November 30, 2009
Halkan Ka Dhegeyso Xafladdii uu Xisbiga UDUB Maanta u Qabtay Boqolaal Taageerayaal ah oo Ku Soo Biiray Xisbiga
Hargeysa (Harowo) - Xisbiga UDUB ayaa xaflad soo dhawayn ah oo aad u balaadhan u qabtay boqolaal taageerayaal ah oo ku soo biiray, kuwaas oo sida la sheegay ka soo diga rogtay xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo) - Xisbiga UDUB ayaa xaflad soo dhawayn ah oo aad u balaadhan u qabtay boqolaal taageerayaal ah oo ku soo biiray, kuwaas oo sida la sheegay ka soo diga rogtay xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye. Xafladaas oo aad u balaadhnayd waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta xisbiga UDUB, xubno wasiiro ah, taageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga oo ahaa ururadda dhalinyaradda, haweenka iyo qaybaha bulshadda ee xaafaddaha gacan libaax, 26juun iyo koodbuur, hoos ka dhegayso Safiirka wareega Maxamed Aar, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin iyo xubno taageerayaasha cusub ka mid ah.
Madaxwaynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu Maanta Soo saaray War Murtiyeed ku saabsan Munaasabada Maalinta AIDSka Aduunka ee 1/12/2009 kuna began bari oo Salaasa ah. Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaaya Cudurkaa afaada ee AIDS-ka, waxa uu yidhi, Sida lawada ogsoon yahay Cudurka AIDS-ku waxa loo aqoonsadey aafo culus oo heer caalami ah oo aan ku ekayn xuduuda, Midab, caqiido, jinsi iyo da, gaar ah balse wada saameeyay (haba kala darnaadeene)guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadamada kala duwan ee dunida ee aynu sida joogtada ah macaamilka iyo isu-socodka ula wadaagno.
Magaca Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maanta kama uu mid noqon Ururada Somaliya ee uu Magacooda ku shaqaysto ururka NUSOJ ee waxa uu ku biiray waqti hore oo ay Suxufiyiinta Somaliland qaarkood si cad daaha uga rogeen heshiiskii lagu kal saxeexday dalka gudihiisa. Waxa Maanta ayaan darro ah in Ururka SOLJA oo hadda ay ku soo hadheen ilaa Saddex Wargeys oo Madaxbannaan iyo kuwa Xukuumadda, kuwaasoo un abaabula Suxufiyiinta…..
November 29, 2009
Swiss Ban Building of Minarets on Mosques
GENEVA — In a vote that displayed a widespread anxiety about Islam and undermined the country’s reputation for religious tolerance, the Swiss on Sunday overwhelmingly imposed a national ban on the construction of minarets, the prayer towers of mosques, in a referendum drawn up by the far right and opposed by the government. The referendum, which passed with a clear majority of 57.5 percent of the voters and in 22 of Switzerland’s 26 cantons, was a victory for the right. The vote against was 42.5 percent. Because the ban gained a majority of votes and passed in a majority of the cantons, it will be added to the Constitution.
Waxa aan beryahan saxaafadda ku arkayay weeraro qaawan oo loo tegayo Guddoomiyaha Ololaha Xisbiga UDUB Mudane Cismaan Cabdilaahi Cigaal ‘Hindi”, oo ka dhashay kadib markii uu Guddoomiyuhu muujiyay dhaliilo dhab ah oo uu leeyahay Xisbiga Kulmiye, oo awalba ahaa xisbi uu Cismaan-Hindi uga tegay ku dhaqanka qabyaaladdii laga guuray. Cismaan-Hindi waxa aan leeyayay, “Xaal ayaan Guddoomiye kaa siinnay xagxagashada xisbiga daalaadhaca ah, hadaladooduna ma ha qaar wax ku yeelaya, ee waa afxumadii iyo ku jiqsii-dii lagu yaqaanay kooxda Kulmiye”.
Asalkaba marka laga hadlayo dawlad, waxa qof kastaa xusuusanayaa nidaam sharci, kala dambayn, nabadgelyo, dhaqaale, shaqaale, xorriyad, cashuuro, mushaar iyo sifooyin kale oo cadowga ama saaxiibka dawladdaasi ugu yeedho dadka dawladda samaysta. Sifooyinka kale oo dalalka dunida qaarkood ugu yeedhaan dawladaha qaar, ayaa indhawaaleba iyaduna siia badatay, kuwaasoo u kala baxaya dawlad islamaai ah, mid cilmaani ah, mid dimuqraadi ah ama mid diktaytar ah.
