October 28, 2009
Sanad kahor Maanta oo kale (29 Oct, 2008): Xus Iyo Xusuus Murugo
Ayaamaha Ilaahay eed ma leh Midoodna. Laakiin, 29/October/2008 waa maalin Mahadho iyo xusuus madaw ku reebtay Quluubta shacbi u muuqda inay ka soo doogayaan dhibaatada halgan naf iyo maalba leh. Waa maalin intii goob jooga ahayd iyo inta maqashayba argagax gelisay Gariirka Qaraxyo xoog badan oo gilgilay Caasimadda Hargeysa. Waxay ahayd sanad ka hor maanta oo kale, markii rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Xarakada xag jirka ah ee AL-SHABAAB isku qarxiyeen Seddex Goobood oo muhiim ah (Madaxtooyada, Xarunta UNDP, iyo Xafiiska Ganacsi ee Ethiopia uga Furan Hargeysa) kuwaasoo gaystay Khasaare Naf iyo Maalba leh, Inkastoo qaraxaasi aanu u dhicin sidii ay ugu talo galeen cadaawuhu.
October 27, 2009
Sh. Aadan Siiro Wuxuu Noqday ” Jack of All Trades”.
Masaagidadu waa meelo dadka muslimiki ihi ilaahay ku baryaan kuna caabidaan. Waa Meelo laga faafiyo nabada, wada noolaashaha, is haqdowrka, daris wanaaga, islaanimada fiican, iyo barashada diinteena. Waligeedna masaajidadu ma ahayn meelo laga faafiyo cadaawad, nacaib iyo siyaasad. Masaajidada waxa isgu yimaada dadyow kala xisbiya ah, kala siyaaasad ah, kala ujeeda ah, kala dhaqan ah. Waxa kaliya ee ka dheexeeyaa waa towxiidkiida ilaahay, bariyadiisa, barashada qura’aanka, iyo sunnaaha nabigeena (salalaahu calayhi wa sallam). Waxa intaas soo raaca in ummada la qaadhsiiyo sidda dadku nabad ugu wada noolaan lahaayeen iyo sidda nabadu ku jirto ee loo dhexdhexaadin lahaa.
Boorama (Harowo) - Guddoomiyaha G/awdal Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige iyo maayarka Boorama, C/raxmaan Shide Bile, ayaa maanta ka qaybgalay xadflad taageerayaasha xisbiga UDUB ku muujinayeen dedaalka xukuumaddu ku doonnayso inay doorashooyin dalka ka dhacaan isla masrkaana lagu dardaarayey komishanka cusub. Xafladdan oo ahayd mid si heer sare loosoo abaabulay, ayaa waxa kale kasoo qaybgalay masuulyiinta xisbiga UDUB iyo martisharaf kale.
Boorama (Harowo) - Ku dhawaad afartameeyo wadaad oo ka kala yimi dalalka soomaaliya, Soomaaliland,yurub, carabta iyo meelo kale ayaa maalintii labaad shir uga socdaa mid ka mid ah masaajidyada Boorama. Kulankan culimada oo habeen hore dareenno kala duwan ka dhaliyey magaalada ayaa markii dambe la olgaaday inuusan ahayn mid waxyeelo u ah dalka ,balse lagag hadlayo sidii loo faafin lahaa diinta islaanka iyadoo loo adeegsanayo warbaahinta kala duwan ee maqalka iyo muuqaalkaba leh.
October 26, 2009
Komishanka Cusub Maxaa Ku Waajib Ah, Maxaase Hogaamiyayaasha Axsaabta Siyaasada Ee Tartamayaasha Ah Looga Baahan Yahay?
(Haatuf News) - Ka dib markii ay Somaliland ka soo gudubtay muddo laba todobaad ah oo muran ka taagnaa qaabkii loo soo xulayay xubnaha komishanka doorashooyinka, balse uu soo afjarmay dhismihii komishanka cusubi maalintii doraad oo ay ansixiyeen golaha wakiiladu todobada xubnood ee bedeli doona komishankii hore, ayaa waxa si rasmiya ugu bilowday muddo xileed shan sano ah oo waajibaadkoodu yahay sidii ay dalka uga hirgelin lahaayeen doorasho xor oo xalaal ah, iyadoo ay hor yaalaan hawlaha qabyada ka noqday qabsoomida doorashada madaxtooyada oo tiraba dhawr jeer dibu dhac ku yimid.
Every single peaceful and progressive day in Somaliland is a step towards de-jure recognition. Every issue resolved peacefully through the winning formula of dialogue, discussion and consensus in Somaliland is another step toward international recognition and away from mayhem and anarchy. Somaliland´s international recognition as a de-jure state is not only inevitable, but it is a shinning example to all Somalis. Much has been written about the total implosion of the Somali state since 1991, which has greatly contributed to the de-facto and soon to be de-jure recognition of Somaliland.

