October 31, 2009
War Saxaafadeed: Repuplic of Somaliland Ministry of Foreign Affairs
Tix –raac maqaalka cadadkiisu yahay 4013 ee Wargeyska Jamhuuriya kuna soo baxay maalintii shalay Jimce 30/10/2009, kaaso faafiyay in Afhayenka Ciidamada ‘Amisom” ee jooga Muqdisho, uu ku dhawaaqay in ay fasax u haystaan in ay hawlgalo ay ka fuliyaan dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland hadalkaasi oo uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moqdisho.
Waxaanu u aragnaa in afhayeenkaasi aanu wax xog ah ka haynin Somaliland iyo qadiyadeeda. Waxaanu afhayeenka u sheegeynaa in ay Somaliland ahayn qayb ka tirsan Somalia, oo ay tahay Jamhuuriyad madexbanaan oo gaarkeed xuriyadeeda u haysata wax colaad ah oo Somaliland gudaheeda ka taagan oo badbaado u baahan aanay jirin, cid amar ku bixin kartaa in Somaliland arrimaheeda ciidan ahaan la faragaliyo oo rukhsad looga qadayo aanay jirin.
Waxaanu leenahay ‘AMISOM” xilka Moqdisho ayay fasax u haysataaye ha ku filaanto, waana ma dhacdo in Ciidamo aanay Somaliland codsan aanay iman karayn Somaliland.
Gabagabadii waxaan afhayeenka u sheegayna in uu ku filnaado sugida amaanka magaalada Moqdisho oo qudha.
Sidoo kale waxaan tix raacayna war kale oo isaguna ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisa 796, kuna taariikheysan 31/10/2009 oo sheegaya in Rayisal Wasaaraha dawlada Sh. Shariif uu kaga dhawaaqay xarunta Chatham house ka ee magalada London in awladiisu ay qorshe wada hadal ah ay u diyaariyeen Somaliland taas oo uu ku tilmaamay in uu dhici doono doorashooyinka Somaliland ka bacdi, qorshahaasna ay la og tahay Dawlada Ingriiska.
Rayisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay amaan daro ka jirto Somaliland sababna uga dhigay doorashooyinkii oo qabsoomi waayay.
Waxaanu Rayisal Wasaaraha u sheegayna in dhibaatooyinka ka taagan Somalia ee ay dawladiisu maareyn kari weyday aanay kula soo galgalanin Somaliland.
Somaliland waa Jamhuuriyad madaxbanaan hawlaheeda iyo midnimadeeda ku dhameysatay wada hadal iyo isku tanaasul, hore ayaanu idiinku sheegnay in ay Somaliland si cad la soo noqotay xuriyadeeda 1991 kii marnaba suuragal maaha in wax wada hadal ah ay dhax maraan labadeena dhinac .
Waxaynu idiinku ducaynaynaa in uu ilaahay idinku waafijiyo dantiina ilaahayna inagakiin siiyo samir iyo imaan
Siciid Maxamed Nuur - Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda
