November 7, 2009

Bayaan: Beesha Ciidagale oo Mamnuucaysa Isticmaalka Xawaaladda Dahabshiil

Bayaan uu soo saaray Guddoomiyaha dhalinyarada Beesha Ciidagale Mr Cabdiraxmaan Axmed Kabadhe “Awr-liqe” oo uu ku sheegay in beesha Ciidagale ay gabi ahaanba joojinayso isticmaalka xawaalada Dahabshiil ayaa u dhignaa sidan:

“ Iyada oo ay beesha Ciidagale ka mid tahay beelaha Somaliland ee deegaanka ah ku ah caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ah magaalada ay ka furan yihiin xasiisyada ganacsi ee ugu badan ee ay leedahay shirkadda Dahabshiil, isla markaasna ay beeshu ka mid ahayd dadka ugu badan ee macmiilka u ah shirkadda Dahabshiil, shirkaddana ku soo……

dhaweeyay magaalada Hargeysa, kana iibiyay Dahabshiil qaar ka mid hantida ugu muhiimsan ee maguurtada ah ee ay Dahabshiil ku leedahay Hargeysa sida dhulka laga dhisay fooqa Dahabshiil ee ku dhegsan dhismaha STC-da.

Nasiib-darro, Dahabshiil waxa ay noqotay shirkad indhaha ka lalisa wanaaga ka dhexeeya iyaga iyo beesha, iyada oo aanu maamulka Dahabshiil siinin beesha saamigii shaqaalaha ee ay beeshu xaqa u lahayd, xafiisyadii Dahabshiil ee Hargeysana uu maamulka shirkadu ka shaqaalaysiiyo dad laga keenay goboladda kale ee Somaliland, taasina waxa ay noqotay wax lala yaabo, waayo shikadda Dahabshiil waa ay ku guuldarraysatay in ay caddaalad u samayso beelaha Somaliland, waxaanay noqotay shirkad u afduuban cid gaar ah.

Waxa uu sidoo kale maamulka Dahabshiil xadhig kula kacay Hooyo Deeqa Koore oo ka mid ahayd hawlwadeenada xafiiska Dahabshiil ee magaalada Dubai, iyada oo ay maamulka Dahabshiil diideen in ay dammaanad ku sii daayaan Hooyo Deeqa Koore oo ah gabadh ummul ah, hooyo ah, xaas ah, haweenay ah, kuna nool qurbe, kadib markii ay Hooyo Deeqa sixreen, lacagna ka dhaceen dad qalaad, damaanadaas Hooyo Deeqa waxa uu maamulka Dahabshiil ka diiday qaar ka mid ah Tujaarta iyo Salaadiinta beesha, falkaasina waa mid arxan-darro ah, kana baxsan bani’aadamnimada, waa yaab iyada oo aanu hore maamulka Dahabshiil u xidhin todoba ka mid ah shaqaalahooda oo Dubai lacag lagaga dhacay, in uu xadhig la beegsado Hooyo Deeqa oo ka tirsan Beesha, falalkaasina waa qaar xajiin leh oo aanay u dulqaadan Karin guud ahaan dadweynaha beeshu.

Ugu dambayntii waxa ay beesha Ciidagale soo saartay qodobadan

1. Waxa ay beeshu cambaaraynaysaa falalka shaqo-ka-reebidda, danaystenimada iyo xadhiga ah ee ay caadaysteen maamulka Dahabshiil.

2. Waxa ay beeshu go’aansatay in ay joojiso xidhiidhkii ay la lahayd ganacsiyada Dahabshiil sida xawaaladda, bangiga IWM, iyada oo aanay beeshu wax lacag ah ku diri doonin, kana qaadan doonin Dahabshiil

3. Waxa ay beeshu go’aansatay in ay xidho akawnadii xisaabaha ee ay beeshu ku lahayd Dahabshiil.

4. Waxa ay beeshu maamulka Dahabshiil u soo jeedinaysaa in ay si dhakhso ah u xidhaan xafiisyada ay Dahabshiil ku leedahay dhulka beesha, isla markaasna ay Dahabshiil fujiaan boodhadhkooda ku yaalla deegaanka beesha, haddii kalena beeshu arrinkaas tallaabo adag ayay ka qaadi doontaa.

5. Beeshu waxa ay dhiirigelinaysaa furista shirkadaha ganacsi ee ummadu wada leedahay “Partnership companies”, shirkadahaas oo si siman ugu adeegi kara dadka.

6. Beeshu waxa ay kula talinaysaa shirkadaha ganacsi in ay ka leexdaan jidka qalloocan ee uu horseedka u yahay Dahabshiil, kuna salaysan takoorka, caddaalad la’aanta, danaystenimada, qabyaaladda iyo xadhiga, dhaqankaas oo khasaare laxaad leh u horseedi kara cidda caadaysata”.

Bayaankan waxa soo saaray

1. Cabdiraxmaan Axmed Kabadhe “Awr-liqe”, Guddoomiyaha dhalinyarada beesha Ciidagale.

2. Yaasiin Jaamac Axmed

3. Xasan Cabdilaahi

4. Cabdiraxiim Aadan Xuseen

5. Khadar Cabdiqaadir Kaarshe

6. Cabdiraxmaan Ismaaciil iyo

7. Maxamed Cabdi Mataan

Login