October 29, 2009
Hadaad Sida Caruurta U Cabsaneyso, Ha La Ciyaarin Raga Kaa Caqliga Badan!!!
Dhawaan waxaa websiteka Bakhtipress lagu soo daabacey qoraalo aflagaado ah, kuwaasi oo lagu caayayo shakhsiyaad madax ah oo xil masuuliyadeed u haya umad dhan oo aamintey. Waxaa kale oo la soo galiyey sawiro aan shakhsiyaadkii iska lahaa wax ogolaanshiyo ah aan la weydiisan in websiteka lagu soo dhajiyo, taasi waxey keentey in muwaadiniintaas bilaashka iyo macna darada lagu caayey, isla markaasna meel lagaga dhacey sharaftii ilaahey siiyey sawirkiisiina qoraal aanu ka raali aheyn lagu kor dhajiyey.
Wuxuu isu dayey in uu la xidhiidho imada yar ee ciyaala suuqnimada iyo waalid caasinimada lagu soo anqariyey, hase yeeshee emailka ay isticmaalaan ee ay yidhaahdeen nagala soo xidhiidha waa mid bug ah, oo aan baxey sidaas darteed muwaadinkii wuxuu adeegsadey warbaahinta caalamiga wuxuuna digniin culus u jeediyey imada yar yar ee websiteka Bakhtipress wax ku soo qor qora mudo 24 saacadood ah ayuu u qabtey in hadii ay qoraalkaas iyo sawirkiisa ka saari waayaan cuna qabateyn dhinaca qoraalka ah uu saari doono, doqontii beenta daabici jirtey iyada oo nafteedii u cabsi qabtea ayey qoraalkii iyo sawirkii tir tirtey, oo ay websitekii si deg deg ah uuga saartey!
Hadaba waxaa isweydiin mudan hadiiba aad sidan u cabsaneysid, maxaa markii hore kugu kalifey in aad soo daabacdo war been ah?
Bakhtipress waa website ay sameysteen ashkhaas ay raganimadoodu liidato, oo raba in ay bulshada reer Awdal isu diraan, kuwaasi oo mar kasta qora qoraalo been ah oo aflagaado u badan, ragaasi oo hebel iyo hebel loo garanayo, laakiin iyagu waxey isu haystaan in aan la fahmeyn. Maaha rag yar yar balse garaadka ayey ka yar yar yihiin. Ma laha xiniin ay ugu soo badheedhaan qofka ay jiritaankiisa ka soo hor jeedaan. Ma laha raganimo ay si cad oo qayaxan ula hadlaan qofka ay wax ka tabanayaan. Aqoon uma laha isticmaalka aalada internetka, sidoo kale anshaxa warbaahinta wey ka indho laayihiin heerka aqoontoodu ma dhaafsiisana copy and paste oo kaliya.
Tusaale ahaan oo kale wiilka ka cawdey in ay sawirkiisa meesha ka saaraan wuxuu heerka aqoon ay sheeganayaan in ay lee yihiin ku kalifey in xitaa qoraalkii ay meesha ka saaraan. Hadaba raga sawirkii iyo qoraalkii kala saari kari waayey aqoonta ay warbaahinta u leeyihiin maxey tahay?
Bulshada reer Awdal waa ay dareensan yihiin websiteyada wax tarka leh ee uu ugu horeeyo Harowo.com iyo kuwa kale ee waxyeelada xumaanta ah wada wey ka dharagsan yihiin. Websiteyada uu ugu horeeyo dhinaca xumaanta websiteka Bakhtipress, oo ah aabaha faafiya beenta, xanta, cuqdada isu dirka, kala jabinta beelaha walaalaha ah ee samaroon, borobogaandaha, isir naceybka iwm.
Dhowrka nin ee qoraalada cayda ah ku feegara Bakhtipress iyo Silicpress maaha rag lagu tilmaami karo in ay maskaxda ka caafimaad qabaan, qoraal kasta oo lagu daabaco labadaa waabeysite qofka akhriyaa wuu garan karaa in ay qoreen dad ay maskaxda wax uuga dhiman yihiin, waxooguna kuma fadhiyo mabda’ iyo caqiido dhab ah. Daan daansiga iyo dacaayadu hadba halka ay ula badatey u dulaamayaan, mana adkeysan karaan marka runta loo sheego. Marka loo hanjabana madaxey hoos u dhigaan. Geesinimadu waxey ku jirtaa “ama afeef hore lahow ama adkeysi dambe lahow”. Beenta ay marna qorayaan marna masaxayaan waxaa kaaga markhaati ah qoraalkii ay ugu magac dareen:
CALI XAAMUD JIBRIIL OO UGU FADALO CAD CAD DADKA CARABKA LAGU HAYO LOONA BADINAYO INAY GUURTIDU U MAGACOWDO XUBNAHA CUSUB EE KOMISHANKA.
Sida aan aaminsanahay labada website ee ku magac dheer Bakhtipress iyo Silicpress waa masiibooyin siyaasi nasakhan iyo professor isu sheeg nadal ah u sameeyeen in ay ku kala jabiyaan midnimada Samaroon. La mood noqonse weydey taas baa ka dambeyn doonta. Qoraaladayada arkaay i qariyaay baa ka dambeyn doonta, sidii horeba loo sheegey ciyaarina waa galin dambe.
Hadalada, been abuurka ah ee ay mar walbe soo qorayaana wax ka soo qaad ma leh, fool xumada ay faraha kula jiraan maalin aan maanta aheyn bey garan doonaan guul darada ay u keento. Dhibaatada ay wadaana waxa weeyi wax cawaaqib xumo ku noqon kara ubadka ay dhalaan.
Isku soo wada duuboo waxaan inamadaa caqligoodu hoos u fikirayo leenahay, hadaad sida caruurta u cabsaneysaan maxaad u daan daansateen rag aynaad ka gar baxi karin?
Cabdi Xasan.
Email: cabdinuur73@hotmail..com