Dhoolayare

W/D Xoolaha
Hargeysa (Harowo Desk) - Masuuliyiin sar sare oo ka socda wasaaraddaha xanaanadda xoolaha iyo beeraha somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu furayay mashruuc balaadhan oo lagu horumarinayo xoolaha iyo beeraha somaliland oo Hay’adda FOA fulinayso. Mashruucan lagu horumarinayo Xoolaha iyo Beeraha Somaliland oo ay maal galinayso dawladda Qatar waxa fulinaysa hay’adda Beeraha iyo cuntadda dunidda u qaabilsan ee FOA, waxa ka qayb galay wasiirka beeraha somaliland Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yarre) iyo Wasiiru Dawlaha Xanaadda Xoolaha Md. Aadan Daahir, madax sare oo ka tirsan Hay’adda FOA, hadaba hoos ka dhegayso Wasiiru Dawlaha Xanaanadda Xoolaha Eng. Aadan Daahir, iyo Wasiirka Beeraha Aadan Axmed Cilmi.
Hlkan ka dhegeyso hadaladii msuuliinta
Hargeysa (Harowo Desk) - Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Maroodi jeex dhawaan madaxweynaha Somaliland u magacaabay Md. Maxamed Cabdi Daauud ayaa maanta si rasmi ah xilkii gudoomiye ugala wareegay gudoomiyihii hore Md. Cali Asad, xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta maamulka gobolka ee magaaladda Hargeysa. Gudoomiyihii hore ee xilka wareejinayay Md. Cali Asad oo halkaa ka hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar wargeysyadu ka qoreen oo sheegayay in madaxweynaha ay isku dheceen.
Halkan ka dhegeyso sidii xafladaasi u dhacday
Hoos ka daawo sawirada Xafladda
Boorama (Harowo) - Maayarka Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa maanta soo xidhay aqoonisweydaarsi u socday qaar ka mid ah xildhibeenada G/degaanka Boorama iyo massuulyiinta kale ee ka hawlgala xarunta dawladda Hoose ee Boorama. Aqoon-isweydaarsigan oo ay maalgelisay Hay’adda UN-HABITAT, isla markaana ay fulinaysay wasaaradda arrimaha gudaha iyo akade-miyadda nabadda iyo horumarka, ayaa waxa uu socday muddo toban casho ah. Aqoonnisweydaarsigan oo qayb ka ah barnaamij horumarineed oo loogu talogalayy lix degmo oo ka mid ah deg,mooyinka soomaaliland, ayaa intii uu socday waxa lagaga arrinsanayey sidii loo soo afJjari lahaa khilaafaadka dhulka iyo muranka jagooyinka kuwaasooa k eena xasiloonidarro iyo horumar la’aan ka dhalata dhul dan guud ah oo loo waayo mashaariicda horumarinta.
October 25, 2009
Fleeing Drought In The Horn of Africa
A new kind of refugee has arrived: Those forced from their home regions not by war or persecution, but by the climate. A Kenyan camp is bursting with the displaced, some of whom share their stories. Reporting from Dadaab, Kenya - For centuries, Adam Abdi Ibrahim’s ancestors herded cattle and goats across an unforgiving landscape in southern Somalia where few others were hardy enough to survive. This year, Ibrahim became the first in his clan to throw in the towel, abandoning his land and walking for a week to bring his family to this overcrowded refugee camp in Kenya.
Waxan akhristay maqaal ku qornaa Jamhuuriya maalintii Sabtidii ee October 25keedi. Maqalka cinwaankiisu wuxuu ahaa: Sheekh Aadan-Siiro oo ka Digay Qorshe Lagu Luminayo Taariikhda Xasuuqii iyo Halgankii Dib-u-xorraynt Somaliland. Wuxuu kaga hadlay xasuuqii iyo taariikhdii halgankii oo la tirtirayu iyo in ay dowlada iyo xisbiyado ka dambeeyaan tirtirkaas.
“Xilku waa meerto, mabdi’iyana nin UDUB ah ayaan ahay oo ma nihin dad khilaaf ku kala tagay Madaxweynaha.” Cali-Asad.
Hargeysa (Geeska) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xilkii ka qaaday badhasaabkii gobalka Hargeysa Md. Cali Xasan Maxamuud (Cali-Asad), waxaanu xilkaas u magacaabay Md. Maxamed Cabdi Daa’ud. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu, Madaxweyne Rayaale waxa uu Cali-Asad uga mahadnaqay mudadii uu u shaqaynayay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu u magacaabay Wasiir ku xigeen cusub Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL. Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu u leedahay dhismaha qaranka iyo dalkaba, isla markaana isagoo madaxweynuhu aqoonsan baahida weyn ee loo qabo, buuxinta jagada wasiir ku xigeenka wasaaaradaas, waxa uu u magacaabay mudane Cabdi Yuusuf Aadan in uu ahaado wasiir ku xigeenka wasaaradaas, laga bilaabo maanta 25/10/09.
Hargeysa, (Harowo Desk) - Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay dhamaan 7-dii xubnood ee komishanka cusub kuwaas oo dhamaantood goluhu ku ansixiyay cod aqlabiyad ah mid walba. Haddaba hoos ka dhegayso sidii kulankaa wakiiladu u dhacay iyo dhamaan xubnihii oo mid mid loo akhriyayo c-v-yaddooda aqooneed iyo waya aragnimadooda shaqo, waxa kale oo halkaa isna warbixin ku saabsan xaaladooda iyo sida ay sifaha sharci u buuxiyeen halkaa ka akhriyay gudoomiyaha gudi hoosaadka arimaha gudaha ee golaha wakiiladda somaliland Siciid Cilmi Rooble hoos ka dhegayso dhamaan codadkii.
