October 31, 2009
Wasaaradda Qorsheynta oo Si kulul u Beenisay Waraysi Xoghayaha Arimaha Dibadda Kulmiye ku sheegay in dalalka Reer galbeedku Somaliland Mucaawinadii ka Joojeen.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland ayaa si kulul u beenisay waraysi xoghayaha arimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye siiyay wargeyska Saxansaxo ee ka soo baxa Hargeysa, kaas oo uu ku sheegay xoghayaha dibadda ee Kulmiye in dawladdaha reer galbeedku Somaliland ka joojiyeen mucaawinooyinkii ay siin jireen ilaa doorashadu qabsoomayso. Warsaxaafadeed wasaaradda Qorshayntu arintaa ku beeninayso oo uu ku saxeexan yahay agaasimaah guud ee wasaaradda qorsheynta Maxamuud Xuseen Muuse, waxaanu isagoo dhamaystiran u dhignaa qoraalkaasi sidan:
Warsaxaafadeed Wasaarada Qorshaynta:
“Waraysi Wargayska SAXANSAXO la yeeshay Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Kulmiye, maalintii arbacada, 28kii October 2009, wuxuu xoghayahu wareysigaas ku sheegay:
“In taageeraddi dawladaha reer galbeedku ay siinjireen Somaliland dib loo dhigay ilaa doorashooyinka ka dib. Cid imika kula soo deg degaysa Somaliland mucaawinadeeda maamulka imika jirana aanay jirin, iyadoo imika dalku doorasho u diyaar garaoobayo.”
Warkaas uu bixiyey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye waa been abuur, sal iyo raadtona lahayn, oo aynay waxba ka jirin sababaha soo socda awgeed.
Kaw: Muu ahayn warkaassu mid rasmi ah oo uu soo xigtay xogo rasmi ah oo la sheegay. Haddu hayo xogahaas waa looga fadhiya inuu warkisaas ku saleeyo.
Laba: Arrimaha uu ka hadlay ee deeqda ku saabsan waxa rasmi ahaan ka wada xajoon kara dawlado sida Xukumadd Somaliland iyo dawlada kale ay khuseyso. Ma aha mid u taala oo cidi kal tashaneyso, rasmi ahaan, Xoghaye xisbi mucaarid ah.
Saddex: Warkaas la sheegay ma ah mid rasmi ahaan u soo gaadhay xukumada oo la hayo, haddii taasi jirina, waa wax kuma ool.
Afar: Deeqaha dawladaha reer galbeeku waxay soo maraan barnaamijka dibudhiska iyo horumarinta Somaliland (2008-20012). Barnaamijkaas oy ansixiyeen deeq bixiyaayaasha iyo xukumadda Somaliland dhamaadkii sanadkii 2007. Wax- iskabedeley barnaamijkaas oo ku saabsan deeqaha ka imanaya dawladaha reer galbeedkana, ilaa hadda, ma jiraan. Sidii loogu talogaleyna wuu u socda. Barnaamijkaas oo ay fulintiisa ay masuul uga tahay xukumadda Wasaaradda Qorshaynta Qaranku.
Waxaa markaas Wasaaradda Qorshaynta Qaranku kula talineysa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Kulmiye inuu kawaantoobo ka-dhawaajinta arrimo runta garab marsan oo laga yaabo inay dib ugu soo noqdaan.
Alla Mahad Leh,
Maxamuud Xuseen Muuse - Agaasimaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Iskuduwidda iyo Xidhiidhita Ha’yadaha Caalamiga ah
