September 29, 2009

Ceerigaabo oo Roobkii Ugu Cuslaa Rubuc Qarnigii Ugu Danbeeyay Ka Da’ay.

ceerigaabo-small Ceerigaabo, (Harowo Desk) - Wararka laga helayo Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo ayaa sheegaya in Roobabkii Dayrtu ka curteen degaankaas, taas oo maalintii isniintii uu halkaa ka da’ay roob aad u laxaad leh oo lagu qabowsaday. Roobkan ka da’ay magaaladda Ceerigaabo oo sida wararku sheegeen da’ayay mudo shan saacadood ah waxa uu soo rogay biyo iyo daadad aad u baaxad balaadhnaa, oo magaaladda si wacan u xaadhay sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo oo roobkaa aanu wax ka waydiinay.

Roobabkan xooggan oo intii uu da’ayay iyo markii danbe daadka uu soo roogay kala xidhay isu socodkii gaadiidka iyo dadka ma jirin wax dhibaato ama waxyeelo ah oo ay geesteen isaga iyo daadkii uu soo rogay midna

Dadka Reer Ceerigaabo ayaa baaxadda roobkan ku tilmaamay inuu yahay kii ugu cuslaa ee deegaankaa ka da’a mudo rubuc qarni ah, waxaanu noqonayaa mid si wayn ay ugu diirsadeen dad iyo duunyaba, lagana yaabo haduu si wanaagsan u curto roobka dayrtu inuu soo afjaro abaartii biyo iyo baad la’aaneed ee goboladda bariga Somaliland.

Geesta kale Waxana la sheegayaa in roobab aad u wanaagsani ay ka da’een degaannada koonfurta, galbeedka, bariga iyo buuraleyda ilaa xeebta degaannada gobolkan Sanaag.

ceerigaabo

Harowo Desk Hargeysa Somaliland.

Login