Halkan ka dhegeyso Ansixintii Komishanka
Hoos Ka Daawo sawirada Golaha More
Boorama (Harowo) - xisbikga UDUB, kana mid ah xisbiyada qaranka soomaaliland, haatanna haya masuuliyadda dalka, ayaa la sheegeyaa in maamulkiisa G/awdal ay hadheeyeen khilaafyo an la ogeyn waxay ku salaysann yihiin. Sida la ogyahaya masuulyiyadda xisbigaasi ee gobolka Awdal, ayaa lix sano kudhawaad waxa soo hayey, siyaasi caan ah oo la yidhaa Maxamed C/laahi Cawaale, iyadoo tan iyo wakhtigaasi an wax jabaq ah, muraan ah ama isqabqabsi ah dhexdiisa aan la maqal, balse dhawaanta oo xilka xisbigaasi ee gobolka loo masgacaabay siyaasi kale oo la yidhaa C/casiis Xuseen Raage,……
Boorama (Harowo) - Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada xariirad, kana mid ah degmooyinka hoos yimaadda G/selel, ayaa ka digay xaalad ammaandarro ah oo dhacda magaaladaasi, isla markaana xukuumadda sare ka dalbaday gurmad degdeg ah oo dejiya xaaladdaasi. Qoraal ku saabsan aarintaasi oo uu Shabakadda Wararka ee Harowo.com soo gaadhsiiyey nin sheegatay inuu ku hadlayo qayb ka mid ah dadweynaha wada dega degaankaasi, magacaiisana ku sheegay Ibraahim suge Good, ayaa sidoo kale ka dayriyey khilaaf ka taagan dhul beereed muran ka taaganyahay oo ay dhici karto inay bulshada dhulkaasi iskaga hor yimaaddaan. Qoraalkaasi soo gaadhay harowo.comf ayaa u qoraa sidan:
Anagoo Kala Ah Shaqaalaha Dawlada, Ganacsatada Iyo Bulshada Ee Ku Dhaqan Degmada Saylac Iyo Lawyacado Waxay Hambalyo Aan La Soo Koobi U Dirayaan Mudane : Mah’ed Abti Omar ( Caato ) Iyo Marwo: Fadxiya Mah’ed Yuosuf Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargaysa 22/10/2009.
Ganacsatada lawyacado
Mah’ed Dahir Camir
Siciid C/Raxman Cilmi
Max/Ed Cali Yuusuf More
October 23, 2009
Kulmiye oo Maanta Miisaamay Baaqiga Uga Hadhay Taageerayaashiisii
Waxa maanta aan warbaahinta ku arkaayay kulimiye oo dhoola tus ka sameeyay JIDKA 150 halkaas oo ay joogeen niman ka tirsan hogaanka xisbigaas. Bini aadmiga aduunka ku nooli waxay markasta is waydiiyaan sabab intaanay ficil ku dhaqaaqin aniguna taas kala mid baan ahay dadka ee aan cadeeyo sababta igu kaliftay qormadan. Nimnkaas ku jira xisbiga kulmiye ayaa yidhi: xisbigii UDUB wuu ka soo laalabtay gobaladii bari arintani waa ta keentay inaan soo dhiibto ana bal taagta iyo tamarta uu leeyahay kulmiye.
Hargaysa (Qarannews) - Suxufiyiin Reer Somaliland ah ayaa ka digay cawaaqib xumo ka iman karta cid kasta oo isku dayda inay ku maxaafsato magaca Saxaafada Somaliland iyada oo u adeegaysa shaqsiyaad ama shirkaddo gaar ah oo siiyey dhameel si ay ugu muraad fushadaan. Koox Suxufiyiin ah ayaa qoraal kooban oo ay maanta ka soo saareen magaalada Hargeysa, waxa ay ku cambaareeyeen hadal ka soo yeedhay shaqsiyaad sheegtay inay wakiil ka yihiin saxaafada Somaliland oo si indho la’aan ah u weeraray Suxufi Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo Daahir Cabdulle Calasow….
Inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada dunida ka jira, waxa ay sannooyinka u dambeeya ee muddo xilleedka Xukuumadahooda ay si weyn isugu hawlaan sidii ay u heli lahaayeen shaqsigii ay u carbin lahaayeen hoggaaminta talada dalka marka waqtigoodu dhammaado, waxaana taa daliil u ah talaabooyinkii ay hore ugu dhaqaaqeen Mr. Tony Blair, oo isagu mar ahaa Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, balse markii waqtigiisu dhamaaday talladii ku wareejiyey mid ka mid ah xubnihii Golihiisa Wasiirada, Mr. Golden Brown, oo isagu hada ah jagada Ra’iisal-wasaarenimo, oo isagu muddo dheer Xukuumada Mr. Tony Blair ka ahaa Wasiirka Maaliyadda.
