October 29, 2009
Mudane Daahir Rayaale Kaahin Waa Silsilada Isku Haysa Somaliland
Tan iy intii ay Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda ee lagaga dhawaaqay magalada Burco ee gobalka Togdheer. Waxaa jiray kala shaki ku dhex jiray beelaha wada daga Somaliland maadam ay jirtay colaado udhaxeeyay, dadka badankiisuna waxay ahaayeen qaar aan ku qanacsayn sida ay maamuladii markaa Somaliland kajiray ay wax u wadaan, oo ayba u arkayeen inay u xaglinayaan qabiil gaara. kala shakigii u dhaxeeyay qabiilada ayaa sababay inuu dhaco dagaal sokeeye oo uu dhiig badani kudaatay 1994.
Hogaamiyayaal caana oo hada kujira xisbiyada mucaaridka ayaa ahaa kuwii huriyay colaadaas oo kutilmaamay qabaailadii saluug sanaa maamulkii markaa jiray qaar qaran dumis ah, oo ay tahay in lala dagaalamo sidaana kushar ciyaystay inay dhiigbadan daadiyaan.
Dadaal badan kadib 1996 ayaa dibu heshiisiin ay inta badan kasoo shaqeeyeen beesha dagta gobolka awdal ay kadhacday dalka taasoo soo afjartay dagaalkii sokeeyee ee Somaliland.
1997 ayaa shirbeeleed lagu qabtay magaalada hargaysa kaasoo lagu soo doortay marlabaad ina Cigaal halka madax weyne kuxigeena loogu soo doortay mudane daahir riyaale kaahin oo aan markaa si fiican ugu jirin saxada siyaasda ee soomaliland, balse ahaa dadkii wax garadka ahaa ee kasoo jeeday gobolka awdal ee sida wayn uga soo shaqeeyay damintii dagalka sokeeye.
Cigaal waxaa ka horyimi mucaradad ka duwan tii hore oo taageero kahelaysa qabaailo isaga markii hore taageersanaa oo u arkay ina cigaal nin gudi kari waayay abaalkii ay ugaleen, mucaaradada cusub oo uu hogaaminayay saleebaan gaal ayaa kadhigay maamulkii ina cigaal mid fadhiid ah oo awoodi waaya in uu dalka u hogaamiyo jiho sax ah dalkuna uu galay heer laga baqo inuu mar labaad daaal sokeeye dhaco.
2002 ayuu geeriyooday alaha unaxariistee Maxamed X. I. Cigaal, waxaan madax weyne loo doortay mudane daahir riyaale kaahin.
Mudani Daahir Rayaale kaahin, wuxuu ku guulaysta mudo yar kadib inuu dajiyo xaaladii taagnayd markaa ee ahyd mindi mindi ku taag. Wuxuu sooceliyay rajadii ay dadku kaqabeen nabada, si uu taa ugu xaqiijiyo dadka waxa uu kudhawaaqay doorasho guud oo udhacda si xor iyo xalaal ah, isagoo meel fagaara ah kasheegay inaanu ogolayn inuu kursiga kufadhiyo si aan sharci ahayn taasoo sababtay in dadku boqlkiiba boqol ay codkooda siiyeen, waxa dimiqraadiyadaa iyo horumarkaas uu dalka gaadhsiiyay mudane daahir riyaale kaahin ay ucuntami wayday kuwii hore uriday dagaalkii sokeeye ee maantan ku ururay xisbiga kulmiye.
Xisbiga Kulmiye oo adeegsanaya koox qab qablayaala oo ay kamid yihiin muuse biixi iyo abiib timacad ayaa ah caqabad ugu wayn ee kahor iman karta nabada iyo dimuqraadiyada somaliland. hamigooda ugu wayn ayaa wuxu yahay inay maamulka dalka la wareegaan si ay fursad ugu helaan inay dhiig dambe daadiyaa.
Maaha niman qarsada inay colaad ka dhex huriyaan dadka walaalah ah ee wada degan somaliland iyaga ayaa ah maskaxdii kadambaysay dadkii aan waxba galabsan ee lagu layay jidka isku xidha boorama iyo hargaysa, iyagoo adeegsanaya dad wax magarto ah, iyaga ayaa ah kuwa hurinaya ee ay u dagi laadahay arinta ceel bardaale, heshiis kasta oo ay dawladu dhex dhigto labada beelood ee walaalaha ahna iyaga ayaa ah kuwa badhi fura iyagoo adeegsanaya kuwo isku sheega wadaado oo uu kamid yahay aadan siro iyo kuwa lamid ah.
Madaxweyne daahir riyaale oo ah silsilada isku haysa somaliland waxa kuwaajiba inaanu u ogolaan dalku inuu kudhaco gacmo khaldan oo sabab unoqda burburka Somaliland.
WABILAAHI TAWFIIQ
Ibrahim Fagdhe
Email: buur_4@hotmail.com
