September 28, 2009
Xafad lagu Taageerayey Heshiiskii Lagu Soo Afjaray Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland Ka Taagnaa oo Maanta Boorama Lagu Qabtay
Boorama (Harowo) - Munaasabad ballaadhan oo lagu taageerayey go’aamadii kasoo baxay beesha caalamka iyo G/guurtida soomaaliland ayaa maanta lgu qabtay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama. Xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen qaar kamid ah haweenka G/awdal ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka warfaafinta, Axmed Xaaji Daahir iyo raxan fanaaniin ah oo uu watay, Masuulyiinta xisbiga UDUB ee G/awdal, diblomaasiga caanka ah ee soomaaliland wakiilka uga ah dalka Itoobioya maxamed Sh.Xasan Nuuriye, maamulka Awdal, Salaadiin, boqollaal haween ah iyo martisharaf kale.
Xafladdan oo ahayd tii ugu horreysay ee Boorama lagu qabto intii ka dambaysay heshiikii khilaafka siyaasadda soomaaliland lagusoo afjaray, ayaa waxa khudbado ka jediyey siyaasiyiin, madaxdhaqmeedyo,iyo qaar ka amid ah msasuulyinta dawladda ee heer gobol.iyo heer qaran.
Guud ahaanba kulankan oo hoos loogu dhigayedy taageerada mudokordhinta Rayaale, ayaa masuulyiintii ka hadashay inta badan carrabaka ku dhufteen inay tahaay xaflad lagu taageerayo gola aguurtida iyo beesha caalamka.
Wasiirka warfaafinta oo khudbad naadir ah u jeediyey kasoo qaybgelyaash xafladdan Boorama,ayaa waxa uu sheegay in maanta reer Boorama mar kale reer soomaaliland u sheegeyaan qiimaha uu leeyahay heshiiskaasi iyo sida odayaasha guurtidu ugu hiiliyeen nabadda iyo jiritaanka soaomaaliland.
Wasiirka oo arroimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “maanta waxan taageeraynaa go’aan qaranka soomaaliland ka badbaadiyey burubur iyo qalalaase, waana taageero u baahan in lagu daydo,ilaa daafaha soomaalilandna laga muujin doono balse an ku koobnaan doonin G/awdal oo keliya.
Waxad ogytihiin in dhinacvyada siyaasadda isku hayey dalku maalinba maalinta ka dambaysa ka faaiideysanayeen dad an jeclayn inay soonmaaliland nabad iyo horumar kusii waarto, hase yeeshee caqligeenna iyo caqligii dalalka saaxiibka soomaaliland ah iyo caqqliga Golaheenna odayaasha garteen in la qaato qodobada heshiis ay soo jeediyeen, madaxweynaha soomaaliland aqbalay, lamana odhan karo cidaasuu go’aankaasi dan yhayay balse mid soomaaliland oo dhammi ku faraxday.waxan hambalyo iyo ammaan usoo jeedinayaa ciddi kasoo shaqaysay xafaladdan iyo inta niyaddafiican ee waddanimadada leh ee kalasoo shaqaysay.”
Guddoommikyaha G/awdal maxamuud sh. C/laahi Cige oo isdna halkaasi kahadlay ayaa sidoo kale waxa uu shakhsi ahaan ammaan usoo eediyey haweenayda soo abaabushay xafladdan taageerada ah oo la yidhaa Sahra Xuseen Saalax, kana mikd ah haweenka qurbajoogga reer awdal ee dalka kusoo laabtay .Guddddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay marxaladda dalku marayo ee dhinaca abaaraha isagooilaahau uga baryey in ilaahay abaarfta ka dulqaado.
Guddoomiyaha gobolka oo arrimahaasi kahadlayaana waxa uu yidhi “waxan marka horeammaan iyo bogaadinba u dirayaa id kastoo kasoo shaqysay xafladdan quruxda badan ,wsaxan gaar ahaan salaan u dirayaa marwo Sahra Xuseen saalax oo ah shakhsiyad reer awdal iyo reer soomaalilandba ku dayan karayaan.
