September 29, 2009

Mudanayaasha Labadii Garab ee Golaha Wakiillada Iyo Shirgudoonkooda Oo Sheegay In Murankii Dhexdooda Ay Xaliyeen, Isna Saamaxeen

wakiilada-smaal Hargeysa (Harowo Desk) - Mudanayaasha Golaha Wakiiladda gaar ahaan labadii garab ee kala difaacayay Xukuumadda iyo Xisbiyadda mucaaridka ah iyo Shirgudoonka ayaa maalin ka dib markii goluhu laalay labadii mooshin ee khilaafka iyo buuqa gacan ka hadalka gaadhay, markii ugu horaysay yeeshay Kulan turxaan saar iyo is cafin ah, kaas oo ka qabsoomay sooryo qado oo maanta ay labadda dhinac ku yeesheen Hudheelka maansoor ee Magaaladda Hargeysa. Kulankan qado ee Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Shirgudoonka ama labadii garab ee goluhu u kala jabay todobaadyadii dhawaa oo ahaa mid saxaafadu dibadda ka joogtay oo albaabadda la isku xidhay.

Markii kulankan la dhamaystay waxa halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), hadalkaas oo u badnaa Mahadnaq Xildhibaanadda golaha iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay soo afjarida khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka jiray.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray in Golaha wakiiladu galayo laga bilaabo shalay fasax laba bilood ah, kaas oo ujeedadiisu tahay in xildhibaanadu ka soo nastaan shaqadii dheerayd ee sadexdii kalfadhi iskuna soo noqdaan iyagoo maskax ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qaba.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro waxa uu hore u sheegay in golaha wakiiladu aanu waxba isku hayn Xildhibaanaduna aanay col ahayn balse ay jiraan faragalin dibadda kaga imanaya kuwaas oo sida uu sheegay hadii la joojiyo goluhu heshiin karo. Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxba kamuu odhan sababta khilaafka ka imanaya dibadda ay shir gudoon ahaan xal ugu heli waayeen, waxa kale oo uu Gudoomiyuhu marar badan indhaha ka qarsaday sababta golihii umadu soo dooratay ugu jahwareeray mooshino iska soo hor jeeda oo aan dani ugu jirin dalka iyo dadkaba.

Golaha wakiiladda Somaliland oo maraya sanadkiisi 4aad waxa hor yaala hawlo badan iyo shuruuc miisaan culus oo la’aantood wax badani u qabyoobay sida xeerkii lagu dooran lahaa golaha guurtidda oo markii uu golaha ka soo bixi waayay taa badalkeeda mudo afar sanadood ah madaxweynuhu u kordhiyay, hasa yeeshee waxa ugu badan ee golaha lagu xasuusto ayaa ah Mooshin iyo muran aan dhamaan oo ay kula jiraan xukuumadda.

heshiiskii-wakiilada

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login