October 28, 2009

Xaflad Madaxweyne Rayaale, Ku xigeenkiisa iyo Labadda Gud, Xisbi Mucaarid ka Qayb Galeen oo Lagu Dhaariyay Komishanka Cusub.

dhaartii-komishanka-small Hargeysa (Harowo Desk) - Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loogu hor dhaariyay Madaxweynaha Somaliland iyo labadda Gudoomiye Xisbi mucaarid oo komishankan cusub uga kala gar naqi doono doorashadda Madaxtooyadda ee la filayo in laga qabto Somaliland. Xaflad balaadhan oo dhaarinta xubnahan lagu maamuusayo ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha qaranka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Maxamed Ismaaciil Oomane ayaa isagu mid mid todobadda xubnood ugu dhaariyay kitaabka Qur’aanka kariinka, ka dibna waxa halkaa hadalo dardaaran iyo hoga tusaalayn isugu jira ka jeediyay Madaxweynaha iyo labadda gudoomiye xisbi mucaarid.

Ugu horayn Madaxweyne Rayaale oo hadalka ku horeeyay ayaa xubnahan cusub ee komishanka ku booriyay inay ahaadaan kuwo isku duuban oo wada shaqayn yeesha, waxaanu ugu duceeyay in arintu u fududaato, “Xafladan waxaan u sameeyay si aanu goob joog uga noqono dhaarta Komishanka oo ay labadda oday (Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe isagoo u jeeda) taasi aanu sidii hore uga yara xoojino.horta waxaan idiin rajaynayaa shaqo weyn ayaa halkan idiin taalla,kalsooni baan idin siinaynaayee shaqada idiin taala wada shaqayn wadareed ayaad kaga baxaysaan (Team work) baad kaga baxaysaan waxaan idinku dardaarmayaa inaad wadar ku shaqaysaan Anaguna duco ayaanu idiinku daraynaa inuu Illaahay hawshaas idin hortaala ha idiin fududeeyo.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna hadal kooban madashaa ka jeediyay ayaa xubnaha komishanka ee cusub ugu hambalyeeyay dhamaystirka hawshooda, waxaanu ku booriyay inay ku dhaqmaan dhaarta, kalsoonina la isa siiyo, oo ay u xaq sooraan musharaxiinta ay u garsoorayaan, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa.

“Waanu idiin hambalyaynaynaa oo idiin ducaynaynaa, dhaartaas aad qaadeena inaad fulisaan ayaan idiin rajaynayaa. Xilka maanta la idin saaray waa xil weyn oo qaran. Anaguna kalsooni weyn ayaanu idin siinaynaa oo idinku qabnaa waxaan Illaahay inooga rajaynayaa inuu gidigeenba hawsha inoo fududeeyo, waynu ognahayoo dareeno badan baa jira waynu ognahay wixii ina soo maray. Hawshaasi kaga baxa wada jirkiina iyo dhaartaas aad ku dhaarateen. Waxaan Illaahay ka baryayaa inaanaan faro gelin badan idinku samaynin. Xilka la idinka sugayaa waa mid aad iyo aad u culus. Waxaaanu jecel nahay haddii aanu nahay madaxdii xisbiyada iyo  murashaxiintii aad u xaqsoorayseen in si siman oo aanaan idinla kala fiqin oo cadaalad ah aad hawshaasi uga soo bixi doontaan.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa kula dardaarmay inay gudoomiye ka dhigtaan qof u qalma, si taasi sawirkooda u wanaajiso, maadama wax walba sida lagu bilaabo uu ku dhamaado, waxaanu isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi “Illaahay waxaan idiinka baryayaa inuu xilka idinku asturo, arrintan la idiin dhiibay waa arrin weyn qofka gudoomiyaha aad iska dhex dooran doontaan uu ku soo bixi doono qof khayr lihi. Waxaan jeclahay inaad halkaas ka wadi doontaan oo aad doorashooyin xor iyo xalaal ah qaban doontaan. Waxa la eegayaa bilowgiina waxa aad ku bilowdaan oo aad madax fiican doorataan oo aad tidhaahdaan yaa inoogu fiican oo u qalma oo isku hayn kara dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.” Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga UCID.

dhaartii-komishanka-1

Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatadii qaraxyadii somaliland lala beegsaday sanadkii hore oo maalinta bari ah sanad guuradeedi ku beegan tahay iyo sida somaliland cadow badan u leedahay waxaana hadaladiisi ka mid ahaa, “Barrito waa 29-kii October waa maalintii aad ogaydeen wixii la inagu soo qaaday, waa inaynu shacbi weyne iyo xukuumad ahaanba wada jir u xusnaa oo dadkeenii xusuusanaa,kuwa hadda inoo soo hanjabayana waa inaynu u sheegnaa inaanu muranka dhexdeena aanay micnaheedu ahayn waanu kala jeednaa. Waxaanu diyaar u nahay  oo hal ujeedo oo qudha aanu leenahay waa inaynu dadkeena u sheegnaa inaynu feejignaano, oo meel qudha haddii xabadi ka dhacdo Anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu u soo baxayno.  Cadowgeenu wuu firfircoon yahay waynu ka adkaan doonaa, haddii sidan imika aynu ku shaqaynayno wada tashano,Madaxweynaha Somaliland doorkii dhawayd (xafladii heshiiskii axsaabta) ayaan sheegayoo wuu duceeyay, waxaanu jecel nahay in sidaasi aynu u wada shaqayn doono.”

Guud ahaan jawiga munaasibadii maanta ee lagu dhaarinayay komishanka cusub ayaa ahayd mid degan oo aan wax turxaan ah lahay, taas oo meesha ka saaraysa, duruufihii shaki ee dad badani ka qabeen in aanay xaflad noocan oo kale ahii u dhici doonin dhaarinta komishanka, waxa kale oo muuqaalka madasha maanta lagu dhaariyay xubnaha cusub ee komiishanka doorashooyinku aad ugu duwanayd tii lagu dhaariyay komishankii ka horeeyay oo muran ka dhashay.

Dhaarinta komishanku waxa ay soo gabagabaysay bedelaada komishankii hore waxanay bilow u noqonaysaa hirgalinta qabsoomid doorasho, iyadoo talaabadda xigta ee hor taala noqonayso la wareegista xilka, doorashadda gudoomiye iyo ku xigeen, iyo dhaqaajinta hawlaha cul culus ee hor yaala, taas oo dad badani rajaynayaan in komishankani arimo badan oo ay ku dhaqaaqayaan u eegaan hab ka badan qaabkii komishankii hore ku fashilmay.

dhaartii-komishanka-2

dhaartii-komishanka-3

dhaartii-komishanka-4

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login