October 30, 2009
Cuqaasha Gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil oo Go’aamo Culus ka Soo Saaray Falalka Kufsiga
Hargeysa (Jam) - Shir muddo afar maalmood ah magaalada Hargeysa uga socday 50 caaqil oo ka kala yimi saddexda gobo lee galbeedka Somaliland Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil oo lagaga hadlayey falalka kufsiga dumarka loo geysto oo kor u sii kacaya, ayaa gebogabadiisii laga soo saaray go’aamo culus oo wax lagaga qabanayo kufsiga. Go’aamadan oo ku wajahan kaalinta madaxdhaqameedku ku leeyahay kiisaska fal-dambiyeedka ka dhanka ah dadka geysta kufsiga, ayaa cuqaashaasi iyagoo dabasocday go’aamo noocan oo kale ah oo ay arrintan ka soo saareen bishii October ee sannadkii 2006-dii, kadib shirweyne ay ku yeesheen huteelka Ambassodor, balse sidii la doonayey u hirgeliwaayey.
Haseyeeshee, waxay kulankan oo ay ku yeesheen huteelka International ku go’aansadeen in aanay cuqaasha iyo madaxdhaqameedka kale gebi ahaanba gelin xallinta danbiyadda kiisaska kufsiga, isla markaana aanay u doodin dambiilayaasha geysta falalkaas, balse loo daayo maxkamadaha iyo sharciga oo la mariyo ciqaab adag.
Go’aamadaas oo cuqaashu ku kala socodsiiyeen hay’adaha garsoorka iyo amniga ee ay khusayso, waxay u qornaayeen sedan:
“Haddii aannu nahay cuqaasha gobollada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Awdal, kadib markii aannu si qoto dheer u eegnay falalka xun ee kufsiga ah ee bulshada ku batay, waxaannu isla qaadanay in;
1. In dhammaan cuqaasha iyo madaxdhaqameedku aanay gelin xallinta dembiyadda kiisaska kufsiga, iyaga oo marnaba aan metelo doonin dembiilayaasha geysta falalkaas ee u dhaafi doona bilayska iyo garsoorka maxkamaduhu inay qaadaan kiisaska noocaas ah, raacana shareecadda si ciqaab loo mutaysiiyo dembiilayaasha, sidoo kalena u soo jeedinaya madaxdhaqameedyada kale ee dalka.
2- Waxaanu ogaysiinaynaa bulshada aanu metelno in cidii ku kacda falalkaas xun xun ee kufsiga aanay marnaba u doodayn kiisaskooda oo aanay cidda dhibanuhu ka soo jeedo aanay kala xaajoon doonin soo deynta iyo saamaxaadda ciqaabta falka dembigaas.
3- Waxa ay cuqaashu ugu baaqayaan in cidii ay ku timaado amma lagua kalco fal-dembiyeedyo kufsi iyo fara xumayn ah inay si diiran ugu gudbiso kiiskooda bilayska iyo garsoorka maxkamadda.
4- In sida ugu dhakhsaha badan lanooga taakuleeyo hirgelinta go’aamadaas, gaar ahaan ha’adaha samofalka, loona baahanyahay in gaadhsiinta go’aanadaas bulshooyinka iyo waalindiinta aanu metelno ee degmooyinka gobollada, islamarkaan aanau kaashano saxaafadda nooc kasta oo ay tahayba, iyadoo guud ahaan bulshadeenu aanay aqoon badan u lahayn baaxadda dembiyadda kufsiga loona baahanyahay wacyigelin ballaadhan oo la sammeeyo.”
Haddaba, koox suxufiyiin ah oo ka kala tirsan hay’adaha warbaahinta dalka ooh ore hay’adda Horn Africa Aid ugu qabatay tababar ku tacaluqa qaabka baahinta wararka falalka kufsiga oo uu weheliyo madaxa hay’addaasi Mr. Maxamuud Abokor, ayaa cuqaashaas xog-waran kala yeeshay sababta waqtigan keentay inay go’aamadan qaataan, sida ugu habboon ee loo fulin karo iyo faa’iidada ay yeelan karaan. Waxaanay qaar ka mid ah cuqaashaas oo suxufiyiintu la kulmeen sheegeen in sababta waqtigan keentay go’aamadan ay soo saareen tahay iyadoo falalka kufsigu aad u bateen oo ay marayaan meel aan laga aamusi karin, isla markaana go’aamo hore 2006-dii ay uga soo saareena la fulinwaayey.
“Waxa la isla gartay in aanay xumaantani ku joogsanayn waxaan sharciga ahayn. Heerka kufsigu marayaa waa mid halis ah oo aafo ku ah diinta, dadka iyo dalkaba, haddii la eegtana nin walba wuu u soo geli doonaa. Waa la arki jiray nin mid ama laba dumar ah kufsada, kaas oo weliba magac la baxa oo calaamad ka yeesha dadka, laakiin may dhici jirin sagaal ama toban nin oo inan wada kufsaday. Sidaa daraadeed markaanu dhaqankaas foosha-xun ee diinta ka soo horjeeda in go’aankii hore madaxdhaqameedku uga gaadheen la xoojiyo, lana dhaqaajiyo.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Cabdi-weli Jaamac Cabdi oo ku hadlayey afka cuqaashaas.
Caaqil Cabdi-weli oo ka hadlayey sababta go’aankan ay u qaateen iyo sida ay u fulinayaan, waxa uu yidhi; “Waxaannu go’aankan u gaadhnay in aannu arrintaa meel adag iska taagno oo la ciqaabo ciddii samaysa kufsiga, sharcigana loo gudbiyo oo dhaqankii aanu ku xallin jirnay faraha ka qaadno. Taasna waxa sabab u ah markii falalkii kufsigu kordheen ee ay joogsanwaayeen ee kii shalay sameeyey maantana samaynayo. Annagu ninka caaqilka ah ee ka dabataga isagoo damiin ama inuu soo furfuro uga dabataga nin gabadh xumeeyey wax baanu meel ka dhiganay.”
Source: Jamhuuriya Online
