October 30, 2009
Xaflad Balaadhan oo Lagu Xusayay Sanadguuradii Koowaad Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa
Hargeysa - Xus balaadhan oo shalay subax lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Maalintii ay Cadowga Somaliland ay weeraro argagaxiso ku soo qaadeen Meelo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Xarunta UNDP iyo Xafiiska Ganacsi ee ay Dawlada Itoobiya ku leedahay Hargeysa. Xuskan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwada Madaxweynaha, Marwo, Huda Barkhad Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga…..
UCID, Eng, Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenkiisa Mudane, Maxamed Rashiid Sh. Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin Faarax, Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland, Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo Wakiilada iyo marti sharaf kale.
Ka hor intii aan la bilaabin munaasibadaas xuska ah, ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaa Kaahin waxa uu Ubax-dhigay goobtii uu qaraxa madaxtooyadu ku habsaday ee dadka badani ku dhinteen.
Ugu horayn waxaa munaasibadaas baroordiiqda ahayd ka hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo ugu horayn ku bilaabay hadalkiisa oo yidhi “Maanta Marka ugu horaysa kulankani waxa uu ka turjumayaa inaan xusuus u samayno dhacdooyinka qarankeenan ku dhaca oo tani [qaraxii 29-kii October 2008-dii] ahayd tii ugu darnayd. Laakiin waxaa jecelahay dhacdadani waxa ay ahayd mid lala beegsaday Qarannimadeena weliba waqti xasaasi ah oo doorasho aynu ku jirno, oo loogu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, oo ay ugu talo-galeen ilaahay kamuu aqbaline in Somaliland halkaas ku dunto oo lagu kala dhaqaaqo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale.
Madaxweynuhu isaga oo sharaxaad ka bixinaya falalkii argagixisada ahaa ee Somaliland lala beegasaday wakhtiyada kala duwan iyo sidii ay ku bilaabmeen, waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan xusuuso ka bixiyo dhacyooyinkii dalkan ka dhacay ee falalka argagixisada ahaa, laga soo bilaabo 19-kii September 2002-dii falkii budhcadnimada ahaa ee gaadhi Hay’ada UNDP leedahay ee ka dhacay xaafada Guryasamo ee magaalada Haragaysa, markaas ayay inagu bilaabantay argagixisadu. Waxaa ku xigay falkii 5-dii bishii Janaury ee 2003-dii loo gaystay laguna dilay dhakhtaradii Analina ee Talyaaniga ahayd ee ka shaqaynaysa dhakhtarka TB-da ee Boorama. Waxaa ku soo xigay falkii 5-tii bishii koobaad ee 2003-da lagu khaarijiyey macalimiintii lamaanaha ahaa ee Dugsiga Sheekh. Waxaa ku xigay falkii 20-kii bishii tobnaad ee 2003-da budhcadu ka fulisay magaalada Wajaabe ee ay lacagta ku dhaceen.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in bilawgii falalkaas uu ku macneeyey falal argagixiso, “Run ahaantii dhacdootinkaasi markii ay dhacayeen bilawgii ugu horeeyayba anigu waxaan idhi oo aan ku tilmaamay waa falal argagixiso. Falalkaasi markasta waxa ay dhacayeen mar la waday dan Somaliland ah.” Ayuu yidhi Maxaweyne Rayaale.
Madaxweynuhu waxa u ammaan iyo bogaadin u soo jeediyey Ciidamada amaanka, xeer ilaalinta iyo maxkamadaha Somaliland ee suurta-geliyey inay gacanta ku soo dhigaan inta badan dadkii ka dambeeyey falalkaas argagixisada ah ee lala beegsaday goobaha muhiimka ah ee Somaliland.
“Dadka falalkaas fuliyey waxa ay u badnaayeen dad reer Somaliland ah, dad kalena way ku jireen. Waad ogtihiin in qaar inaga mid ahi ay Koonfur ku maqan yihiin, oo falalkii la inugu fuliyey ku-ba tilmaameen qaar xaq ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Waxaana uu sheegay in wakhtigan ay caalamka ka soo if-baxday fidnad wax loogu dhimayo diinta islaamka, isla markaana lagu dhaawacayo diinta Islaamka ee xaniifka, taas oo ka socota dhamaan wadamada islaamka ah.
Waxaana uu tilmaamay sida ugu sahlan ee loola dagaalamayo, “Waxaa inla gudboon inaynu dalalka Islaamka ah kaga dayano sida ay ula dagaalamaan kooxahaas sida Sucuudi Areebiya oo kale.” Waxaana uu intaa raaciyey isaga oo Culimada la hadlayana uu yidhi “Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo weliba Wasaarada Diinta iyo Aw-qaaftu ay hormuud ka noqonayo in fadwo lagaga hadlayo noocan dagaalka cusub ah ee weliba Ummadeena diin la’aanta u horseedaya in la sameeyo.”
Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey dadka waalidiinta ah inay Ubadkooda ilaashaadan, isla markaana ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha la barayo. Waxaa kaloo uu mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inuu qayb-libaax leh ka qaatay daawayntii dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay.
Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu guud ahana u soo jeediyey bulsho-weynta reer Somaliland in meel looga soo wada-jeedo cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana aan xaqiiqada jirta indhaha laga qarsan iyo cid kasta oo ku hawlan falal agagixiso oo wadanka waxyeelaya.
