October 28, 2009
Sannad Guuradii Labaad ee Ka Soo Wareegta Geeridii Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik
Dalkasta oo dunida ka mid ahi ama umadkastaa oo ku nool dunida guudkeeda waxa ay xusaan dad yagii u soo halgamay ama noloshooda Wax ku soo kordhiyay, sida halgan, horumar dhinaca bulshada iyo dhinaca siyaasadda. Waxa kale oo dunidu taariikhda ku dhigtaa shaqsiyaadkii sida calanka sameeyay. Haddaba anigoo eegaya Bulshada reer Somaliland, sida ay u xusaan shaqsiyaadka dalka iyo dadka qiimaha weyn ku lahaa. Tan iyo markii uu geeriyooday Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik waxaa ka soo weergtay 2 sanno, taasi oo ku beegan 30/10/2009 ka. Haddaba tan iyo markii uu geeriyooday Marxuum Muraad marna lama xusun, taasi oo macnaheedu noqon karo in la iskaba ilaabay, waayo maalin kasta waxa magaalada Hargeysa ama Gobolada dalka laga xusaa shaqsiyaad qiimo badan ku lahaa dalka.
Haddaba Marxuum Muraad oo ahaa ruux taariikh balaadhan leh sidoo kalena aa nin ILLAAHAY siiyay “Hibo” u gaara oo uu ku muujiyo dareenkiisa qofeed iyo cabirka waayaha umaddiisu ku sugan tahay iyo waxyaabaha Dunida ka taagan Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik Wuxuu ahaa nin Bashaashi ah, oo fur furan dadka badankiisu ay si aad ah u yaqaanaan Marxuumku wuxuu ahaa Farshaxan, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii Hindisay Calanka Somaliland iyo qaar ka mid ah Astaamaha Qaranka.
Waxa kale oo uu Marxuumku uu ahaa shaqsi aad u wadani ah oo ay ku dheer tahay dhulkiisa hooyo, taasi waxa aan ku caynayaa run ahaanti anigu waxa aan la soo shaqeeyay 1 sanno, oo aan u ahaa xoghayn waxaana aan hadaladiisii aan ka xasuustaa mar aan waydiiyay wax ka keenay dalka Canada, waxaanu iigu jawaabay “dalkayga waxaan ka maqnaan in mudo ah waxaana ku noolaa dalalka Sucuudiga iyo Canada, balse intii aan ku noolaa waxaan dareemayay dhulkaygii hooyo”.
Haddaba dawladda Somaliland marnaba ma ay xusin Marxuum Muraad Cabdale Mubaarig, taasi oo macneheedu noqonaayo in la iskaba ilaabay, waayo wakhtigii ugu dabaysay ee uu geeriyooday Marxuumku waxa uu gacanta ku hayay shaqo Qaran.
Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik waxa uu mudan yahay in loo sameeyo Taalooyin, lana xuso sannad kasta, laguna daro Manhajka taariikhta Somaliland si ay u ogaadaan Jiilasha soo socdaa shaqsigii Calanka ay hoos joogaan sameeyay waxa uu ahaa iyo halgankii uu u galay samaynta Calanka ay hadhsanayaan maanta.
Dhanaca kale waxaan Goboka Awdal u soo jeedinayaa eed weyn, waayo waa halka uu Marxuumku uu ka soo jeeday,balse wax xus ah oo ay ilaa maanta ay u sameeyeen ma jito. Haddaba akhriste waxaan jeclaystay in aan maanta dib aan idiin xusuusiyo taariikh Nololeedkii Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik.
“Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak wuxuu ka soo jeeday Caa’ilad Cariiq “Qoys Ballaadhan” oo Magaalada “Zaylac” qadarin weyn ku lahayd, dhinaca baayac-mushtarigana can ku ahayd. Markii dambe Magaalada “Borama” ayey u soo guureen halkaa soo uu Marxuumku ku dhashay 1950, Malacaamadii iyo Dugsigii Hoose-ba “Borama” ayuu ku dhigtay, balse wuxuu ku dhammaystay Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna ka baxay Dugsiga “Biyo Dhacay” Marxuumku wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo Farshaxan “Arts” ka xeeldheer, Hibadaasoo Caa’iladooda “Qoys” badankooda ILLAAHAY ku mannaystay.
Marxuuum Muraad wuxuu waxbarasho ku tegey dalalka ay ka mid yihiin “Talyaaniga” iyo dalka “Jarmalka”, Marxuumku wuxuu mudde ka shaqaynaayay dalkii la odhan jiray “Jamhuuriyadda Soomaaliya” wuxuuna ku caambaxay hawlo badan oo uu qabtay, sida samaynta “Tigidhada” iyo “Karakaaterada” ama loo yaqaano Kartooniska ay Saxaafadu isticmaasho.
Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waxaa tiroba laba jeer loo taxaabay Jeelka, ka dib markuu Taliskii “Siyaad Barre”ka shakiyey inuu Marxuumku Farshaxanimadiisa u adeeg-saday “Brobogaandhaha” Dacaayadaha Rajiimka, Marxuum Muraad wuu ka baxay dalka, waxaanu tegey dalka Sucuudi Carabiya, waqtigaas oo ku beegantay markii Halganku (SNM) dalka ka aloosamay, qayb libaax ayaanu ka qaatay isagoo Fasamadaa ILLAAHAY u dhibyareeyay ku muujin jiray had iyo jeer sida arxandarrada ah ee Taliskii Faashiga ahaa umadda ugula dhaqmaayey.
Marxuumku wuxuu usii baqoolay dalka “Canada” halkaasoo uu muddo ku noolaa, balse Marxuumka marnaba waxaan ka maqnayn qalbigiisaa kalgacalka iyo jacaylka uu u qabay dalka iyo dadka reer Somaliland, sidaa darted ayuu u soo guryo noqday si uu dalkiisa iyo dadkiisa horumarkooda uga qayb qaato.
Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waa Ninkii Hindisay “Calanka” Jamhuuriyadda Somaliland, Tigidhada, Farshaxanka (Lacagta Somaliland), Astaamaha Qaranka Qaarkood, Maababka iyo Khraa’idka Somaliland ee muujinaaya Tusaalooyin badan oo saameeya Cilmiga, Cimilada, Degaanka, Khayraadka Dabiiciga, Baasaboorka Somaliland IWM.
Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak waxay tii ILLAAHAY ku timid isagoo faraha ku haya hawlo fara badan oo dalka anfici lahaa, wuxuu ifka kaga tegay 5 “Carruura ah” Saddex Wiil iyo Laba Gabdhood ILLAAHAY Marxuum Muraad Cabdalle Mubaarak ha u Naxariisto Naxariistii Janna haka waraabiyo, Ehelediisii iyo dadka reer Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo INAN LI LLAAH WA INAN LI LLAAHI RAAJUCUUN
(NB) Marxuum Muraad waxaa hawl dheeraad ah ku ahayd isu soo dhaweynta Somaliland iyo Yemen iyo Jaaliyadda halkan deggen iyo dadka reer Somaliland.
Wariye Ciise Ismaaciil Axmed - Switzerland
Email: ashqaraar@hotmail.com
