September 30, 2009

Ismaaciil Muumin Aare Iyo Cabdiraxmaan Saylici (Musharaxa Madaweyne Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye) oo Maanta Si Ba’an Iskugu Maandhaafay Shir Jaraa’id oo ay Wadjir Ugu Qaban Lahaayeen Magaalada Boorama

fight-3 Boorama (Harowo) - Masuulyiinta xisbiga Kulmiye ee G/awdal iyo xubno ka tirsan hoggaanka sare ee xisbigaasi, ayaa maanta ku kala tegey hadal wadajir ay Boorama uga soo saari lahaayeen oo la tuhunsanyahay inuu ku saabsanaa marxaladda siyaasadeed ee dalku geleyo ka dib markii ay heshiiyeen dhinmacayada siyaasadda ee isku hayey khilaafka ka dhashay doorashada madaxtooyada Somaliland. Sida warku sheegeyo musharrax xisbiga Kulmiye ee mansabka madaxweyne ku-xigeenka, C/raxmaan Saylci….

iyo masuulyiinta xisbiga Kulmiye ee G/awdal iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal, ayaa maanta u ballansasaan shir jaraaid, oo ay shalay ku wargeliyeen saxaafadda. Hase yeeshee shirkaasi jaraaid ayaa baaqday kaddib markii sida la sheegay ay xubnahaasi isku afgaraan waayeen nuxurkiisa iyo qaabka loo dhigayo.

Inkastoo anay dhinacayada isku khilaafay warkani wax hadal ha ka soo saarin, balse wararku dhaw dhaw xarunta maamulka xisbigaasi ee gobolka Awdal, ayaa sheegayo in in Ismaaciil Muumin Aare iyo xubno ka tirsan maamulka xisbigaasi ee gobolku diideen inay ka hadlaan shirkaasi ka  dib markii loogu sheegay in ujeedadiisu tahay taageero la taageerayo go’aankii Golaha guurtida iyo Beesha caalamka, iyadoo sida la sheegeyo uu Ismaciil muumin aare oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga Kulmiye ee G/awdal uu hadalkaasi ku tilmaamay “mid an macno lahayn, xafladdii xisbiga UDUB qabatayna ku filantahay……Sidaa darteedna an loo baahnayn xisbi kastaaba keligii go’aankaasi gooni u taageero, una egyahay uun ku dayasho lagu dayanayo xafladdii UDUB u qabatay taageerada go’aankaasi, sidaa darteedna aanu wax macno ah lahayn haddii anay jirin siyaasad cusub iyo arrimo cusub oo arrimno kale lagaga hadlayo”.

Ismaaciil Muumin Aare ayaa dhinaca kalena la sheegey inuu maamulka xisbiga ee gobolka ku dhaliilay itaaldarada, dhaqaale darro hadhaysay xarunta xisbigaasi oo sababtay in hawlihii xisbigaasi ee gobolku fadhiistaan. Sidaa darteedna aan loo baahnayn in meel madhan dadka loogu yeedhyeedho.

Hadalka Ismaaciil Muumin aare iyo xubno kale oo tirsan masuulyiinta xisbigaasi ee gobolka Awdal, ayaa la sheegeyaa inay kaga cahdyasiiyeen musharraxa xisbigaasi ee mansabka madaxweyne ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Saylici, taasina ay keentay in Saylici cadho kaga soo kictimo maagalada Boorama, una soo baqoolo dhinaca Hargeysa.

Inkastoo anay jirin warar rasmi ah oo arrintan laga soo saaray, waxase iska caddaan ah in waayadanba masuulyiinta xisbigaasi ee gobolka iyo saraakiisha sarsare ee xisbigaasi ka joogta magaalada Hargeysa aad moodaysay inaysan wax xidhiidha ah lahayn, taasina ay sababtay inaan Boorama laga dareemin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye tan iyo markii ay ciidamada Dawladdu xarunta Xisbigaasi ee Boorama ku cabudhiyeen isu soobax loola dan lahaa in lagu taageero mawqifyadii adkaa ee xisnbiyada mucaaradku ka qaateen xukuumadda Rayaale muddo haatan laga joogo laba bilood ku dhawaad.

Maxamed Cumar - Hyena

Harowo.com, Boorama, Somaliland

Login