October 29, 2009

Maxaa Lagu Gartaa Daalibaanka Diinta “Al-shabaab iyo Xisbul-islaam?”

Inkastoo uu is qariyo qof ka tirsan ururada Daallibaanka diinta ee maanta ka jira Geeska Afrika haddana waxaa jira calaamado u khaas ah oo lagu garto.  Calaamadahaasi waa kuwo aanu iska suulin karin oo uu  umadda kale kaga soocanyahay.   Qofka raba inuu garto Qof Daallibaan diimeed ah oo is qaranaya wuxuu ku garan karaa calaamadaaha soo socda:

Waa inuu dad iyo dowladnimo necbaadaa.

Waa inuu shiikh sheegtaa isagoon xaraf aqoon.

Waa inaanu masaajidda iyo hanuuninaha “meelaha lagu shiro” kala aqoon.

Waa inuu siyaasad ka hadlaa isagoo is moodaya inuu diin ka hadlayo..

Waa inuu xeyraan iyo xanaaqi ahaadaa.

Waa inuu maal iyo madaxnimo jeclaadaan.

Waa inuu guure iyo galab carrow badnaadaa..

Waa inuu caro iyo ciil ku raagaa.

Aadamaha dhamaantii waa inuu olol ku tuuraa.

Waa inuu kharbud iyo khilaaf jeclaadaaye.

Waa inuu muran iyo muxaadaro badnaadaa.

Daalibaan diineedku wuxuu kaloo caan ku yahay inuu jecelyahay inuu ka dhex muuqdo koox kasta oo jirta, mid diineed, mid ganacsi, mid maamul, iyo mid qabiilba.   Qofka noocaas ku sifoobaa wuxuu dadka ugu necebyahay qofkii magac iyo muunad ku dhex yeesha ummadda.  Ma xurmeeyo wanaag iyo is jacaylka umaddaha ka dhexeeya ee wuxuuna jecelyahay  inuu kala firdhiyo si uu baadi uga helo.

Daalibaan diineedku waa qof xukun jecel oo hadduu maanta masaajid ku tukado wuxuu jecelyahay inuu isla maantaba furaha kala wareego Iimaamka masaajidka oo haddii aad aragto masaajid muran ka ooganyahay Daalibaan ayaa qeyb ka aha murankaas.

Ugu dembeyntii lama soo koobi karo calaamadaha Qofka uu cuddurkaasi haleelo,  laakiin si sahlan ayaa looga soo dhex sooci karaa bulshada waayo waa qof howl iyo halgan dheeraad ah ku jira.

Naaleeye Nuur

Email: Naaleeye111@hotmail.com

Login