Wasiirka diinta iyo Aw-qaafta ee Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa u duceeyey dadkii shuhadada ahaa ee ku geeriyooday falalkii argagixisada ahaa ee 29-kii October 2008-dii lala beegsaday Madaxtooyada, xarunta ku UNDP iyo xafiiskii ganaciga ee Itoobiya.
Waxasiirku waxa uu sheegay in dadkii falkaas gaystay ee dadka muslimiinta ah dhibaata u gaystay ee laayay inay cadaabta ku waari doonaan, isla markaana aanay Jannada urin doonin.
“Meeshan [Madaxtooyada] ee ay ku soo duuleen dee gurigii ilaahay [masaajid] ayaa inta aad aragtaan u jira, dad islaam ahina way galaan oo aan dambi lagu dilo lahayn, oo sababihii la yidhidhi ku dila, qisaas, dhac iyo wax ay gaysteen iyada oo aan midna jirin, ayaa intas oo Islaam ah halkaas nafta lagaga wada-qaaday.” Ayuu yidhi Wasiir Suufi,
Wasiirku wax uu tilmaamay inaanay meelna diinta Islaamkanka kaga jirin falalka is-qarxinta ah ee lagu laynayo dadka Islaamka ah, isla markaana ay xaaraan tahay in dhiiga qofka beni’aadamka sabab la’aan loo daadiyo.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna munaasibadaas ka hadlay, ayaa u duceeyey dadkii sida arxan-darrada ah loolaayay, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Maanta waxa weeye maalin aynu doonayno inay u murugoono oo aynu u faataxayno dadkii gar-dardarrada ku dhintay maalintan maalinteedii, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dadkaa jannadii fardawsa ka waraabiyo ilayn garacan gar-darro ah ayay ku dhinteene, waxaana aan hubaa inay ahaayeen dad mujaahidiin ah. Waxaan ilaahay ka baryaa in dadkii farlkaas sameeyey in uu sharkooda intaa inoogu eekeeyo oo aanay gacan-dambe inaga soo gaadhin oo ilaahay inaga xijaabo.”
Gudooyuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay soo gaadheen dhibaatooyin badan oo xittaa mar lagu fikiray in la tiriro bulshada reer Somaliland, hasayeeshee uu ilaahay ka badbaadiyey.
Waxaana uu ka dhaajiyey inaanay dadaka reer Somaliland u baahnayn wax dhibaateeya, iyaguna aanay diyaar u hayn inay cid hagardaameeyaan, lakiin ciddii faraha la soo gasha inay iska daafaycayaan oo ay nabad-gelyadooda iyo xasiloonidooda ilaashanayaan.
Waxaa isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey xoghayaha xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, oo hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Hortaybaa la tilmaamay maalintan qiimaha gaarka ah u leh bulsho-weynta reer Somaliland, hortaybaa loo duceeyey kuwii ku shahiiday falkaas argagixisada ah, aniguna intii hore ee hadashay ayaan ducadaas la wadaagaa. Waxaa weeye maalintaasi maalin xusuus aad iyo aad qoto-dheer inaga muddan. Munaafiqiinta soo abaabulay falkaas argagixisada ah ee aynaan hore u arag waa la sheegay maqaamka xun ee ay ku lee yihiin Aakhiro, Ifkana waxaa ka raacay waa magac-xumo, ilaahay ha inga dheerayo qaar ku dayda kuwa noocaas ah.”
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaa la shiishay qarannimadadii Somaliland, waxaa maalintaas la abaaray wadnihii Somaliland [waa Madaxtooyada], waxaa maalintaa la bar-tilmaameedsaday xarunta saaxiibkeenii koobaad ee Afrika [Itoobiya], waxaa la abaaray Hay’adii caalmiga ahayd ee ugu magaca weynayd inay gargaarto ummadan iyo dalkan. Waxaa loo jeeday gurigan [Madaxtooyada] aynu maanta ku sugan-nahay in uu dhulka la sinnaado, waxaa loo jeeday ciddii noolayd, ciddii ka shaqaynaysa iyo ciddii ku gaadha ka haysayba kulligood inay ku leedaan, laakiin ilaahay sidaas kama dhigin.”
Wasiirka Madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale [Xasan Macalin] oo munaasidabaas ka hadlay ayaa, ayaa halkaas ka akhriyey magacyada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii saddexda ahaa ee lala beegsaday Madaxtooyada, xarunta UNDP iyo xafiiskii ganacsiga ee Itoobiya, isaga oo guud ahaan masuuliyiintii iyo dadweynihii kala duwanaa ee xuskaa ka soo qayb-gakay ka codsaday inay dhamaan u duceeyaan dadkaas ku geeriyooday falalkaas aragagixisada ahaa ee Hargaysa lala beegsayda 29-kii Obtober 2008-dii.
Gudoomiyaha Gobolka Maraadi-jeex [Hargaysa] Maxamed Cabdi Daa’uud oo isaguna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey, ayaa guud ahaan dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyey inay meel uga soo wada-jeedaan ilaalinta nabadgelyada, isla markaana inay fiiro-gaar ah u lahaadaan cid kasta oo isku dayaysa inay maleegto dhibaato ka dhan ah nabadgelyada iyo xasiloonida wadanka.
Ugu damabayntii waxaa iyaguna munaasibaad barooriiqda ahayd hadalo isugu jira duco iyo hogo-tusaalayn ku aadan ilaalinta nadabgelyada iyo wada-noolaanshaha dadka ka soo jeediyey Proffesor Siciid oo ku hadlayay afka aqoonyahanka Iyo Amina Nasteexo oo iyaduna metelaysa Haweenka.





