October 31, 2009

Nimaan Kuu Tudhin, Adna Ha U Tudhin

Cidii aan ka soo xaadirin baroor-diiqdii Oct. 29, 2008 waa niman magta la bixiya cadawga Somaliland.

Waxa aan aad u salaamayaa dhamaan shacbiga Somaliland meelkasta ha joogaan waxa maanta ii dheer arrin igu riday fajac iyo u qaadan waa anigoo is waydiiyay sida ay ku dhacday xaajadani. Waxay ahayd October 29, 2008 markii la qarxiyay xudunta dawladeena (waa madaxtooyadee) taasoo ay ku nafwaayeen dad badan oo aan waxba galabsan oo ay ka mid yihiin caruur, aqoon yahan masuuliyiin iyo indheer garad intuba.

Dadkaasi may ahayn dad ina dheeraa, may ahayn dad aynu si dhib yar u ilaawi karno, may ahayn dad lagala bakhaylo in la booqdo baroordiiqdooda in laga qayb galo oo dadkoodii ayay niyad jab ku ridaysaa taasi waxaanaan leeyay ilaahay haw naxariisto samir iyo iimaana haynaga siiyo dhamaanteen.

Bal hadaba aynu is waydiino sababta keentay inay u damqan waayaan dadkaa ka maqan umada Reer Somaliland oo dhan nimankii dalka hormuudka ka ahaa ee Baarlamaanada C/laahi Ciro iyo Samaalaha is kululeeya markuu hadlayo iyo Saleebaan Gaal iyo Hogaankii Kulmiye.

Arintani waa mid aanu liqi kari waynay hadaanu nahay Gudida Siyaasada UDUB ee Gadar waana mid aanu u aragnay inay tahay cadaawad qarsoon oo ay isla og yihiin inta aan kor ku sheegayba. Aan ka gudbee, horta baroordiiqdii waxay u dhacday si aad iyo aad u qiimo badan taasoo aan la tabin cid maqan iyo cid dudaysa toona.

Inkastoo uu mar mar sida Bakaylaa Bur ka boodo, hadana waxa isna amaan mudan Faysal Cali Waraabe oo isagu Kaadhkii lagu marti qaaday u arkay inuu yahay mid u wanaagsan dadnimadiisa, xisbinimadiisa iyo isagoo nooga markhaatiya inaanu taraafigu ninka Kaadhka sita celinayn.

Waxa aan hadaba anigu u arkaa in cidii aan ka dhiidhiyin een ka damqan masiibadaa qaran inay yihiin NIMAN MAGTA LA BIXIYA CADAWGA SOMALILAND shacbigana waxaan leeyay idinkaa ka gacansareeya ninka aan idiin nixin een idiin tudhin idinkuna haw tudhina oo codkiina ka ilaaliya sanduuqooda yar. ILAAHAY SOMALILAND HA ILAALIYO OO HA DHAWRO

CADAWGEEDANA KA GUDAHA IYO DABADABA HA INAGA DABRO -  AAMIIN AAMIIN AAMIIN - WASALAAMU CALAYKUM

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA  SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.

E-Mail: muwadin01@hotmail.com

Login