October 31, 2009
A Heroic Doctor, a Global Scourge - BY Nicolas Kristof
My Sunday column is about obstetric fistula, a horrendous childbirth injury that rarely gets attention or treatment because the victims are the most voiceless of the voiceless. Dr. Lewis Wall, the hero of the column, taught me about fistulas years ago, and so I’ve been writing about them periodically since my first column on the topic back in 2002.
Cidii aan ka soo xaadirin baroor-diiqdii Oct. 29, 2008 waa niman magta la bixiya cadawga Somaliland.
Waxa aan aad u salaamayaa dhamaan shacbiga Somaliland meelkasta ha joogaan waxa maanta ii dheer arrin igu riday fajac iyo u qaadan waa anigoo is waydiiyay sida ay ku dhacday xaajadani. Waxay ahayd October 29, 2008 markii la qarxiyay xudunta dawladeena (waa madaxtooyadee) taasoo ay ku nafwaayeen dad badan oo aan waxba galabsan oo ay ka mid yihiin caruur, aqoon yahan masuuliyiin iyo indheer garad intuba.
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in sanad walba xukuumadu 210-kun oo dollar ku bixiso dayactirka jidka isku xidha Berbera ilaa kalabaydh, taas oo cid ka taageertaa aanay jirin. Wasiirka hawlaha guud waxa uu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta booqanayay jidka isku xidha Hargeysa ilaa Berbera oo dayactir lagu samaynayo ay ka waday hay’adda wadooyinka Somaliland (SRA).
Dhegeyso Wasiirka Haawlaha Guud Iyo Maareeye Ku-xigeenka Wadooyinka
Hoos ka daawo sawirka jidka More
Hargeysa (Harowo Desk) - Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland ayaa si kulul u beenisay waraysi xoghayaha arimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye siiyay wargeyska Saxansaxo ee ka soo baxa Hargeysa, kaas oo uu ku sheegay xoghayaha dibadda ee Kulmiye in dawladdaha reer galbeedku Somaliland ka joojiyeen mucaawinooyinkii ay siin jireen ilaa doorashadu qabsoomayso. Warsaxaafadeed wasaaradda Qorshayntu arintaa ku beeninayso oo uu ku saxeexan yahay agaasimaah guud ee wasaaradda qorsheynta Maxamuud Xuseen Muuse, waxaanu isagoo dhamaystiran u dhignaa qoraalkaasi sidan:
Tix –raac maqaalka cadadkiisu yahay 4013 ee Wargeyska Jamhuuriya kuna soo baxay maalintii shalay Jimce 30/10/2009, kaaso faafiyay in Afhayenka Ciidamada ‘Amisom” ee jooga Muqdisho, uu ku dhawaaqay in ay fasax u haystaan in ay hawlgalo ay ka fuliyaan dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland hadalkaasi oo uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moqdisho.
October 30, 2009
US Food Aid Contributing To Africa’s Hunger?
Drought-stricken Ethiopia is pleading for food aid again to stave off starvation, but some critics are complaining that the policies of the country’s most generous donor, the United States, is exacerbating the cycle of starvation. A hungry Ethiopia gets 70 percent of its aid from the U.S., but according to a new report by the aid organization Oxfam International, that help comes at a cost. U.S. law requires that food aid money be spent on food grown in the U.S., at least half of it must be packed in the U.S. and most of it must be transported in U.S. ships. The Oxfam report, “Band Aids and Beyond,” claims that is far more expensive and time consuming than buying food in the region.
Hargeysa - Xus balaadhan oo shalay subax lagu xusayay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Maalintii ay Cadowga Somaliland ay weeraro argagaxiso ku soo qaadeen Meelo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Xarunta UNDP iyo Xafiiska Ganacsi ee ay Dawlada Itoobiya ku leedahay Hargeysa. Xuskan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Mudane, Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwada Madaxweynaha, Marwo, Huda Barkhad Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga…..
