October 31, 2009
Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegay In Sanad Walba Dawladu Boqolaal Kun oo Dollar ku bixiso Dayactirka Jidka Berber/Kalabaydh.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in sanad walba xukuumadu 210-kun oo dollar ku bixiso dayactirka jidka isku xidha Berbera ilaa kalabaydh, taas oo cid ka taageertaa aanay jirin. Wasiirka hawlaha guud waxa uu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta booqanayay jidka isku xidha Hargeysa ilaa Berbera oo dayactir lagu samaynayo ay ka waday hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA).
Dhegeyso Wasiirka Haawlaha Guud Iyo Maareeye Ku-xigeenka Wadooyinka
Hoos ka daawo sawirka jidka

