October 29, 2009
Aadan Muxumed Ibraahim (Shine ), oo Ka Faaliya Xidigaha, oo Ka Hadalay Mustaqbalka Somaliland, Jabuuti iyo Somalila.
Boorama (Harowo) – Adeegsiga xiddigaha iyo faalku waxay ka mid ah yihiin waxyaalaha ay aaminsanyihiin malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha dunida, iyagoo inta badan adeegsiga xiddigaha iyo faalkaba u haysta ainay yihiin kuwa laga sii saadaaliyo waxyaalao dhici doona shar iyo khayr midkay doonaanba ha ahaadaane. Inkasta oo culimada islaamku arrimahan ku sheegaan inay yihiin shirki, balse weli waxay ka amid yihiin nolosha iyo dhaqanka dad badan oo dunida ku nooli ku aaminaan mustaqbalkoodu wax uu noqon doono.
Sidoo kale ayaa madaxda caalamka qaarkood, gaar ahaanna afrikaanka iyo dalalka aasiyaba aaminsanyihiin in adeegsiga xiddigaha iyo faalku yihiin wax jira, oo an la’aantaood tallaabo la qaadi Karin, isla markaana laga saadaaliyo daacadnimada iyo cadawtinnimada siyaasadeed ee u hayaan taliyayaasha ciidamada iyo masuulyiinta dawladdaasi, xisaabtaas oo marmarka qaarkood dhalisa in madaxda dalkaasi dawladaahooda ku sameeyaan isbedello ama isku shaandhayn ay u sheegeen xiddigyahanadu iyo faaliyayaasha ay aamainsanyihiin inaysan been ka sheegayan waxay ka arkaan xiddigaha iyo faalka, marmarka qaarkoodna faalkaasi ku kellifo inay madaxdaasi laayaan masuulyiin an waxba galabsan.
Haddaba dalkii la odhan jira soomaaliya, ayaa sidoo kale waxa jiray, ilaa imikana jira dad xiddigaha ka saadaaliya wax soo socda ,iyo sida ay saamanta ugu yeelan doonaan nolosha wakhtigaasi. Soomaaliland ayaan iyadu ka madhnayan dadka wax ka saadaaliya xidddigaha iyo faalka ,kuwaasoo u badan beelaha degaanka Galbeedka soomaaliland iyo selel ,inkastoo la sheego in gobolada kakena aya jiraan dad arrimahaasi aqoon u leh, balse ay aad u yaryihiin.
Degaanada galbeedka Soomaaliland gaar ahaanna gobolada Awdal iyo Selel, ayaa inta badan dadka ku nooli si weyn u rumaysanyihiin waxyaalaha ay ka arkaan cilmiga ama aqoonta ay u leeyihiin xiddigaha iyo faalka, kuwaas oo qaarkood si cad u sheegaan natiijada xisaatooda, halka kuwa kalena ay qariyaan.
Magaalada Boorama kana mid ah gobolada Soomaalilamnd ee ku badanyihiin dadka aaminsanyihiin xisaabaha xiddigaha iyo faalku sheegaan, ayaa inta badana ku sheekaysata waxyaalo laga arkay ama lagasoo xigtay xiddgiyanada aqoonta u leh saadaalaha khayrka, abaaraha ,dagaalada, colaadda burburka, horumarka iyo barwaaqada, caafimaadka iyo xanuunka dadka, iyagoao inta badan ku dabbaqa xisaabo aya iskun geegeeyaan oo ay natiijo kazoo saaraan.
Haddaba, dadka arrimaha xiddigaha lagu xanto ama lagaga sheekaysto Boorama, ayaa waxa ka amid ah nin la ayidhaa Aadan Muxumed Ibraahim (Shine ), inta badanna lagu xusuusto saadaal xiddigeed uu u sheegay hoggaamiyihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, oo dhawr iyo labaatan sano ku dhawaad ka hor booqasho kusoo maray degaanno ka mid ah G/awdal iyo gobolkii la odhan jiray woqooyiga Galbeed ee Soomaaliland.
Wakhtigaa oo uu xiddigihankani ka tirsanaa ciidamadii dawladdii Siyaad Barre ee ku sugnaa jiidaha Xaliimaale iyo xeebaha galbeed, ayaa laga sheekeeyaa waxyaalihii uu u sheegay Siyaad Barre eek u saabsanaa xukuumaddiisii sii dhacaysay, sideetamaadkii, isagoo xiddigiyahankanai Siyaad Barre u sheegay in dawladdiisu xanauun sanayso, isagana soomaaliya lagu soo celin doono Isagoo hurda (Maxamed Siyaad). Taafaasiisha ereyadaasi, cidi si wanaagsan u may garan, laakiin aakhirataankii sidii Siyaad Barre loogu soo celiyey dalka waa la yaqaannay.

Xidigyahan Aadan Muxumed Ibraahim (Shine )
Haddaba, dhawaanta oo uu xiddigiyahankani soo galay sheekadaasi mar kale, ayaa lagusoo daraya Soomaaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Inkastoo an Aadan Muxumed Ibraahim ku arkay Boorama sawirna ay ka qaaday, isagoo wakhtigaasi ama sannad iyo badh ka hor ka hadlayey arrimo ku saabsanaa beesha uu kasoo jeedo, ayaa laga soo xigtay in Soomaaliland ay sugayso midhaha kasoo baxa hadhuudh ay beertay, oo an weli bislaan, hase yeeshee hadhuudhkaasi uu ka baxayo meel u dhaxaysa laba quwadood, ayna dhiuci karto in midkood cagta mariyo hadhuudhkaasi.
Dhinaca Jabuuti, waxa uu xiddgiyahankaasi ka sheegaybaa la yidhi, inay sii socon doonaan horumarka dawladdaasi samaynayso, balse si qorshaheedaasi u sii socdo looga baahanyahay inay gacanta ku dhigto, oo ay xanaaneeyaan wiil yar oo toddoba jir ah, oo diinta aad u yaqaanna, quraankana korka ka haya, oo an magaalo iyo miyi midkoodna ku dhalan.
Dhinaca Soomaaliya, waxa xiddigiyahankaasi lagasoo xigtay inuu sheegay in Soomaaliya wax noqon karto oo keliya marka ay talada dalkaasi uu soo dhex galo nin loo malaynayo, balse an la hubin inuu ku dhashay dalalka debedda ama dalka UK, oo af ingiriisiga aad u yaqaanna, daaa’diisuna Anay ka badnayn 25 jir, marka kaa gacanta lagu dhigo, ayaa laga yaabaa inay Soomaaliya adkaato, ama wax noqoto ayaa laga sheegay, balse intaa ka horreysa ay sii socon doonaan dagaalada iyo qalalaasaha ka taagan dhulkaasi.
Inkastoo an isku dayay inaan odagygaasi,oo dhawr iyo konton jir lagu qiyaaso, wax ka weydiiyo arrimahan laga sheegeyo, hase yeeshee iima suurtagelin maadaama xiddigiyahankaasi yahay nin an inta badan dadka la hadal, kuna noolyahay sida la ii sheegay meel ka baxsan magaalada.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somaliland
