September 30, 2009

Madaxtooyada Somaliland oo Galabta lagu Saxeexay Lixdii Qodob ee soo Afjaray Khilaafka Siyaasadeed ee Taagnaa Somaliland.

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-small Hargeysa - Waxa galabta qasriga Madaxtooyada JSL lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu saxeexayay Lixdii qodob ee beesha caalamku ku taliyeen ee khilaafkii taagnaa ee dalka soo afjaray. Waxa saxeexay lixda Qodob Gudoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran, Dawlada Itoobiya iyo Deeqbixiyayaasha. Ugu horeyn waxa saxeexay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxana goob joog ka ahaa Shirgudoonada Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Deeqbixiyayaasha oo uu wakiil ka ahaa John Marshal iyo Dawlada Itoobiya.

Hoos Ka Daawo Sawirada Saxeexa Gudoomiyayaasha

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-1

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-21

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-3

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-5

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-6

saxeexa-heshiiska-xisbiyada-4

Source: Somalilandnation

Login