October 29, 2009
Khudbadii Madaxweyne Rayaale Ka Jeediyay Xuska Sanadguuradii 1aad ee Qaraxyadii Hargeysa
Hargeysa (Harowo Desk) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad dheer maanta ka jeediyay munaasibad loo qabtay baroor diiqda dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii kal hore maanta maalinteedi lala beegsaday goobo ku yaal magaalada Hargeya, gaar ahaan Madaxtooyada. Laanta qaramadda midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP iyo xafiiska ganacsiga Ethiopia.
Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisaa kaga waramay ujeedooyinka argagixisadu ka damacsan tahay weeraradii ay Somaliland ku qaaday, wakhtiyada lagu soo beegay iyo sida ay shacbiga fikradooda u gashanayaan. Waxa uu ku baaqay in wada jir lagaga hor tago, oo fikir lagu wajaho, waxa uu mahadnaq u diray dawladihii Somaliland is garab taagay halka uu beesha caalamkana fariin cad oo ah in Somaliland ay wax la qabtaan u diray.
