dhibaato laxaad leh ku haya deegaankaasi iyo wadanka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, isla markaana maamulka gobolka Salal iyo ciidamada amaanku ay la tacaalayaan sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi.

Sidaa waxa uu Guddoomiyaha gobolka Selal Mudane Cawaale Ismaaciil Xasan ku xaqiijiyay waraysi khadka telefoonka ah oo isagoo jooga magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka aanu kula xidhiidhnay “Aboolaha (Tahriibayaasha) ayay Lowyacaddo la tiicaysaa oo dhib wayn nagu haya, ciidankii amaanka oo la tacaalayana way ka bateen, jaarkiina (Jabuuti) dhib ayay ku hayaan.” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Salal Mudane Cawaale Ismaaciil Xasan waxa uu beeniyay war ku soo baxay boga hore ee Wargayska Haatuf caddadkiisii shalay, warkaasi oo lagu sheegayay in boqolaal qof oo ku hubaysan faashah iyo toorayo ay dhinaca Jabuuti weerar kaga soo qaadeen magaalada Lawyacado. waxaanu guddoomiyuhu warkaasi ku tilmaamay fadeexad aan sal iyo raad toona lahayn.

“Warkaa wax ka jiraa ma jiraan, waa fadeexad aan sal iyo raad toona lahayn. magaalada Lawyacado waa meel ganacsi oo caan ku ah kootarabaanka iyo Aboolaha (Tahriibayaasha). markaa dadka Tahriibayaasha ayaa magaalada ku soo batay oo ay la tiicaysaa, waxa kor u kacday lacagtii lagu kaxaynayay aboolaha oo ah dad reer xamar ah.” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha gobolka Salal Cawaale Ismaaciil Xasan.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi “Markii ay kor u kacday lacagta lagu kaxaynayo aboolayaasha, waxa dhacday in qolada sigaarka kootarabaanka xamaasha ee Jabuuti gelisa ayaa damac galay, oo inta ay sigaarkii iska daayeen ayay dadkii tahriibiyeen. halkaas waxa ka dhacay dagaal oo waa la isku dilay, waxaana magaalada Lawyacado isku dilay qolada sigaarka tahriibisa oo loo yaqaano Raanjariska iyo aboolayaashii dadka tahriibin jirtay.”

“Waanu soo qabqabanay kooxahaasi dagaalku dhexmaray, ilaa haddana waxaanu qabqabanay dhawr iyo lixdan qof, ilaa haddana baadi doon ayaa lagu jiraa. ciidanka amaanku way u taagwaayeen oo way ka bateen, markaa waxaanu u dalbanay ciidamada qaranka ee halkaasi jooga. sida ugu dhakhsaha badan ayaanuna maxkamad u horgaynaynaa. waayo saldhigyo ku filan ma haysano.” ayuu yidhi Guddoomiyhu.

Gudoomiyaha gobolka Selel waxa uu intaa ku daray, “Waxa dhibaato naga haysataa dhawr iyo lixdankaa qof ee aanu qabqabanay wixii ay cuni lahaayeen. magaaladuna dhib wayn ayay ku qabtaa aboolahaas oo  xad dhaaf ah. waxaanu xukuumadda ka codsanaynaa in arrintaa wax nalagala qabto. dhibaatada ugu waynina waxay ka jirtaa baabuurta ka soo qaadaysa Hargaysa iyo Boorame. waa dad tahriibaya oo reer Xamar ah, waxay xidhiidhsan yihiin Xamar ilaa Hargaysa ilaa Boorame oo taleefano ayay ku xidhiidhayaan. Warkaasi uu qoray Wargayska Haatufna waa fadeexad aanay waxba ka jirin, Ranjariskaa iyo Aboolahaas ayaa isku Dilay Lawyacado, kuwaas ayaana been u sheegay, iyaguna intaas ayay war ka dhigayaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay gudoomiyuhu.

Gobolka Selel waa gobolka ugu cidhifeeya somaliland waxaana mara xadka u dhexeeya Somaliland iyo Djibouti, waxa kale oo gobolkaasi aad ugu dhow yahay dalka Yemen, taas oo ay ugu wacantahay, xeebta badda cas iyo albaabka baabu mandab oo ay dhacdo magaaladda taariikhiga ah ee Saylac, taasina waxay soo jiidatay dad badan oo tahriibayaal ah oo bilihii u danbeeyay u muuqday inay bar tilmaameed ka dhigteen, hasa yeeshe waxa jira in tiraba dhowr jeer ciidamadu gacanta ku dhigeen boqolaal tahriibe.

lowyo-cado

lowyo-cadde-2

Harowo Desk Hargeysa Somaliland

Login