Hargeysa (Jam) - Shir muddo afar maalmood ah magaalada Hargeysa uga socday 50 caaqil oo ka kala yimi saddexda gobo lee galbeedka Somaliland Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil oo lagaga hadlayey falalka kufsiga dumarka loo geysto oo kor u sii kacaya, ayaa gebogabadiisii laga soo saaray go’aamo culus oo wax lagaga qabanayo kufsiga. Go’aamadan oo ku wajahan kaalinta madaxdhaqameedku ku leeyahay kiisaska fal-dambiyeedka ka dhanka ah dadka geysta kufsiga, ayaa cuqaashaasi iyagoo dabasocday go’aamo noocan oo kale ah oo ay arrintan ka soo saareen bishii October ee sannadkii 2006-dii, kadib shirweyne ay ku yeesheen huteelka Ambassodor, balse sidii la doonayey u hirgeliwaayey.
Dhawaan waxaa websiteka Bakhtipress lagu soo daabacey qoraalo aflagaado ah, kuwaasi oo lagu caayayo shakhsiyaad madax ah oo xil masuuliyadeed u haya umad dhan oo aamintey. Waxaa kale oo la soo galiyey sawiro aan shakhsiyaadkii iska lahaa wax ogolaanshiyo ah aan la weydiisan in websiteka lagu soo dhajiyo, taasi waxey keentey in muwaadiniintaas bilaashka iyo macna darada lagu caayey, isla markaasna meel lagaga dhacey sharaftii ilaahey siiyey sawirkiisiina qoraal aanu ka raali aheyn lagu kor dhajiyey.
Tan iy intii ay Somaliland lasoo noqotay xoriyadeeda ee lagaga dhawaaqay magalada Burco ee gobalka Togdheer. Waxaa jiray kala shaki ku dhex jiray beelaha wada daga Somaliland maadam ay jirtay colaado udhaxeeyay, dadka badankiisuna waxay ahaayeen qaar aan ku qanacsayn sida ay maamuladii markaa Somaliland kajiray ay wax u wadaan, oo ayba u arkayeen inay u xaglinayaan qabiil gaara. kala shakigii u dhaxeeyay qabiilada ayaa sababay inuu dhaco dagaal sokeeye oo uu dhiig badani kudaatay 1994.
Hargeysa (Harowo Desk) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa khudbad dheer maanta ka jeediyay munaasibad loo qabtay baroor diiqda dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii kal hore maanta maalinteedi lala beegsaday goobo ku yaal magaalada Hargeya, gaar ahaan Madaxtooyada. Laanta qaramadda midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP iyo xafiiska ganacsiga Ethiopia.
Madaxweynuhu waxa uu khudbadiisaa kaga waramay ujeedooyinka argagixisadu ka damacsan tahay weeraradii ay Somaliland ku qaaday, wakhtiyada lagu soo beegay iyo sida ay shacbiga fikradooda u gashanayaan. Waxa uu ku baaqay in wada jir lagaga hor tago, oo fikir lagu wajaho, waxa uu mahadnaq u diray dawladihii Somaliland is garab taagay halka uu beesha caalamkana fariin cad oo ah in Somaliland ay wax la qabtaan u diray.
Hargeysa (Harowo Desk) - Munaasibad Xus Baroor Diiq ah loogu samaynayay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii 29/10/08-da lagu dilay, qaraxyadii lagu weeraray Madaxtooyadda, Hay’adda UNDP iyo xafiiska ganacsiga ethiopia ku leedahay Somaliland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Somaliland. Xuska Baroor diiqda qaraxyadii Hargeysa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne Ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Marwadda Madaxweynaha Hudda Barkhad Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiiro tira badan, xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka, aqoonyahano, culimaa’udiin, haween iyo marti sharaf aad u tira badan waxaana halkaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan.
Jamhuuriya waxay ku tilmaamtay dhaarta lagu dhaariyay Komishanka Doorashooyinka in ay tahay qalad. Waxay sheegtay in ay jiraan laba dhaarood. Ta hore waxay tidhi waxa lagu dhaariyaa Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo masuuliyiinta kale ee qaranka. Ta labaadna waxay sheegtay in lagu dhaariyu Komishanka Doorashooyinka. Waxa kale oo ay Jamhuuriya ku sheegtay dhaartaas mid guracan oon ahayn sharci. Waxay markiiba weerar ku qaaday Gudoomiya Maxkamada Sare oo ay ku tilmaamtay in aanay marin Xubnaha Komishanka Doorashooyinka dhaar sharci ah.