Hargeysa (Harowo) - Komiishanka doorashooyinka somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay socdaal ay magaaladda Adiss ababa ku tageen iyo kulamadii ay la yeesheen deeq bixiyayaasha iyo ururadda daneeya dimuqraadiyadda Somaliland. Hadaba, afhayeenka cusub ee gudidda doorashooyinku u doorteen dhawaan Md. Axmed Maxamed Xirsi (Geelle) ayaa si faah faahsan uga xog waramay mudadii ay Addis ababa ku sugnaayeen iyo kulanadii kala duwanaa ee ay halkaa kula yeesheen deeq bixiyayaasha iyo dalalka Somaliland doorashadda ka taageera, isagoo dhamaystiran shirkaas jaraa’id hoos ka dhegayso.
Get Flash to see this player.
Ceerigaabo (Harowo) - Kooxo Tahriibayaal ah oo sida la sheegay u dhashay dalka Ethiopia ayaa laga qab qabtay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, sida uu ku waramay wargeyska Maalmaha ee magaaladda Hargeysa ka soo baxa waxa kooxahani doonayeen inay si tahriib ah dalka uga baxaan kuna tagaan dalalka Yeman iyo Sucuudi Arabiya.
Hargeysa (Ramaas) - Waxa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa Marxuum C/Raxmaan Sheekh Bashiir oo ahaa shakhsi karaamo iyo xushmad fara badan ku lahaa bulshada dhexdeeda. Marxuumku wuxu ka soo jeeday qoys lagu majeerto aqoonta qotada dheer ee ay u leeyihiin diinta Islaamka, isla markaana saameyn weyn ku lahaa ka hortagii gumeysiga iyo xornimo doonkii.
INAALILAAHI WA IN AA ILAYHI RAAJICUUN: DHAMAAN REER CUMAR SHEEKH IBRAAHIM, OO KALA JOOGA DALKA GUDIHIISA IYO DEBEDDIISA WAXAY TACSI U DIRAYAAN QOYSKII EHELADII IYO QARAABADII UU KA GEERIYOODAY MARXUUMM JAMAAL MUUSE MURUUD OO MAANTA LAGU AASAY BOORAMA ,WAAY ILAAHAY UGA BARYAYAAN IN ILAAHAY JANNADII KA WARAABIYO QOYSKII QARAABADII IYO ASXAABTII UU KE TEGEYNA SAMIR IYO IIMAAN KA SIIYO.
Inaa Lilaa Wa Inaa Ilayhi Raajacuun: oo kala jooga dunida dacaladeeda Waxaan tacsi u diraynaa dhamaan reer Muuse Muruud geeridii naxdinta lahayd ee ku timiday alaha u naxariistee marxuum Jamaal Muuse Muruud oo maalintii sabtidii ku geeriyooday magaalada Boorama,ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu u danbi dhaafo,janadii Farduusana ka waraabiyo aamiin, aamiin, Eheladii, Asaxaabtii iyo Qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin
BAKO, Ethiopia - In recent months, the Ethiopian government began marketing abroad one of the hottest commodities in an increasingly crowded and hungry world: farmland. “Why Attractive?’’ reads one glossy poster with photos of green fields and a map outlining swaths of the country available at bargain-basement prices. “Vast, fertile, irrigable land at low rent. Abundant water resources. Cheap labor. Warmest hospitality.’’
November 28, 2009
Bal Dayaaaaaay Mucaaridkii Somaliland Wakaaaaaaaa…….!!!!!
Marka hore waxa aan Salaan iyo hambalyo ku xusan Ciida Carafo u gudbinyaa dhamaan ummada reer sommaliland Gudo iyo debedba meel kastoo ay joogaan. Waxaanan Leeyahay Ciid wanaagsan ku ciida, Ilaahayna nabadgab iyo caafimmad ha inagu gaadhsiiyo bisha bisheed. Waxaanan ummada reer Somaliland EEBE uga baryayaa, inuu quluubteena isu soo jeediyo Macaarid iyo muxaafidba, sidii klhayr ku kujiro ina garansiiyo “AAAMIIIN!!!!!!!!!!!!!!!”
Hadii aan usoo dago ujeedada qoraalkayga- Waxa maalmahan danbe maqlaayey, kuna arkaayey warbahinta S/Land Laba dareen oo kala duwan, isuna kayqaban waayey. Mid waxa uu ahaa FARXAD iyo RAYRAYN dadka badidiisa ka muuqatay kana soo yeedhaysay ana aan lawadaagay. Ka kalena waxa uu ahaa mid kaa ka soo horjeeda oo kala garan la’ guulaha ay Dawlada JSL gaadhaa cida ka faa’idaysa ,dadka badidiisuna ka biyo diideen kana muraara dilaaceen ilaa iminkana la isweydiinayo sida aywax u jiraan.
