October 28, 2009
OGAYSSIN: DADKAN QABA CUDURKA JUUDAANKU WAA MASIIBO QARAN EE YAYNAAN DHAYALSAN.
WAXAAN KU HORAYNAYAA BOOLISKA SL OO AAN USOO JEEDINAYO INAANAY QAFKA CUDURKAN JUUDAANKU HAYO AAYAR JEEL UGU TUURIN AMA U MASTAAFURIN LAAKIIN QOFKAN U SADHADHAYSAN JUUDAANKA HALAGA QAADO SAWIR SHABAKADUU SHAACIYAAN SI HADII UU FAKADO LOO GARTO. HADII KALE SIDEE LAGU GARANAYAA QOFKII OO KU AGMARAYA!!!!!!!!!!!!!!!???? BARYO HORE AYAAN MAQLAY JUUDAN DAD QABA MAANTANA WAAN MAQLAYAA WAXAAD MOODAABA IN DADKAN QABA CUDURKAN JUUDAANKU INAY INAGU SOO XAGAA BAXAAN!
Waa masiibo qaran cudurkan ay sidaan dadka laajiga ahi waana mid keenaya in bini aadmigu cuno dhigiisa bini aadmi kale. Hadaynaan iminka heer qaran u gurman sidii loo dabar goyn lahaa JUUDANKAN DADKA QABA loogana xakamayn lahaa waynu naas naasin. Cid reer Somaliland ah oo arintani aanay jacay kuridini ma jirto laakiin wax ka qabadkeedii ayaa la rabaa YAABKU XAL MA NOQONAYO.
Waxa ogaatan JUUDANKANI waa balaayo qariib inagu ah oo aad inooga saayid calaynaysa inaynu xal u helno wakhti dambe sidaa la’ajligeed iminka Booliska iyo Xukumad iyo shacab iyo dhamaan hayadaha daneeya ka hortaga aafada bulshadu wada jir hawgu dhaqaaqaan inay ka hawl galaan arintan si heer qaran,gobol, iyo dagmaba ah.
Caafimaadka,Fayo Qabka iyo Amnigaba ilaahay ayaa haya ILAAHAY hayna ilaaliyo AAMIIN, inagana sababtii ayaa laynaga rabaa ha moogaanina arintani waa mid midaynaysa Mucaarid,Muxaafidba,iyo chaciba meelkasta oo ay joogaan si ay dalkooda iyo dadkoodaba uga badbaadiyaan dhacdadan qariibka ah. Waxaan kaga baxayaa ilaahay ha shaafiyo ilmahaa yar ee dhaawucu kazoo gaadhay Ninkaa sadhaysan. AAMIIN.
SANWAA CUMAR YARE - GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB - QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