Waa haweenayd ka hadhay qqoyskii reer Jaamac Aye (uurdoox),waxayna ahayd haweenayda keliya ee madaxweynaha Itoiobiya Mels Zenaawi u sheegtay in reer awdal iyo reer soomaaliklandba ahaayeen kuwii halganka lasoo galay Jabhaddii dalka Itoobiya xukunka ka ridday Diktaytarkii Migiste Xayle Maryan,sidaa darteedna uu mels u bixiyey Hooyada Horyaal maantana waxan u bixinaynaa hooyada g/awdal.
Maantana mar kale ayey reer soomaaliland ku baraarujisay in heshiisku yahay jidka keliya ee lagu gaadhi horumar ,balse fidno iyo xaalad amnidarfro an lagu gaadhi kartayn dimuqraadiyad iyo horumar heshiiskanina yahay kii reer somaaliland kasoo celiyeyh god madow oo ay ku dhici lahaayee.taageero inaan kusiinno odayaasha guurtiduna waa midda halkan isugu keen keentay.”

Guddoomiyekuxigeenka xisbiga UDUB ee G/awdal Barkhad Cumar, isna halkaasi ka hadlay ayaa isagu halkaa ka sheegay in cidda nabadda diidani tahay kuwa bannanbaxyada la hortegeya madaxtooyada ,dawladda swoomaalilandna sidii nabadgelyo lagu heli lahaa geed dheer iyo mid gaabanba ugu joogto.
Barkhad oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “maanta waxaan u dabbaldegeynaa heshiiska lagu heshiiyeyinaysan reer soomaaliland kursi isku dilin, hawo nimay fogeysaba danbaa hoos usoo celin, nin kasta oo isku daya inuu xoog wax ku raadiyaba dantaa ka adag oo shacbigaa ka adag ,oo nabad gelyadaa ka adag. Inta kasoo shaqaysay nabaddaasi ee guurtida iyo madaxweynuhu ugu hooreeyaan ayaan u mahadcelinaynaa, kuna tgaageeraynaa.”
Cabdi weyne ,kana mid ah qurbajoogga reer Awdfal ee carriga Ingriiiska oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “xafladdan uma ima inaan xisbi ggaar ah iyo koox siyaasadeed oo goon i ah ku taageerro, balse waxan u imi tazageero qaran oo an u muujinanno shacbiga soomaaliland.`Annagu waxan leenahay urur la yidhaa “Awdalnetwork” hawshiisuna tahay inaa g/awdal iyo soomaaliland inteeda kale wanaaggooda iyo midnimadooda ka shaqaynno, kumana shaqaynno qabyaalad iyo gobolaysi sidaa dartedn farriinta maanta waxa weeye mid xoojin aysa midnim ada soomaaliland iyo nabaddeeda.
Munaasabaddan saaka oo ay koox ka mid ahkooxaha fannaanniintga Hargeys ku maaweelinayeen heeso iyo muusig, ayaa sidoao kale lagusoo bandhigayey ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Saylciga, iyadoo halkaasna lagasoo jeediyey khudbado isugu jiray dardaaran iyo taageerada go’aankaasiba ay kasoo jeediyeen xubno isugu jiray masuulyiinta xisbiga UDUB iyo siyaasiyiin kaleba, balse anay madashaasi ama xafladaasi ka muuqan siyaasiyiinta xisbiyada mucaaradku.
Wakiilka xis biga UDUB ee G/awdal C/casiis Xuseen Raage, oo isku dayey inuu munaasabaddan khudbad ka jeediyo ayaa laga horjoogsaday ,isla markaana ka duday xafladaasi, ka dib markii ay qabanqaabiyayaasha xafladaasi u arkeen in hadalka uu xisbi ahaan ka jeediyo munaasabaddaasi uu keeni doono arrimo an loo fadhiyin oo u ekaan karta olole xisbi, taasina ay dhaawici karto ujeedaa loo qabtay xafladda oo ahayd in la taageero golaha go’aanka G/guurtida.
Maxamed Cumar - Hyena
Harowo.com, Boorama, Somailand
