September 30, 2009

War-Saxaafadeed: Republic Of Somaliland (Ministry of Foreign Affairs)

Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay  29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:

1. Rayisal wasaare ku xigeenku si fiican ayuu uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland wuuna ku mahadsan yahay. Haseyeeshe markii la weydiiyay in la gaadhay waqtigii Somaliland la aqoonsan lahaa wuxuu ku jawaabay “Nin baa waran isha lagaga taagay mid kalena badhida markii la weydiyay midkee lagaa jaraa  wuxuu ku jawaabay midka badhida iga taagan si aan salka u dhigo oo aan u fadhiisto, taaso macneheedu yahay diyaar uma nihin in aanu aqoonsano Somaliland hadda” .

2. Waxaanu walaalkeen u sheegeyna  waranku meeshu doono ha kaaga taagnaadee in aanay Somaliland u daba fadhiisanayn madax banaanideeda Somalia oo aanu 1991 kii  ka tashanay in aanu ka noqonay israacii 1960 kii.

Allaa Mahad Leh

Siciid Maxamed Nuur - Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda

Login