September 29, 2009

Mucaaridka Somaliland: Hor iyo Dabo Diid……..!!!!

yes-no-copy Inkasta oo Dhinacyada Doorashadu khusayso ay qolo waliba dhaliisha iska fogaynayso, islamarkaana qoloba ay qolada kale ku eedeynayso inay leedahay sababta keentay dib-u-dhaca doorashadai Madaxtooyada Somaliland, ee suurta galka noqon weyday inay ku qabsoonto wakhtigii hore loogu qoondeeyey oo ahaa 27-kii Bishan Septembar 2009, haddana waxaan shaki jirin in cida keliya ee muujisay inay ka go’antahay hirgelinta Doorashada uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Marka loo eego habdhaqankii iyo ficiladii Xisbiyadda Mucaaradka ahi ku kacayeen muddii uu socday diyaargarowgii hawlaha  Doorashada, kuwaas oo mar kasta oo muran yimaado arrinta cirka ku laalayey, balse marka wakhti badani lumo kadib ogolaanayeey in wada hadal lagu dhameeyo wixi la isku khilaafsanaa.

Haddii aynu waxoogaa dib u milicsano dhacdooyinkii u dambeeyey ee la xidhiidhay Dib-u-dhaca doorashada iyo khilaafkii siyaasadeed ee muddadii dhowrka todobaad ahayd ka dhex aloosnaa Xukuumada iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID, kaas oo markii xaraaradiisu gaadhay halkii u sareysay dirqi iyo tu Aalle lagu soo af jaray jimcihii todobaadkan, kadib markii Golaha golaha guurtidu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen heshiis lix qodob ka kooban oo beesha caalamku u soo jeedisay sadexda Xisbi Qaran, kuwaas oo dhamaantood saacado ka dib markii go’aankaasi ka soo baxay guurtida ku dhawaaqay inay si buuxda u taageersan yihiin.

Haddaba waxaa isweydiin muddan sababta labada Xisbi Mucaarad ay markii hore ku diideen heshiiska ay hadda ogolaadeen iyadoo sida laga warqabo ay hore ugu soo jeediyeen ergooyinkii ka kala socotay Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowlada Itoobiya, ee hawlaha dhexdhexaadinta u yimi Somaliland dhawaan, iyo weliba xubno ka mid ah Komishanka Qaranka Somalililand, kuwaas oo dhamaantood ku taliyey in dhinacyada khilaafku ka dhexeeya aqbalaan qodobada hadda lagu heshiiyey, si ay u suurto gasho in dalka doorasho ka qabsoonto. Hase yeeshee, waxaa soo-jeedimahaas mar walba ganafka ku dhufanayey oo diidmo qayaxan kala hor imanayey labada Xisbi mucaarad KULMIYE iyo UCID, halka Xisbi xaakimka UDUB keligii ka ogolaanayey marwalba wixi soo jeedin iyo Go’aan ah ee uu u arkayey in xalku ku jiro.

Arrimahaasi waxa ay ka markhaanti kacayaan in Xisbiyada Mucaaradku kow ka yihiin cida carqaladeynaysa hanaanka Doorashooyinka iyo geedi socodka Dimuqraadiyadda Somalilnd, sababta oo ah waxay caadeysteen mar kasta oo ay soo dhawaato wakhtigii doorashadu in ay kala horyimaadaan muran ma dhalays ah oo marka dambe sida soodhaha u gudha, waxaana habdhaqankan xisbiyada Mucaaradka ee Hor iyo Daba diidka ahi marwalba natiijadiisunoqotaa; in doorashadu dib uga dhacdo wakhtigeedii, iyo in Golaha Guurtidu Shaanbada muddo kordhinta ugu dhufto Xukuumadda markasta oo ay dhamaato mudadii xil hayntoodu, iyaga oo cuskanaya Qodobo Distoori ah.

Marka dhinac kale laga eego habdhaqanka iyo ficilada xag-jirnimada ah ee Xisbiyada Mucaaradka ah KULMIYE iyo UCID, waxa dadka Siyaasada ka faaloodaan ku micneeyaan inay yihiin kuwo aan lahayn mabda’ cad oo meel leh meel loogu soo hagaago, balse, ay siyaasadoodu tahay mid ku dhisan qaab caadifadeysan.ah, taasina ay sababto in walkasta lagaga guuleysto saaxada Siyaasada.

Sidaadarteed, waxaa Xisbiyadda Mucaaradka laaga fadhiyaa inay wax ka bedelaan qaabkoodan Siyaasadeed oo wixii hadda  ka dambeeya  la yimaadaan Barnaamij Siyaasadeed ay ku dheehan tahay farshaxanimo casriyeysan, si ay uga midho dhaliyaan itijaahooda ku wajahan hanashada  hogaaminta dalka.

Dhinaca kale, Xisbi Xaakimka UDUB iyo Xukuumadiisa, ayaan la odhan Karin gebi ahaanba waxay saafi ayey ka yihiin arrimaha keenay dib-u-dhaca Doorashooyinka, balse ay qayb ka ahayd khilaafkii gilgilay dalka dhawaan. Inkasta oo mowqifka Xukuumaddu ka duwanaa ama ka debecsanaa kuwa Xisbiyada kale ee Mucaaradka marka kasta oo laga wada hadlayey arrimahii ku saabsanaa Doorashada,iyada oo ka faa’idaysanaysay khaladaadkii iyo il duufkii Mucaaradka, haddana sida dadka qaarkii ku doodayaan Xukuumaddu waxa arrinteedu ahayd qawda maqashii waxna how qaban.

Guntii iyo Gebogabadii, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Raad Arooryo Dib Looma Raaco”,  Sadexda  xisbi Qaran, waxaanu si wada jir ah ugu soo jeedinaynaa;  inaad Dhamaantiinba marka hore  iska iloowdaan waxyaabihii khilaafkiinii hore ku saabsanaa, kuna qanacdaan natiijada ka soo baxda heshiiska lagu soo afjaray khilaafkiina, kana dhabaysaan niyadwanaagii aad u muujiseen Go’aankii golaha guurtida,si dalka looga badbaadiyo burbur aanu ka soo kaban.

Source: Wargayska YOOL

Login