October 29, 2009

Wasiiradda Madaxtooyadda Diinta iyo Awqaafta iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID khudbadihii ay ka jeediyeen Baroor diiqdii Sanadguuradii 1aad Ee Qaraxyadii Hargeysa

xuska-october-29-small Hargeysa (Harowo Desk) - Munaasibad Xus Baroor Diiq ah loogu samaynayay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii 29/10/08-da lagu dilay, qaraxyadii lagu weeraray Madaxtooyadda, Hay’adda UNDP iyo xafiiska ganacsiga ethiopia ku leedahay Somaliland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland. Xuska Baroor diiqda qaraxyadii Hargeysa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne Ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwadda Madaxweynaha Hudda Barkhad Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiiro tira badan, xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka, aqoonyahano, culimaa’udiin, haween iyo marti sharaf aad u tira badan waxaana halkaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan.

Halkan ka dhegeyso khubadihii xafladda

Login