September 29, 2009

Garabka Haweenka iyo Dhalinyarta Xisbiga UDUB ee Gobolka Maroodi-jeex oo Taageeray Go’aankii Guurtida

Waaheen - Ururka Haweenka ee gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga UDUB ayaa shalay kulan baladhan oo ay ku tageerayeen go’aankii golaha Guurtida ee soo afjaray khilaafaadkii siyaasadeed ee dalka hadheeyay oo ay ku qabteen xarunta xisbiga udub ee gobolka maroodi jeex. kulankan tageerada ah oo ay ka soo qayb galeen gudoomiyaasha garabka haweenka ee 5 deegmo iyo garabka dhalinyarada ee xisbiga udub, waxanay tageero u muujiyeen go,aankii golaha guurtida oo ay ku tilmaameen in uu ahaa go,aan geesinimo ah.

Gudoomiyaha garabka haweenka ee gobolka maroodi-jeex Sahra Cabdi Guuleed oo kulankaasi ka hadashay ayaa waxay hambalayo u dirtay golaha guuurtida waxaanay shacabka somaliland ugu baaqaday in ay nabadgalyadood ilaashada iyadood arrimaha ka waramay san waxa ay tidhi ” waxaynu madashan iskugu nimid in aynu tageerno go”aankii golaha guurtidu ee keenay nabadgelayada kaas oo ahaa mid farxadeed oo ay ku seexdeen Ummada reer somaliland ee baryahan kabuhu suxulada ugu jireen, waxaan leeyahay golaha guurtidu aad ayey u mahadsan yihiin. Ma,aha markii ugu horeeysay ee ay doorkan oo kale ay qaataan golaha guurtidu.

Sahra Cabdi Guuleed waxay intaas kudartey “Golaha Guurtiddu ilaa intii aynaan qadan Dawladnimada 1990kii ee aynu joognay Qaaxo ee aynu ahayn xisbiga SNM ee uu inagu dhacay furfurka iyo farogalintu ee uu inagu sameeyay xukumaddii siyaad barre, markaas guurtida ayaa isku keentay oo isku xidhay beelihii s/land, golaha guurtidu waa Udub-dhexaadka ay ku tagan tahay Somaliland, Golaha Guurtidu Waa Gole sharci maah Gole iska yimid ee waa Gole aynu inagu samaysanay.

Maanta maah maalin ay dad qaxaan oo laga war-waro Nabad galayada maynaan Taagnayn, waxay ahayad maanta maalin aynu suganay inaynu isku taagano dhabiihii Ictiraacka, waxaan kaloo aan idiin sheegayaa in aanay Hargeysa oo kaliya aan ahayn meesha laga dareemayey dhibaatada waxaa kaloo dhibaaatada laga dareemayey Laas-caanood ilaa Saylac markaa dadku waa ay war warayeen meel kastoo ay joogaan qof walba waxaa uu aaminsanaa inuu soo gaadhayo dabku, hadii aynu maanta bur gubno kaynta oo dhan wuu gaadhay ma ah in burkaas oo kaliya uu gubanayo.

Waxaan aad ugu mahad naqayaa Guurtida qaadatay go,aankii isku keenay Saddexda Xisbi Qaran, waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo mar walba tanaasulka iyo gogosha fidsan uu ugu baaqay Xisbiyada Mucaaridka ah ee uu Madaxweynaha u yahay ayeey tidhi Sahra Cabdi Guleed.

Waxa kale oo ka hadashay kulankaasi Aamina Cabdi jiciir waxanay si qotodheer uga warantay xalada dalku marayo waxayan sheegtay in uu wadanku marayo meel aad u fiican balse aan loo bahaneeyan in dib loo noqdo waxanay hambalyeeysay Golaha guurtida goaankii ay gadheen waxan goaankasi ku tilmaamtay in uu ahaa goaan ka wada farxiyeey shacabka somaliland.

Waxa kale oo ay naqdiday Golaha wakiilada oo ay ku tilmaamtay qaar garanla wixii ay bulshadu u soo dortay waxanay u soo jeedisay golaha wakiilada in ay gartaan wixii ay ummadu u soo doortay, waxa kale oo kulankaasi ka hadlay dhalinyaro ka tirsan garabka dhalinyarad ee xisbiga udub waxaanay si mugleh uga warameen taageerada ay u hayaan xisbiga UDUB waxanay tagereen goaankii golaha guurtida ee soo afjaray khilaafadka siyaasadeed ee ka jiray dalka Somaliland.

Source: Waaheen

Login