Waxa laga joogaa siddeed iyo toban sanno maalintii ay Somaliland lasoo kala soo noqotay xornimadeeda maamulkii kelitaliye Siyaad Barre, laakiin gobanimmadu bilaash maaha, madax-banaanideenu waxay ku timid halgankii, jihaadkii, iyo nafhurristii geesiyaashii iyo mujaahidiintii SNM. Waxay ku timid dagaal adag oo ay maato farro-badani ku naf weyday. Waxay kaloo ku timid halgan iyo dhirannaan ay muujiyeen shacabka Somaliland . Waxaynu ku weynay rag badan oo ahaa haldoorkii ummada. Maanta siddeed iyo toban sanno kadib, maxaa inoo kordhay? Runtii wax badan ayeynu qabsanay, wax badan oo aynu qabsan karri lahayna waynu ka gaabinay, oo maxaa sababay inaynu gaadhi weyno?
Boorama (Harowo) - Aadan Xaaji Muxumed Aye, Wakiilkii hore ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal, dhawaanna u digorogtay xisbiga UDUB, ayaa C/raxmaan Saylci musharax madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, ku eedeeyey inuu lumiyey anshaxa siyaasadda, isla markaana u muuqdo nin maalinba maalinta ka dambaysa iska luminaya wejigii siyaasadeed ee uu dadkan gobolkan kusoo jiidan lahaa. Aadan Xaaji muxumed Aye, oo jawaab ka bixinayey war uu C/raxmaan siiyey, warbaahinta dalka qaar ka mid ah, isla markaana madaxweynaha ku eedeeyey arrimo anu u qalmin ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakadda Wararka ee Harowo.com u qornaa Sida:
Waxa beryahan danbe isasoo tarayay hadallo ka dhashay warsaxaafadeed uu dhawaan soo saaray guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga Udub, Mudane Cismaan C/laahi Cigaal(Hindi). Warsaxaafadeed kan oo xanbaarsanaa macluumaad muhima oo kala gedisan ayaa waxa uu damqay boog ay rag badan oo mucaaradka gaar ahaan xisbiga Kulmiye ka tirsani lahaayeen, kadib markii uu mr. Hindi taataabtay waxna ka sheegay hagardaamooyin ay ragaasi ku hayeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo intii uu xornimadiisa lasoo noqday, waxana uu sheegay warar xaqiiq ah oo ku saabsan jallaafooyinka ragaasi ku doonayeen inay ragaadiyaan dalka laga soo bilaabo dawladii ugu horeysay Somaliland ee uu madaxda ka ahaa Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (tuur).
November 27, 2009
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, oo Sida La Sheegay u Ololaynaya Inuu Sucuudigu Joojiyo Dhoofka Xoolaha Somaliland Inta Ka Hadhay Doorashada!!!
Waxaanu ka helnay xog sugan jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Boqortooyada Sucuudi Arabiya, xogtan oo ah mid miisaanka khatarteedu aad u culusyahay, kuna wajahan talaabo aad uga nixinaysa shacabka Somaliland xaga dhaqaalaha maadaama ay dhamaan tayo (GUDI AHAAN) naga afariirisay. Nuxurku waa kan: ka dib wada hadal telephone-ah oo nooga yimi masuuliyiinta ku nool wadankaa sucuudiga kana soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland, ayaa noo sheegay in ay kusoo jeedaan wafti laba geesood ah oo ka kala socda Axsaabta mucaaridka, ujeedada socdaalkana ay tahay, waa siday hadalka noogu dhufteen, inay joojinayaan xoolaha laynoo furay inta doorashada ka hor.
Get Flash to see this player.
Hargeysa (Harowo) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa salaadii ciida odxa kala qayb galay kumanaan shacbiga reer Hargeysa ah oo salaadda ciida ku gudanayay masjid jaamaca way nee magaaladda Hargeysa.Markii salaada ciidu dhamaatay ayaa madaxweynaha Somaliland uu halkaa shacabka Somaliland iyo dhamaan shucuubta caalamka Islaamka uga diray salaam iyo duco uu sanadka sanadkiisa inay nabad qab iyo barwaaqo ku gaadhaan uu ugu rajeeyay.