Boorama (Harowo) – Adeegsiga xiddigaha iyo faalku waxay ka mid ah yihiin waxyaalaha ay aaminsanyihiin malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha dunida, iyagoo inta badan adeegsiga xiddigaha iyo faalkaba u haysta ainay yihiin kuwa laga sii saadaaliyo waxyaalao dhici doona shar iyo khayr midkay doonaanba ha ahaadaane. Inkasta oo culimada islaamku arrimahan ku sheegaan inay yihiin shirki, balse weli waxay ka amid yihiin nolosha iyo dhaqanka dad badan oo dunida ku nooli ku aaminaan mustaqbalkoodu wax uu noqon doono.
Inkastoo uu is qariyo qof ka tirsan ururada Daallibaanka diinta ee maanta ka jira Geeska Afrika haddana waxaa jira calaamado u khaas ah oo lagu garto. Calaamadahaasi waa kuwo aanu iska suulin karin oo uu umadda kale kaga soocanyahay. Qofka raba inuu garto Qof Daallibaan diimeed ah oo is qaranaya wuxuu ku garan karaa calaamadaaha soo socda:
October 28, 2009
Halkan ka dhegayso Dhaartii iyo Hadaladii Madaxweyne Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.
Hargeysa (Harowo Desk) - Waxa maanta si rasmi ah xarunta madaxtooyadda Somaliland loogu dhaariyay xubnihii komishanka doorashooyinka ee cusub oo todobaadkan bilowgiisi golaha wakiiladu ansixiyay. Hadaba dhaarta xubnahan cusub ee komishanka waxa ka qayb galay madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo dastuurku dhigayo in hortiisa lagu dhaariyo, iyo labadda gudoomiye Xisbi Mucaarid (Kulmiye iyo Ucid) Axmed Siilayo iyo Faysal Cali Waraabe.
Dhegayso sidii xafladaasi u dhacday iyo hadaladii laga jeediyay
Hargeysa (Harowo Desk) - Xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta si rasmi ah loogu hor dhaariyay Madaxweynaha Somaliland iyo labadda Gudoomiye Xisbi mucaarid oo komishankan cusub uga kala gar naqi doono doorashadda Madaxtooyadda ee la filayo in laga qabto Somaliland. Xaflad balaadhan oo dhaarinta xubnahan lagu maamuusayo ayaa maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Somaliland waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan golayaasha qaranka.
Dalkasta oo dunida ka mid ahi ama umadkastaa oo ku nool dunida guudkeeda waxa ay xusaan dad yagii u soo halgamay ama noloshooda Wax ku soo kordhiyay, sida halgan, horumar dhinaca bulshada iyo dhinaca siyaasadda. Waxa kale oo dunidu taariikhda ku dhigtaa shaqsiyaadkii sida calanka sameeyay. Haddaba anigoo eegaya Bulshada reer Somaliland, sida ay u xusaan shaqsiyaadka dalka iyo dadka qiimaha weyn ku lahaa. Tan iyo markii uu geeriyooday Marxuum Muraad Cabdale Mubaarik waxaa ka soo weergtay 2 sanno, taasi oo ku beegan 30/10/2009 ka. Haddaba tan iyo markii uu geeriyooday Marxuum Muraad marna lama xusun, taasi oo macnaheedu noqon karo in la iskaba ilaabay, waayo maalin kasta waxa magaalada Hargeysa ama Gobolada dalka laga xusaa shaqsiyaad qiimo badan ku lahaa dalka.
WAXAAN KU HORAYNAYAA BOOLISKA SL OO AAN USOO JEEDINAYO INAANAY QAFKA CUDURKAN JUUDAANKU HAYO AAYAR JEEL UGU TUURIN AMA U MASTAAFURIN LAAKIIN QOFKAN U SADHADHAYSAN JUUDAANKA HALAGA QAADO SAWIR SHABAKADUU SHAACIYAAN SI HADII UU FAKADO LOO GARTO. HADII KALE SIDEE LAGU GARANAYAA QOFKII OO KU AGMARAYA!!!!!!!!!!!!!!!???? BARYO HORE AYAAN MAQLAY JUUDAN DAD QABA MAANTANA WAAN MAQLAYAA WAXAAD MOODAABA IN DADKAN QABA CUDURKAN JUUDAANKU INAY INAGU SOO XAGAA BAXAAN!

